Musharaxa Beelaha Carabta Somaliland Saalim Cubeyd OO Taageero Cudud
Leh Berbera Kusoo Bandhigay Ololaha Doorashada ee Wadani
Berbera (TNN)-Musharax Saalim Cubeyd Saalaim oo ka sharaxan Urur
Siyaasadeedka Wadani ayaa maanta siweyn usoo bandhigay cudada
taageerayaashiisa kusoo bandhigay Madasha ur ur Siyaasadeedka Wadani
ay isugu yimaadeen iyagoo ruxaya calanka wadani iyo sawirada
mus harax saalim cubeyd Saalim waxaanay ku dhawaaqayeen halku dhigyo
ay kui taageerayaan mu sharaxaasi waxaanu uu la hadlay Taageerayaasha
Wadani Isagoo ugu baaqay inay codka siiya an maalinta doorashada
sidan oo kalena usoo camiraan codadka waxaanu yidhi "Waxaan aad
idiinkaga mahadnaqaya sida aad isugu soo baxdeen ee aad u muujiseen
cududiina waxaan aami nsahay inaad maalinta doorashada sidan usoo
camiri doontaan sanaaduuqda si aan guul usoo hoyno" ayuu Saalim
Cubey.
waxaan ka waramay Muhiimada ay is sharaxaadiisu u leedahay
somaliland oo dhan waxaanu yid hi "waxaan qabaa in la ii doortaa inay
ka dhabaynayso dimuqaraadiyada somaliland oo laga qey bgaliyey
beelaha carabta somaliland, maadaama ay ku leeyihiin kuraas wadamada
jaarka golay aashooda qaranka sidaa darteed waxan ka codsanaya
bulshada reer somaliland inay codkooda igu taageeraan guud ahaan
anoo si gaar ah ula hadlaya reer Berbera waxaan leeyahay codkiin a
isiiya oo ii codeeyaa maaddaama aanay jirin cid iga reer berberaysan
karaamada magaaladani kor ayey u kacaysaa hadii aad codkiina igu
taageertaan waxaanan waxka qaban doonaa arimah bulshada iyo inaan
la xisaabtamo waaxyaha hawlahaasi qaabilsan" ayuu kusoo gunaanaday
hadalkiisa saalim cubeyd oo ka sharaxan urur siyaasadeedka wadani.
Musharaxa Saalim Cubeyd Saalim ayaa noqonayaa musharixi u horeeyey
ee beelaha carbeed ah ee iska soo sharaxay magalada berbera iyo
somaliland oo ay carabtu ku nool jirtay haatan beel aha carabtu ku
noolyihiin.
Cabdikariim Siciid Saalax
Timacade News Desk
Berbera,Somaliland
|