Musharax ka Tirsanaa Xisbiga Ucid oo iscasilay isla markaa na u Tanaasulay Musharax Axmed Cali Buux oo Ururka Wadani uga Sharaxa Gabiley.

 



Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Musharaxa ayaa si wayn usoo dhaweeyay Sida Wanaagsan ee labada musharax


Gabiley (TNN)- Musharax Cabdi Jirde Maxamuud oo Xisbiga ucid uga Sharaxnaa Gobolka Gabile y ayaa Xalay si Rasmi ah uga Tanaasulay Musharaxnimadiisii ka dib markii uu Tixgalin siiyay g o’aan ay soo saareen duqayda iyo waxgaradka deegaankiisa oo uu Cududiisii taageero ku Wa reejiyay Musharax Axmed Cali Buux oo ka sharaxan ururka Wadani.

Shir muddo kooban u socday Duqayda iyo Waxgaradka Deegaanka uu ka soo jeedo musharu xu ayaa lagu go’aamiyay in Labada Musharax midkood tanaasulo oo Codka meel kaliya la iskug u geeyo, sidaana waxaa ku tanaasulay Musharax Cabdi Jirde maxamuud oo numberka coday ntiisu ahaa 220, una Tanaasulay Musharax Axmed Cali Buux oo numberka Codayntiisu ahaa 616 kana sharaxnaa ururka Wadani.

Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Musharaxa ayaa si wayn usoo dhaweeyay Sida Wanaagsan ee labada musharax iskugu Waafaqeen tanaasulkooda una tixgaliyeen Talooyinka waxgaradka Deegaanku usoo jeediyeen.
axmed
Musharax Axmed Cali oo aanu Wax ka wadyiinay arintaasi ayaa noo xaqiijayay in ay si wada jir ah u qaban doonaan shir jaraa’id oo ay ku shaacinayaan go’aankaasi iyada oo ay ka soo qayb gali doonaan Waxgaradka iyo Madax dhaqameedka Deegaanka Gabiley
 

 


Mustafe C/karim Cali Buux
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland