Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga UDUB Oo Khudbadisii Maanta Kagaga Hadlay Amaanka Iyo Tabashada Beelaha

 



Musharaxa Madaxwaynaha UDUB Cali Maxamed Waran-Cadde waxa kale oo uu sheegay inuu ka shaqeyn doono.....


Hargeysa (TNN) - Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta loo sharaxay Musharaxa Madaxweynaha Doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga UDUB ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay Shirkii golaha dhexe ka hadlay Amaanka iyo Ciidamada.

Musharaxa Madaxwaynaha UDUB Cali Maxamed Waran-Cadde waxa kale oo uu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii beelaha Somaliland ee xurgufuhu dhex yeelaan ay heshiisiin doonaan isla-markaana ku dedaali doonaan inay dalka horumar gaadhsiiyaan.

Cali Waran-cadde oo arrimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Maadaama oo nabadgalyadu muh iim u tahay nolosha bani-aadamka waxaanu dhisi doonaa ciidan qaran oo adag, oo Bulshada di b ugu suurto-galiya inay ku noolaadaan nabadgalyo iyo xasilooni taam ah, anaga oo dhisi doon a ciidan qaran oo hanan kara ambiga dalka guud ahaan guddo iyo dibadba, anaga oo horumar in ku samayn doona dhinaca qalabka, dhaqaalaha iyo mooralka ciidanka, kuwaasi oo Somalilan d ka dhigi doona meel aan cadowgu haybsan Karinhaddii Eebe Idmo”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay wax ka qabashada tabashada beelaha dalka qaarkood, waxaanu sheegay inuu bogooda burcad marin doono.

 

 


Khalid Xabsi
Timaacde News Desk
haashim555@yahoo.com