Musaveni Oo Yidhi Somalia Kama Jirto Wadaniyad & Midnimo-toona Waxa
Ka Jira Waa Dowlad Magac Ah Oo Taag Daran.

Kampala, 25-Jul-2010 (TNN)-
Shirka Madaxda qaaradda Afrika ee ka socda Magaalo Madaxda da
lka Ugandha ee Kampala ayaa furitaankisii waxaa hadallo ka jeediyay
M/weynaha Ugandha Yuw eeri Musaveni oo ka hadlay Argagixisada
Alshabaab ee Somalia ku sugan, kuwaas oo halis ku ha ya
Mandaqada geeska Africa.
Masuuliyiinta halkan fadhiya waxaan u sheegayaa sidan "In Soomaaliya
aan loo deyn karin urura da argigixasada ee caalamka iska soo
uruursadey, loona baahan yahay in aan qaadno talaabo d eg-deg
ah oo aan kaga nadiifinayno sharwadayaasha iska soo abaabulay bariga
dhexe". Madexweyne Musaveni waxa uu yidhi "Somalia waxaa jooga
dawlad kala qeybsan oo aad u taag daran, Soomaalidana kama heyno dad
wadaniyiin ah oo aan taageera, kuwas oo sameeya ururo dib uga
xoreeya Alqaacida dalka soomaaliya".
Masuuliyiinta kale ee shirka lagu marti qaaday waxaa kamid ahaa
Raisul wasaarihii hore dalka Br itain Gordan Brown oo shalay
khudbad horudhac ka jeediyay taas oo ku sheegay in uu soo marti
qaaday saaxiibkii Males Zenaawi Raisul Wasaaraha Ethiopia oo uu
sheegay inay wada qabteen hawlo badan oo Africa iyo caalamka waxtar
u leh, walina uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo.
" Qarnigii 20aad ee tagay dadka Afrikaanku waxay ku faani jireen,
waxaan jabinay oo aan ka xor ownay gumaystihii reer Yurub ee
xooga badnaa, waxaan nahay geesiyaal leh halyeeyo. Laakiin maanta
waxaa looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan arimaha horumarka
caalamka oo uu qaranigaan 21aad noqdo kii Afrika hogaanka aduunka ay
qaban laheyd" sidaas waxaa yiri Gor don Brown
Sidoo kale waxaa joogo shirka wafti ballaran oo uu hogaaminiyo Eric
Holder oo ah Qareenka Guud ee Dalka Maraykanka iyo xubno sarsare oo
Sirdoonka ah iyo Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dawladda Mareykanka
iyo waliba EU.
Maanta ayaa lafilayaa in shirka laga soo saaro go,aano degdeg ah oo
khuseeya sidii xal loogu heli lahaa dalka Somalia ee dagaaladu
aafeeyeen.
by: Osman Abdillahi Sool....Freelance Journalist.
sooldhuub@hotmail.com
|