Muse Bixi oo Hada ku Sugan Borama, Ayaa sheegay in Degaanka Cali Xaydh Lagu Darayo Gabiley

 

Muuse Bixi oo uu garabkiisa fadhiyo Cabdiraxman Saylici ayaa BBc da u sheegay in sanadkan wixii ka danbeeya degaanka Cali Xaydh oo awal ka tirsanaa degmada Baki lagu dari doono Gobolka Gabiley.

Waraysigan oo a BBC du siidaysey maanta ayaa waxa Muuse Biixi si cad uu u sheegay in gobolka gabiley dadka degani ka codayn doonaan degaanka Cali xaydh oo awal ka tirsanaanjiray degmada Baki. Musharaxa xisbiga kulmiye ee Jagada Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxman Saylaci ayaa oo goobjoog ka ahaa waraysiga uu Muuse Biixi siiyey BBcda ayaan haba yaraatee wax hadala oo arinkaa ka horjeeda aan BBC da siin isla markaana sida dadka badankiisu u qaateen aad u taageersan in degaanka ogol in degaanka cali xaydh lagu daro gobolka Gabiley.

Dhinaca kale waraysi dheer oo ay saylac.com la samaysay Mujaahid Cabdiraxman Aw- Cali bal sida uu u arko mawqifka Muuse Biixi ku damacsan yahay in degaan hore uga tirsanaan jiray gobolka Awdal hada lagu daro gobolka Gabiley, ayaa waxa uu Cabdiraxman Aw- Cali gashaanka ku dhuftay in ay wax la caqbali karo ahayn in degaano hore uga tirsanaa gobolka Awdal lagu soo riixo gobolka Gabiley. Waxa kale oo uu Mujaahidku intaa raaciyey in ay jawaabta Muuse Biixi ay ku haboonayd Cabdiraxman Saylaci oo markaa ay wada joogeen Muuse Biixi uu BBCda u waramayey, balse ayuu raaciyey Cabdiraxman Aw Cali ma ayna dhicin taasi waana diciifnimo in rag ay wada socdaani iyagoo waliba garab joogo ay dhul Baki ka tirsan BBCda ugu waramaan in lagu daraayo Gabiley.

Aragtida ay dadweynaha reer Awdal ka qabaan hadalkan qayaxan ee Muuse Biixi kasoo yeedhay ayaa waxay u badnayd in ay dadweynaha ku dhaqan awdal iyo salal aanay marba yeeli karin in taako ka tirsan dhulkooda lagu daro gobol kale waxayna dadweynuhu ugu baqeen Muuse Biixi inuu raali galin ka bixiyo xasarada uu afkiisa kaga dhawaaqay oo ah mid dhul raadis ah balse aan awdal dhul siyaado ah laga helayn taakana ka dhigoo.

Dhinaca kale waxay dadweyneha reer Awdal iyo Salal ay canaan weyn usoo jeediyeen Murashaxa jagada Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Cabiraxman Saylaci oo ay sheegeen inuu aad u jilicsan yahay ayna haboonayd inuu jawaab kulul ka bixiyo hadalada Muuse Biixi agtiisa bbc da ugu waramo waxayna dadweynuhu shegeen in ay cabdiraxman saylaci laba arimood ka sugayaan dhawrka maalmood ee inagu soo foole ; waa mida horee inuu ka jawaabo hadalada Muuse Biixi iyo ta labaad oo ah inaanu xisbiga kulmiye kula baayactamin inuu ku wareejiyo tuulooyin ku yaala awdal in lagu daro gabiley si uu jagadiisa madaxweyne ku xigeen waxwalba ka raaco.

 

 



Source: Saylac.com