WAR-SAXAAFDEED

 

 



Xisbiga Midnimada Iyo Horumarka JSL
April 6th, 2016


Ujeeddo: Tacsi


Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrasha xa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Gola ha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dira yaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta 06/04/2016).


Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali inuu ahaa aqoony ahan wayn oo ku takhasusay cilmiga caafimaadka dadka oo uu wax badan ku soo taray bulshada reer Somaliland, isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiinta mufakirka ah ee dalk eennu lahaa.


Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 



Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE