Xisbiga Midnimada Iyo Horumarka Jsl Ee Kulmiye

 

 



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULM IYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somal iland ee uu ka baxay Marxuum Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka mid ahaa xil dhibaannada Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaala da Hargeysa xalay oo taariikhdu ahayd 26/06/2017.

Marxuum Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka mid ahaa odayaashii ugu horreey ey ee lagu aasaasay Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu Guddoomiyuhu ku tilmaam ay caalim diinta Islaamka aqoon badan u lahaa, shakhsi afkiisa iyo adinkiisaba laga na badgalay oo cibaado badnaa, isla markaana kaalin wayn ku lahaa nabadayntii iyo dib -u-dhiskii qaranka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.



Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE