Murrashaxiinta xisbiga Kulmiye oo lagu war galiyey inay
yimadaan Xarunta Xisbiga

Hargeysa (TNN):- Dhammaan murrashaxiinta doonaya inay ku tartamaan jagooyinka
madaxw eyne iyo madaxweyne-ku-xigeen ee shirka Golaha Dhexe ee
xisbiga KULMIYE oo u muddaysan maalinta Salaasadda ee taariikhdu
tahay 10-ka bisha November 2015, waxa lagu war gelinaya a inay ku
yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda JSL
Hargeysa muddo saddex maalmood ah gudahood oo ka bilaabmaya
04/11/2015 (Arbaca, Khamiis iyo Sabti), si loogu sheego shuruudaha u
yaal murrashaxnimadooda iyo xeer-hoosaadka khuseeya arrimah ooda.
Haddaba, waxa mar labaad lagu adkaynayaa inay waqtiga ilaaliyaan oo
ay maalmahaas iska s oo xaadiriyaan xarunta KULMIYE, iyadoo ciddii
muddadaas gudaheeda ku imanwayda loo aqoo n sanayo in aanay danaynayn
tartanka murrashaxnimada xisbiga gudihiisa ee shirka Golaha Dhexe.
Xasan Siciid Yuusuf
Xoghayaha Guud ee Kulmiye
|