Murashaxii Dhiiga Badani U Daatay Markii Doorashada Laga Boobay Ee Raila Odinga Oo La Kulmaya Siilaanyo Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadlayaan

 

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mud: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayay oo maalintii lixaad booqosho kujooga dalka Kenya ayaa Beri xafiiskiisa kula kulmi doona Ra'isal wasaaraha wadankaasi Raila Odinga iyagoo horena kulamo kaa la mid ah la soo yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Safiirka wadanka Maraykanka u fadhiya Nairobi iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ahamaduo Ould Abdalla iyo dublamaasiyiin kale.

Sidaana waxa Saxansaxo u xajiiyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Mud: C/raxmaan C/qaadir Faarax oo xubin ka ah waftiga Guddoomiye Siilaanyo oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay.

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay in ay ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho kor u qaadida magaca Somaliland iyo inay wakiilada beesha caalamka ee ku sugan Nairobi kala hadlaan sidii ay somaliland u heli lahayd Aqoonsi caalami ah.

C/raxmaan C/qaadir ayaa sheegay in ay waftigoodu ilaa iminka kulamo la yeesheen wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan soomaaliya oo ku qaabilay xafiiskiisa, Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi oo isagu casuumad ugu sameeyay gurigiisa, waxaanu sheegay in ay kala hadleen sidii maqaamka somaliland kor loogu qaadi lahaa, beesha caalamkuna u aqoonsan lahayd xaqiiqada taala ee ay qirayaan.

"Labadaa Masuulba waxaanu kala hadalnay dhawr qodob oo muhiim ah oo ay ugu horeysay aqoosiga somaliland iyadoo aanu u sheegnay in ay somaliland fulisay oo ay buuxisay wax kasta oo ay hore u sheegeen in uu aqoonsiga caalamiga ah kaga xidhan yahay" ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Mud: C/raxmaan C/qaadir.

Mar kalena guddoomiye ku xigeenku isaga oo faahfaahin ka bixinaya qodobada kale ee uu sheegay in ay kala hadleen waxa uu yidhi "Waxaanu kala hadalnay oo aanu u sheegnay in ay somaliland fulisay diiwaangelintii oo laga qabtay dalka oo dhan, taana lagu guulaystay, iminkana aanu diyaar u nahay in aanu doorashooyinkii madaxtooyada qabsano, iyada oo aanu horena u soo samaynay oo caalamku uu ka warqabo in ay somaliland tahay wadan ay dimuqraadiyadu si wanaagsan uga hirgashay."

Dhinaca kalena Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu sheegay in uu waftiga Kulmiye kala hadlay madaxdaas oo uu kala garnaqsaday jawaabtii uu caalamku ka bixiyay masiibadii qaraxyadii 29-kii October ka dhacay Hargeysa isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi "Waxa kale oo aanu kala garnaqsanay jawaabta uu caalamku ka bixiyay masiibadii qaraxiyadii dhawaan Hargeysa ka dhacay, annaga (Waftiga Kulmiye) oo raggaa madaxda ah u muujinay sida aanu uga xunahay jawaabta ay ka bixiyeen falkaa ay argagaxisadu ka fulisay wadankayaga, una sheegnay in aanay ahayn in uu caalamku nagu ciqaabo(Somaliland) weerar argagaxiso oo la mid ah kuwa ay caalamka intiisa kaleba ay ka fuliyaan, halkii ay ka ahayd in naloogu yimaado gacan qabashada iyo baroor diiqda iyo sida ay gef u ahayd go'aankii darajada somaliland hoos loogu dhigay, markii ay masiibadaasi dhacday.

Sida runta ahna waxa nooga muuqatay in ay doodayadaasi wax weyn kordhisay, waanay u bogeen,waxaanay balan qaadeen in dib loogu noqon doono arrintaasi" Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir oo ka jawaabayay sida ay Kenya xidhiidhka somaliland u aragto, in ay ka sarayso sidii ay ahayd markii ugu dambaysay ee uu halkaa tago iyo in kale ayaa yidhi "Waxa cajiib ah Nairobi waxa laga yaqaanaa Adna Aadan, xaggoodana iyadaa wali Wasiirkii Arrimaha dibada ah oo lama oga Wasiirkan Mudada dheer xilka hayay ee dambe, Safaaraduna waa nin Weyn oo magac ku leh Nairobi oo la yidhaahdo Indho Buur, laakiin Xafiis Ma laha.

Halkanina (Nairobi) iminka ma aha Magaalo madaxda wadankan oo keliya, balse waxay xarun u noqotay Dublamaasiyada caalamka ee ku aadan Afrikada Bari."

Ugu danbayna Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay in Safiirka Maraykanku uu ka balan qaaday in ay dawladiisu kordhin doonto taageerada ay ka geysanayso taaba gelinta dimuqraadiyada somaliland iyo Doorashooyinka dhawaan ka dhici doonaba, isla markaana Safiirku uu ka balan qaaday in ay kordhin doonaan qaybta ay ka bixinayaan kharashyada ku bixi doona doorashada soo socota.

Waftiga Xisbiga Kulmiye oo dalka ka anbabaxay isniintii todobaadkii hore isla maalintaana gaadhay Nairobi waxa si balaadhan halkaa ugu soo dhaweeyay Jaaliyada Reer Somaliland ee dalkaa segan, Siyaasiyiin iyo Dublamaasiyiin magac leh oo ay hore saaxiib u ahaayeen guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, muddadii uu waftigu halkaa joogayna waxa dadka kale ee uu la kulmay ka mid ahaa Safiirada wadamada Rwanda iyo Uganda u fadhiya Nairobi.

Waftiga ayaa la filayaa in uu kulanka Raila Odinga ka dib soo mari doono wadanka Jamhuuriyada Djabouti.

 


Wargeyska Saxansaxo