Muse Biixi Oo Waraysi Gaar Ah Kaga Jawaabay Su’aalo Xaasaasi Ah

 

 



Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu kaga hadlay arrimo kala duw an oo xaasaasi ah.

Md. Biixi, wuxuu waraysigaas kaga jawaabay su’aalo ku saabsan xaaladda dalka, xadhiga masuuli yiinta xukuumadda ka tirsan ee u xidhan eedaha musuqmaasuq, xidhiidhka isaga iyo Madaxwey naha, sida uu u arko aragtida tilmaanta in geed siyaasadda lagaga xidhay iyo qodobo kale oo xii so leh. Waraysigaas uu Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay wuxuu u dhacay sidan:

Gudoomiye dalku xaalado is bad-badala ayuu galay, dhawaana waxa la soo gabagabeeyay shirkii London ka dhacay oo aad ka mid ahayd waftigii ka qaybgalay, waxaana shirkaas laga soo saaray in Somaliya aynu wada hadal la yeelano, waana lagu kala aragti duwan yahay wada hadalkaas, sideed adigu u aragtaa in wada hadalkaas lagu gali karo?


Horta waxyaalo badan oo gudaheena ah ayaynu isku khilaafnaa, anigu waxaan qabaa markay tahay dibada waynu midaysanahay, waayo dayrka dibada waynu wada ilaashanaynaa, Koonfu rna waxaynu wada hadlaynaa inaga oo Somaliland ah oo isku dhan, oo midaysan, oo sii tashaday, maalintii dhawayd ee London lagu wada hadlaayayba talo loo dhan yahay ayaa lagu tagay oo dadka inta badan laga talo galiyay.

Wada hadalka dabcan xukuumad baynu dooranay, ninkii dhaliilaya iyo ninkii u cadhoonayaba iyadaa ina hoggaaminaysa, iyadaynu u dhiibaynaa awooda, dawladnimaduna waxa weeye kolba qofka wakhtigaas loo dhiibo in taladiisa la raaco, xukuumadana talo ayaa loo jeedinayaa oo xaq bay u leeyahiin mucaaradka ,aqoonyahanka iyo bulshada caadiga ah ee kalaba talo inay soo jeediyaan, laakiin qofka markaas xilka haya waxa loo doortay inuu talooyinkaas badan go’aan ka gaadho oo miduun qaato, markaas taas uu qaatay waa in lagu gargaaraa, haddaan ku idhaahdo waxaas oo talo ah mid uun qaado waan ku dhibay, markaas hadduu nin waliba yidhaahdo taladii aan soo jeediyay waa la qaadan waayay oo waan cadhoonayaa dee meel ma tagayno, markaaas arinta Koonfurta khilaaf kama jiraan qabaa, wada hadalkaasna waxaynu ku galaynaa inaga oo qaran ah, oo dawlad la aqoonsan yahay ah, oo laba dawladood oo isku mid ah aynu u wada hadlayno ayaynu ka qayb galaynaa, sidaas midaan ahayn kuma galayno.

Gudoomiye waxa xidhan saddex masuul oo ka tirsanaa xukuumada, isla markaasna xubnii firfirc oonaa ee xisbigan Kulmiye ka soo baxay ah, xadhiga nimankaasuna dareeno badan ayuu dhaliyay oo mudaharaado badan ayaa dhacay, waxaana jira warar sheegaya in aad madaxweynaa kala kulantay, bal arintaas sideed u aragtaa?


Marka hore waxaan ka xumahay in raggii xisbigayagan Kulmiye hormuudka ka ahaa ee dawladana xilka weyn ka hayay in eedaymo caynkaas ah yimaadaan horta aad baan ugu xumahay. Wax walibana waa ay dhacaan, Waxii dhacana xal baa loo helaa, xalka loo helaana waxa weeye in runta waxa dhacay la gaadho, waa runtaaye madaxweynaa waanu iska aragnay, aragti midaysan baanu ka leenahay, oo dadka wixii cadaalad doonaya oo dhami ay ka midaysan yihiin, waxa weeye nimankaas cidbaa eedaysay oo danbi fool xun ku eedaysay, rag bay ahaayeen aanan ka filayn inay waxaas oo kale ka yimaadaan, bila’aadam baynu nahay oo anigu odhan maayo, qofka bila aadanka ahi ma danbaabo, laakiin rag miisaankooda iyo karaamadooda lahaa bay ahaayeen.

Haddaba waxaanu u baahanahay in cididi eedaysay in maxkamad cadaalad ah oo lagu wada kal soon yahay iyo ciddii baadhayba in la keeno ama ciddii eedaysay eedda ay qaadato, waa arin culus, waxay u baahan tahay in gunta la gaadho, sidaas darteed anagu waxaanu ku heshiinay madaxweynaha in nimankaas maxkamad cadaalad ah oo baadhistu xaqsoor tahay, nina aan waxa uu gaystay laga dhaafin, waxa aanu gaysan aan la dul saarin in aan helno. Haddaba taasaa wakhti habsana qaadatay, waad ogtahayoo waa arin culus baadhisteedu iyo cadaaladeedu, haddii ay daahday dee culayskeeda ayay leedahay, laakiin nimankaas waxaan ka taagnahay waxii waxaas ku soo eedeeyay waa in cadaynteeda la helaa, ma noqonayso in la yidhaahdo hala sii daayo, waayo nimanka waa la dilay, waa in lays daafacaa oo fagaare loo dhan yahay ama ay wax ku raacaan ama wax kaga hadhaan.

Isbedel ayaa dhawaan xukuumadiina lagu sameeyay, wasiirada xilka laga qaadayna waxa kamida wasiirkii maaliyada oo dad badan ay aaminsan-aayeen waxan ay dawladu ku faantaba inuu isagu qabtay, hadday tahay miisaaniyad kordhin, hadday tahay mushahar kordhin, hadday tahay arda yda oo dugsiyada bilaash looga dhigo, bal isku shaandhayntii madaxweynuu uu dhawaan sameeyay guud ahaan siday kuula muuqataa?


Horta marka hore awooda shaqada inuu wasiirada qoro iyo inuu ka badalo madaxweynaha ayaa leh oo taas faragalin mayno oo waa distoori, mana odhanayno muxuu go’aankaas u qaatay, markii uu magacaabayay wasiiradana muxuu hebel u magacaabay, waayo madaxnimada ayaa horta imtaxaan ah, ninka madaxweynaha ah waxa la yidhi go’aan qaado, markuu go’aankii qaatana bulshada in badan way diidaysaa in badana waa ay ku raacaysaa, markaa madaxnimada ayaa ciqaabtaas iska leh.

Ninka la bedalay waa Maxamed Xaashi, waa halyay qaran, waxa uu kamid yahay aas-aasayaashii SNM, oo maanta isaga iyo Xasan Ciise Jaamac ayaaba ka nool, halyay qaran oo waxaad ogayd bilaabay karaamadiisa ayuu leeyahay, ta labaad wa nin la ogyahay kartidiisa oo shaqo kasta oo uu qabto waligii waa uu ka soo dhalaalaa, madaxweynaana saaxiib bay ahaayeen halgankii, markii horana iyagaa isku yeedhay oo wada shaqeeyay, imikana waa laba oday oo sidan door biday, taas anigu intaas u dhaafi maayo, mana faro galinkaro.

Lakiin waxaan kugu raacsanahay Maxamed Xaashi waa shaqsiyad cajiiba marka la eego kartidiisa, waxa uu qaban karo waa qof bila’aadam ah dadka ugu karida badan.

Waxaad kamid ahayd madaxdii Kulmiye ee qayb libaax leh ka soo qaadatay inuu Kulmiye guulays to, laakiin dadku waxay leeyahiin gudoomiye Muuse kursi baa lagu wareejiyay iyo geed baa lagu xidhay, xidhiidhkii adiga iyo madaxweynuu waa sidee, waxase jira in la sheegay in wasiiro kamida xukuumada ay urur siyaasadeed samaysteen, inkasta oo ay beeniyeen, waxa la leeyahay wasiiro ayaa hortaagan oo madaxweyniiba lama arko, madaxweynaa isna sidee lagu arkaa?


Horta madaxweynaha dadkii doortay waa 260 kun, dadkii codeeyayna Kulmiye nusbaa u codeeyay, intii aan codayna waxay ku raaceen codkaas la raaciyay, markaas Somaliland oo dhanbaa madaxweynahii wax u dhiibatay, shantii boqol ee kun ee dooratay hadduu mid waliba yidhaahdo madaxweynaa aan arko dee ma dhacdo oo sidaas laguma shaqeeyo, maba diidana madaxweyhuu laakiin macquul baanay noqonaynba, maamulka dawladeed waxa weeye wasaarado ayaa la sameeyay, hay’ado badana waynu leenahay, hay’adahaas madaxdoodu waa inay madaxweynaa la kulmaan, laakiin dadka oo dhan taasi waa maya.

Aniga madaxweynaha xidhiidhkayagu waa siduu ahaa iyo si ka sii wanaagsan, talo guud oo qaran baanu wada leenahay, dadka odhanaaya geedbaa lagu xidhay oo meel baad fadhidaa, xukuumadu xisbigan ayay ka tirsantahay, barnaamijkii xibigan ayay fulinaysaa oo lagu ilaalinayaa, xisbiga iyo xukuumadu waa isku mid, laakiin mucaaradku inuu yidhaahdo labadooda dhexooda aynu wax ka daydayno dee ma jirto.

Xisbiga dhexdiisa waa lagu dooda hadhawna dhanbaa la’raacaa, xukuumadu way doodaa oo dhanbaa la raaca, markaas doodu waa sax oo waa sida wax lagu dhiso, laakiin waa in dhinaca loo batay laysugu lugo du’daa, haddii qolada Jaraa’idka iyo mucaaradku ay dood kasta oo golaha wasiirada dhextimaada ay yidhaahdaan waa lagu kala jabay oo waa lays khilaafay, haday talo ay xisbiga iyo madaxweynuu isugu yimaadeen la yidhaahdo waa lagu kala jabay, xagaa laga helayaa dad intay isku yimaadaan il qudha wada leh, ma dhacdo, xisbiyda waxa loo dhisay in lagu doodo oo talo midaysan la qaato, anagu taas ayaanu nahay oo Kulmiye markuu mucaaradka ahaaba waxa la odhan jiray waa uu kala jabayaa oo waa uu doodaa, Kulmiye imika oo uu muxaafid yahay waa uu doodayaa, golahiisa wasiiraduna waa ay doodayaan, madaxweynaa talooyin badan ayaa la siinayaa, rayibuu keenayaa, rayi kalaa loo gaynayaa, go’aanka lagu ururiyo ayaa la raacayaa.

Kulmiye aniga iyo madaxweynaa markaad ka hadasho cilaaqaad wanaagsan oo odaynimo, oo wada shaqayn ayaa naga dhaxaysa, xisbiga iyo dawladuna waa ay midaysan yahiin, anigu ma ogi mana jiraan ayaan ku leeyahay qof xukuumada ka tirsan wasiir iska daaye oo xisbi kale u olalaynaaya, waan kuu sheegayaa xukuumada ku jiri maayo.

Haddaa dadku xaggay ka keeneen madaxtooyadii xisbi ayay furatay?

Anigu warka suuqa iyo warka mucaaradka aqbali maayo, xubnaha loogu eed badan yahay waxa kamida wasiirka madaxtooyada waa Kulmiye Lambar wan (Number one), waanad arki doontaan oo taariikhdaa idin tusi doonta, Siilaanyo taariikhiyan xarunta kaliyaata ee uu sameeyay oo uu rag badan dheeraanayaa waa xisbigan Kulmiye ayuu aasaasay, dawladana isaga ayuu kaga danbaynayaa, markaa waa xisbigiisii waa kii uu odayga ka ahaa, markaas xibiga Kulmiye naf iyo maalba waa uu u hurayaa isaga iyo dawladiisuba, bilaha soo socda ee kaanbaynkana waa aynu arki doonaa.

Gudoomiye waxa la leeyahay xukuumadiinu dadka aqoon yahan ah ayaa ku badan, laakiin waa qaca iyo xaalada dalka jirta aan xogagaal u ahayn, haddii la sii faahfaahiyo xagga siyaasada iyo xagga amniga xukuumadii horaa idinkaga fiicnayd, tusaale ahaan Cali Guray oo aanu waraysi ka qaadnay waxa uu yidhi siyaasada iyo amnigaba waxa kaga fiicnay dxukuumadii Riyaale, siyaasiyii na Xaabsade iyo Boobe oo imika ku soo biiray ayaa kaga jira, adigu ma u aragtaa xukuumadii Riy aale inay idin dhaantay?


Maya, horta hayna habaarina, umaddana caqligooda yaan la caayin, Somaliland way codaysay oo Rayaale intay ka daashay ayay Kulmiye dooratay, markaas qof iyo laba iyo xisbi mucaarid ah iyo koox caqligii umadda ma odhan karto, umaddii way qaldantay’oo kii horaa sax ahaa, anagu barnaamij qoran ayaanu ku hawl galnay, barnaamijkana sidiisii ayaanu u hirgalinaynaa kolba intii suurto gal ah, dabcan qaladaad wa la galayaa, dawladuna waa wax balaadhan, laakiin waxa la eegayaa intaan qalad galnay iyo intaan sax galnay kee badan, taasna si cadaalada ayaynu isha uga eegaynaa, saaxiibkay Cali Guray iyo Udubna waa mucaarid, waa nimankii dadku xagayaga codka ka siiyeen ee laga tagay, inay na maagaan oo ay daldalooladayda arkaan oo dhaliishayda ay sheegaana danta qaranka iyo taayaduba way ku jirtaa waanu is toosin, markaas iyaga toodu waa dhaliil u dayday.

Dawladu waxay ka masuul tahay oo ay isha ku wada eegaysaa qaranka Somaliland oo dhan, oo u qaybsama bulshooyin badan oo kala nooca waxa kamida inta dibada inagaga nool ee qurba joo gta ah, waa in cid danahooda iyo fikirkooda ay ka aragto ay xukuumada ku jirtaa, waxa kamida gobalada oo waa inay isku miisaanaadaan oo ay gobal walba cidi ka joogto xukuumada, waxa kamida lab iyo dhadig, waxa la eegayaa qaybaha kala duwan ee da’da, waana in danahii dadka oo dhan ay ka koobnaadaan, markaas anigu waxaan qabaa inay sidaas isugu miisaaman tahay hoggaaminta xukuumada xisbiga Kulmiye, cidii iyadu dhaliisha u aragtaa haddii ay sax tahay oo ay farta noogu fiiqdo waanu saxaynaa.

Dad baa yidhaahda madaxweynuuba ma taliyo, dadka madaxweynaa ugu dhaw dhawna waad tahay oo gudoomiyaha xisbigii talada hayayna ayaad tahay, waxaanay dad badanu sheegaan in aanu madaxweynuu masuuliyiintaasa qaarkoodba aqoon u lahayn?


Horta qofba waxbaa iin loo yeelaa, madaxweynayaashii maraykanka Raygal baa ugu da’ waynaa, markii la dooranayay dad badan baa lahaa Raygal waxba ma garanaayo haddana waxa uu noqday madaxweynihii ugu wanaagsanaa.

Anigu madaxweynaa waan la shaqeeyaa, soddankii sanadood ee ugu danbeeyayna waan la soo shaqaynaayay, madaxweynuu da’diisa waa uu ka faa’ideeyaa iyo waayo aragnimadiisa, dhaliil loogu nisbeeyo taas anigu ma qabo, dadkan yidhaahda lama arko iyo dadkan leh mataliyo hadaanay xidhiidhba la yeelan, hadaanay aragba, wasiiradiisa iyo shirka wasiiradana waa uu la shaqeeya, maalintii intaas oo shir buu galaa oo aad idinkuba ogtahiin, inta kooxo kala jaada u tagaysa, anagoo xibigii xaakimka ahaa baanu nahay yacnii inaan kulan la yeelano madaxweynaha yaa mararka qaarkood dhiba, hay’adaha ku jira ama kuwa gudaha ah ha’noqdeen ama kuwa dibada ah ha noqdeene, ninkaas shaqaynaaya afar iyo labaatanka saacadood, oo aan is leeyahay da’diisa intii ahayd in aan ahaynbuu qabtaa, ayaan horta u arkaa.

Madaxwynuuna kaaliyayaal buu leeyahay hawlaa la qabta, wasiirka madaxtooyadaa kamida oo wasiiradiisa kalaa kamida, xog hayntiisa kamida, la taliyahiisa sharcigaa kamid ah, oo mar kasta u dhaw baa jira oo ku xeersan, kuwaasuna waa waajib inay hawsha ka kala qaadaan oo ay ka kala fududeeyaan. madaxweyne kaligii shaqeeya majiree xafiisyo ayaa shaqeeya oo wax soo bisleeya.

Markaas anigu markaan dadka u waramo xogagaalna u ahay, warkaas la sheegaya ee madaxweynaha iyo dadka la shaqeeya dadka sheegayaa waa dad aan fahan sanayn habka dawladu u shaqayso ayaan qabaa.

Dhawaan faalo ayaa lagu qoray wargayska Geeska Afrika oo la leeyahay madaxweyne Siilaanyo malaa mucaaradnimadii ayuu ku haboonaa, dhinaca abaabulka marka laga eego miyaad aaminsan tahay taas?


Tusaale qudha ayaan ku siinayaa, shirkii London sidii uu u abaabulay Axmed Siilaanyo miyaanu madaxweyne qarankiisii hogaamiyaya ahayn, soo qaad arin kasta oo dalka ka timada, tii xisbiyadaa kamid ah, dad badan ayaa yidhi xisbiyo hanaloo furo, dad badan ayaa diiday, imisa guddi ayuu bixiyay waxay noqotay maanu raacin, abaabulka hogaaminta uu wadi lahaa ee ka weyn maxay tahay, aniga oo Siilaanyo inbadan soo wada shaqaynay oo dadkuna ogyahay inta goor ee aan isku dhacnay, hadii qaladaad uu galaayo makula tahay inaan ku daba joogi lahaa, waa laga qaban lahaa, dadku waxay doonayaan in waxyaabaha laga doodaayo suuqa iyo warbaahinta la keeno.

Dadku waxay u yaqaaniin Siilaanyo nin macangag ah oo aan waxba dhagaysan oo talo adag, madaxda la’la shaqeeyo waxa uu kamid yahay kuwa ugu qaadashada og marka afkaarta nasteexa ah la siiyo, waana tii uu ku ururin jiray xisbigan ee uu ku waday, waana tii talaabooyinka culculus ee qaranka soo maray uu kaga badbaadiyay, markaas ninka leh Siilanyo mucaaradkuu ku wanaagsnaa tusaalooyin dhaba ayaanu u haynaa.

Doorashadii golaha deegaankaa ayaa soo dhaw, ururo badan oo idinla tartamaayana waa ay soo kordheen, arimahaas sidaad uga diyaar garawdeen?


Imika ururadii ayaa soo diyaar garoobayay, ururada yar yar halka ay ku socdaan ee ay ka boobayaana waa anaga, shacbiguna iyaga ayaa go’aanka leh, markaanu saaxada soo wada galno ee nin waliba waxa uu hayo uu soo bandhigo, ayaanu arkaynaa, diyaarna waanu u nahay, markii ururada la furayna diyaar baanu u ahayn, marka doorashada la galayana diyaarbaanu u nahay, rajadayaduna waa boqolkiiba boqol.

Haddaynu shaqsiyadaada u soo noqono dadkaa yidhaahda Muuse Biixi waa gudoomiyaha Kulmi ye, haddii illaahay gaadhsiiyana waxa uu doonayaa musharax madaxweyne, waxay yidhaahdaan dadka qaar murashaxba gaadhimaayo oo waa macangag dadka iska didinaya, bal adigu sideed isku aragtaa?


Aniga dadkaa I qiimaynaaya, in badana bulshadaan ku soo dhex jiray, nin imika la baranaayana ma ihi, sodankii sanno ee u danbeeyay ninkaa bulshada hor joogaybaan ahay, in ii taqaana nin mucangag ah oo xun oo wax laaya way jirtaa , in ii taqaana nin hagaagsan oo aan la dhamayn karina way jirtaa, ninba si buu ii yaqaanaa, markaas anigu imika is xukumi maayo ee bulshadu iyadaa I xukunta oo itaqaana. Laakiin anigu xisbina waan hoggaamiyaa, murashaxna waa uu iska iman doonaa, tartana diyaarbaan u ahay, xisbiga dhexdiisa haddii laga tartamaayo iyo haddii Somaliland dhexdeeda laga tartamaayo, nin in badan soo tartamay oo tartanku waxa uu yahay garanaaya ayaan ahay, waxaana layga rabaa tartan nadiifa oo dalka wax u tara oo aan xag-xagasho iyo dhib lahayn, shirweynii xisbiguna waa sanad kadib, kii golaha dhaxena waa uu soo socdaa. La Soco Qaybta labaad cadadka beri inshaalah



source:Geeska.net