Musharaxayagu waa Rayaale iyo ku xigeenkiisa Waraysi xiiso badan oo aanu la yeelanay Cismaan Hindi

 

Cismaaan Cabdillaahi Cigaa (Cismaan-Hindi) oo kamid ah Xubnaha gudida fulinta ee xisbiga UDUB, isla markaana ah wakiilka Xisbiga UDUB u qaabilsan Wakiilka Xisbiga UDUB u qaabilsan Komishanka Doorashooyinka oo ayaa sheegay in Xisbigiisu ogolayn in ay doorashadu dib uga dhacdo hal maalin,
isla markaana uu Xisbiga UDUB hore u shaaciyay xubanah uga tartamaya Doorashada Madaxtinimada ee fooda inagu soo haysa, xubnahaas oo cismaan hindi sheegay inay golaha dhexe ee Xisbiga UDUB kalsooni ku siiyeen Madaxweyneha hadda ee JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin inay ugau qaybgalaan doorashada Madaxtooyda.

Waraysi dheer oo uu Qarannews.com la yeelatay , waxa uu u qornaa sedan:

S: Qaybtii labaad ee Diiwaangelinta ee Kaydka ahayd (Supplemantary) ayaa maanta ka bilaabantay gobolka Hargeysa, kolkaa waxaan Cismaan Jecelnahay inaanu wax kaa weydiino bal sida ay u bilaantay iyo cabashooyin jira oo dadku ka muujinayaan tabashooyin?.

J: Marka ugu horeysa, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaanba dad weynaha Somaliland gudo iyo dibadba jooga ee ka qayb qaatay diiwaangelintu inay dalka ka hirhgasho, waad ogtihiin diiwaangelintu qiimaha ay u leedahay Somaliland waxaanay inoo soo dhawaynaysaa Adduun weynaha inay il gaara ku eegaan wadankan inuu yahay wadan horumar samaynaya oo wax badan qabsaday. Sida runta ah wadamo badan oo Afrika ka mid ah iyo mandaqadan aynu degenay ayaanay ka dhicin tan oo kale, Adduunyadu maanta waxay diiwaangelintan ku tilmaamaysaa arrin mucjiso ah. Wadan aynu ognahay miisaaniyadiisu inta ay tahay, adduunyadu cidi aanay ka aqoon oo aan la aqoonsan, waxana amaantaas oo dhan isla markaasna keentay in diiwaangelintu sidaa qabsoonto leh Xukuumadda, Xisbiyada Qaranka iyo shacbigaba.
Diiwaangelintani waxay inoogu fadhidaa arrin qaali ah oo ah inay dalkan ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah oo aan lahayn ku shubasho iyo muran, sidaynu ognahayna Adduunyada marka ay dadku doonayaan inay codeeyaan waxay tagaan Bolling Stataion (goobo codbixineed) oo uu magacoodu yaalo, maanta waxaynu doonaynaa inaynu ka gilgilano oo aynu ka baxno wixii la odhan jiray ku shubasho iyo Double Voting (laba jeer codeyn). kolkaa waxa weeyaan waad ogtihiin diiwaangelinta Hadafyadii aynu ka lahayn wax badan baa ka qabsoomay, sida quruxda badan ee Bari illaa Galbeed Somaliland ay uga dhacday waa wax lagu faano.
 

S: waxa jira Cabashooyin badan oo laga muujinayo diiwaangelintan gobolka Maroodi jeex ka bilaabantay oo la leeyahay goobaha diiwaangelinta ee kaydka ah waa lagu yareeyay gobolka Hargeysa, arrimahaa maxaa ma jira?.
J: Sida runta ah Barnaamij baa jira, taasi oo ah in wadanku lahaa 900 iyo wax ka badan oo goobood, gobolkan Hargeysa waxay goobihiisu ahaayeen 337 goobood, gobol walbana goobihiisu way cayinaayeen oo kuwii doorashooyinkii hore ayay ahaayeen, marka hore waxad ogaataan goobaha Gobolka Hargeysa inaanay yarayn oo ay yihiin seddex meelood meel (1/3) goobaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka loogu talo galay ee dalka oo dhan, taasina wax la iska siiyay maaha ee xaq bay u yeelatay waayo ummadii dalka oo dhan baa isugu timiday.
 

S: Laakiin Cismaan waxa jirta iyadoo aynu ognahay in gobolkani yahay gobolka ugu dadka badan 15-ka cisho ee kaydka ah ay muhiim ahayd maadaama oo dad badani aanay is diiwaangelin in goobo iyo tiimam badan la siiyo gobolka Hargeysa, taas ayay imika dad badani ka biyo diidan yihiin oo ay leeyihiin ma dabooli karto Teamamka la siiyay 15-ka cisho ee dheeraadka ah, arrintaa maxaad ka leedahay?.
 

J: Sida runta ah diiwaangelintu way dhacday, arrinta loo baahnaana waxay ahayd in 15-ka cisho ee danbe gobol walba loo diro, kooxahaasi kuwo qorshaysan bay ahaayeen, wax kastaana waxa uu salka ku hayaa dhaqaale teamka la kordhiyaana dhaqaalihiisa ayuu la kordhayaa, waxaynu ogsoonahay in kooxdiiba ka kooban tahay 10 ruux iyo in ka badan, seddex ka socda, komishanka, cadaalada iyo ciidanka intaas oo dhami waa dad lacag doonaya oo meel kasta oo ay tagaan lacag baa ku socota, waxaana intaa weliba dheer gaadiidka ay kaxaysanayaan, kolkaa Tiim kordhintu maaha wax la iska kordhinayo ee waa wax salka ku haya dhaqaale. Barnaamij baana jiray markii diiwaangelinta la samaynayay gobol waliba waxa uu lahaa goobo cayiman. Kuwan danbe (15-ka cisho) waxay ku salaysnaayeen degmooyinka uu gobolku ka kooban yahay, kadib waxa dhacday in dhibaatooyin badani dalka ka dhacaan, sida Saaxil oo kale, oo ahaa gobolkii ugu horeeyay ee lagu tijaabiyay diiwaangelinta, dhibaatadeeda ayay lahayd, Awdal baad ogaydeen oo aad ogaydeen mashaakilkii ka dhacay, waxaad ogaydeen ilaa Soddomeeyo Computer ay si khalad ah uga hawl galeen, khaladkaana Komishanku iyo Hay'adda Inter Peace qirteen oo maalimihii ugu horeeyay wax diiwaangelin ah oo Awdal ka dhacday aanay jirin, isla markaana ay waraaquhu ka go'een. Markii ay isku noqdeen Komishanka, Xisbiyada iyo inta kale ee ay arrintani khusayso waxa la isla gartay in indho gooni ah lagu eego arrimahaasi oo la eego meelaha ay dhibaatooyinku ka dhaceen ee ay ka mid yihiin Saaxil iyo Awdal, Waad ogtihiin oo goboladan bariga ee Sool iyo Sanaag inay jirtay in degmooyinka badankooda aanay wacyigelitu gaadhin, kolkaa meelo la kordhiyay haday jiraan oo Awdal, Sool iyo Sanaag iyo Berbera ahaa ayaa Teamamka loo kordhiyay, Hargeysa iyo Burco looma kordhin waxaana loogu kordhin waayay markii hore ayay goobo ku filan ay lahaayeen, dhibaatooyinka sida runta ah ka dhacay Awdalna kamay dhicin, waad ogtihiin Burco waayo aragnimadii laga dhaxlay Saaxil, Awdal iyo Hargeysa ayaa laga faa'iidaystay oo dhib ay reer Togdheer la kulmeen ma ay jirin, waxanay heleen Fursado waayoaragnimadaas la xidhiidha iyo dadaal badan oo Teamamka loogu kordhiyay, Togdheer ilaa 40 Team oo dheeraad ah baa la geeyay, wax waraaq ah oo ka go'ayna ma jirin, markaa waxyaabo badan markii la isla eegay waxaan filayaa in si qurux badan oo suuro gal ah loo qorsheeyay 15-kan cisho ee dheeraadka ah.
 

S: Waxa jirtay in gobolka Saaxil uu hore u dhamaystay 15-kii cisho ee hore dheeraadka ahaa, waa maxay baahida hadda keentay in mar labaad 15 cisho oo dheeraad ah la siiyo?.
 

J: Saaxil, waxa weeye baahida keentay, nidaam baa jiray in gobol walba team loo diro oo dib loogu noqdo oo qaraxii 29. oct baa ka mid ahaa oo hawlaheenii hakiyay. Saaxil afar goobood baa la yidhi sida runta ah markaa haka qabsoonto diiwaangelintu, seddex goobood bay diiwaangelintu ka qabsoontay diiwaangelintu, 15-koodii hore ee dheeraadka ahaa, goob kaliya baanay ka qabsoomin, taasi oo ah Bulaxaar, Xaqna sida runta ah way u lahaayeen inay ka qabsoonto, taasaana keentay in Bulaxaar lagu noqdo oo diiwaangelintii lagu noqdo.
 

S: Cismaan, waxaan Jecelahay inaan ku weydiiyo su'aal diiwaangelinta ka baxsan, Aad waxad ugu dhuun dalooshaa arrimaha doorashooyinka maadaama oo aad tahay wakiilkii Xisbil xaakimka u joogay komishanka, walaac badan baajira oo laga muujinayo doorashada soo socota oo la leeyahay waxay sababi kartaa dib u dhac, maadaama oo komishanku ku mashquulay arrinta diiwaangelinta oo kaliya oo hawlihi kale ee doorashooyinka maba wato la leeyahay, arrrintaa maxaa ka jira?.
 

J: Haddaanu nahay Xisbil Xaakimka oo aanu Xisbiga UDUB nahay ma ogolin, diyaarna uma nihin Maalin iyo saacadtoona ay doorashadu dib u dhacdo, waxa ay duruufuhu keenaan ee markaa loo wada joogaa waa halkeeda, laakiin annagu maanta waxaanu diyaar u nahay in doorashada wakhtigeedii lagu qabto, ku galnana sida runta ah, waayo waxaanu ognahay inay noogu badinayso sida runta ah, oo aanu ummada inteedii badnayd ilaa 80% haysano, markaa ma jirto wax sabab ah oo dib u dhigi karta doorashada.
 

S: Cismaan, waxa jirta mid u muuqata inay Xisbiga UDUB damacsan yihiin inay dib u dhacdo doorashadu, Macnihii oo dadka qaar leeyihiin Maadaama aanu wali ilaa HAdda UDUB shirweynihiisii qabsan waxa dhici karta inay doorashadu wakhtigeedii dib uga dhacdo, loollan badanina imika Xisbigiina wuu ka dhex jiraa, arrimahaasi maanay muujinayn inaad doonaysan in doorashadu dib u dhacdo?.
 

J: Horta waa nasiib darro inaad shirweynaha Xisbiga iyo doorashada qaranka isku xidhaan, waayo shirweynaha Xisbiga qabashadiisu waa halkiisa, waana laba arrimood oo kala gooni ah, doorashada Qaranka, seddexda Xisbi, komishanka xukuumadda ayay u taallaa oo ku heshiiyay, Shirweyne Xisbina wax ku xidhana maaha, Arrintaa Shirweynuhuna waa mid xisbiga UDUB u taala waanu Qabsoomayaa insha allah.
 

S: Laakiin Haddii aydaan diyaarsan cid idiinka Qayb gali lahayd tartanka doorashada, Maxaad doorashada kaga qayb galaysaan?.
 

J: Sideebaanan Cid nooga Qaybgasha u diyaarsan, hore waanu u sheegnay imikana waanu sheegaynaa, Xisbigayagu waa dimuqraadi, Madaxweynuhu hore ayuu u sheegay, ku xigeenkuna wuu sheegay inay musharaxiin u yihii xisbiga UDUB. Waxaan idiin sheegayaa sida runta ah oo aan hubaa 90% ub guddida fulinta, Golaha dhexe ee Xisbiga UDUB iyo shacbiga Somalilanba ay siinayaan taageeradooda, in Musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne--ku-xigeenku ee Xisbiga UDUB ay noqonayaan Madaxweyne Daahir Rayaalle KAahin iyo ku xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
 

S: Laakiin kalsooni Xisbiga ah inay ku soobaxaan maanay ahayn?.
 

J: Oo dee kalsooni Xisbiga ah baan ka hadlayaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!. kalsooni Xisbiga ah baan ka hadlayaa, waxa lagu dooranayaa waa shirweyne maaha meelahaasi iyo bahaabahaa iyo ruwaayado maaha, shirweynihu wuu qabsoomayaa mar ay noqotaba, laakiin waxaan idiin sheegayaa wakhtigan aad sheegaysaan ee aad leedihii musharaxiintii baan la soo bandhigin horteed inuu qabsoomayo.
 

S: Su'aal taas lamid ah aan ku weydiiyo Waxa jira Rag badan oo Xisbiga UDUB iska soo sharaxay,oo ay kamid yihiin Cabdillaahi Darawal iyo Axmed Sandoon ay ku dhawaaqeen inay musharaxiin Xisbiga ka tartamaya ay yihiin, isla markaana ay ragaasi leeyihiin kalsooni badan baanu gudida fulinta iyo xisbigaba ka haysanaa, Taasi miyaanay muujinayn in Xisbiga golihiisa dhexe tafaraaruq ku jiro oo ay kala taageersan yihiin musharaxiintan, hadba cidda isa soo taagta?.,
 

J: Adeer, wax tafaraaruq oo ah xisbiga ka dhex jiraa ma jiro, dimuqraadiyada ayuun bay muujinaysaa tani, ninkasta oo Muwaadina oo reer Somaliland ah ama Xisbi ha ahaado ama suuqa ha joogo, ama saylada adhiga ha u iibinayo inuu han la yimaado, oo hankiisu doonayo inuu hanto jagada ugu weyn ee Somaliland, distoorka qarankaana siinaya muwaadin kasta oo reer Somaliland ah inuu wax doorto lana doorto, waxa weeye Xisbigayagu nidaam iyo xeer buu leeyahay, kaasuun baana la raacayaa wax kale oo meesha yaallaa ma jiro.
 

S: ugu danbayn, waxaad tahay Siyaasi aad ugu firfircoon xisbiga UDUB dhexdiisa, waxaana nagu maqaalo xilkii Xoghayihii hore ee Xisbiga UDUB oo dhawaan geeriyooday Allaa yarxamu'e Maxamed Ismaaciil Bullaale aad isu sharaxayso, taa iyada maxaa ka jira?.
 

J: Salaamu Calaykum, Salaamu Calaykum, horta waxaan idin arkayaa qolooyinkiina Saxaafadda, waxaanad tihiin inaad awooda afraad ee dalka, waxaanan idinku bogaadinayaan sida aad wararkau qaadataan ee aad Somaliland Adduunweynaha uga dhaadhicisaan, inkastoo ay jiraan warar badan oo meel aad ka keentaan aysan jirin oo aad qortaan, weliba Qolooyinka Joornaaladu ay is leeyihiin wax baad ku iibin kartaan,.
Haddaan u soo noqdo su'aashaadii Alle ha u naxariisto Maxamed Ismaaciil Bullaale waxa uu ahaa nin aad iyo aad u cajiib ah, Halyay buu ahaa, nin la xasuusto oo Somalilander ah oo lagu xusi doono waxyaabo badan oo uu Somaliland u soo qabtay, sida uu Madaxweyne Rayaale ka dhawaajiyayna runtii muu ahayn Xoghayihii Xisbiga UDUB ee wuxuu ahaa nin Qaran, markaa jagadaasi buuxinteeda waa mid u taalla Xisbiga uu ka geeriyooday, laakiin aniga haddii aad i weydiisay waxa jaraa'idku qorayaan iyo Cismaan baa jagadaasi loolan ugu jira waxba kama jiraan weeye.

 


Somalilandnation