Munaasibadii London ee lagusoo dhaweeyay gudo omiyayaasha jaamacadaha Somaliland

 

Iyadoo ay qayb ka ahayd qorshaha ururka ee dhiirigalinta tacliinta iyo beeritaanka jaaliyad (community) Somalilanders ah oo xoogan ayaa wuxu urur jaaliyadeedka  We st London Somaliland Community xaflad balaadhan kusoo dhaweeyay taariikhdu  mar kay ahayd December 13-keedi, isagoo la kaashanaya ururada SSUK iyo SSE, gudoom iyayaasha jaamacadaha Somaliland ee Golis iyo Hargeisa oo socdaal ku yimid dalkan Boqortooyada Ingiriiska. Socdaalkan oo qorshuhu ahaa inay gudoomiyayaasha  jama cadaha Somaliland ee Amoud iyo Burco ay iyaguna ku weheliyaan ayaa nasiib darro suurtoobi wayday ka dib markii farsamo xagga fiisaha ahi ku timid labbadaa masuul.


Xafladan oo lagu qabtay madasha la yidhahdo Dominion Arts & Cultural Centre ee ku taala xaafada Southall ee galbeedka magaalada London, waxa kasoo qaybgalay dad tiro badan oo isugu jiray aqoonyahanno, siyaasiyiin, xildhibaanno, haween iyo qaar ka mid ah da’yarta reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada London.



Madashaas oo uu gudoominayay Dr Sacad Cal Shire, waxa ugu horayn ayaado  qura an ah iyo waano yar ku furay Sheekh Saciid Maxamed. Ka dib waxa hadalka lagu  wa reejiyay Guddoomiyaha Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community Eng. Maxamed Muuse Ali oo ka xog-warramay ujeedoyinka ururka loo aasaasay iyo  wax qabadkiisa. Gudoomiyuhu wuxu tilmaamay in West London Somaliland Community loo aasaasay sidii ahaan-shaha Somaliland-nimo loo xoojin lahaa isla markaana loo  abuu ri lahaa jaaliyad (community) xoogan oo isku kalsoon oo si wada jira baahiyaheeda u daboosha, ahaan-shahooga (identity) Somaliland-nimana ugu kalsoonaata.



Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee UK (SSUK) oo halkaasi isaguna ka hadlay, ay aa sheegay in qorshaha sannadkan ee ururka SSUK yahay sidii dhidibada loogu taagi lahaa Rugta Kutubta Qaranka Somaliland (Somaliland National Library), kaasoo sida uu sheegay kaalin muhiim ah ka qaadan doona horumarinta waxbarashada iyo keydinta qoraallada.



Dr. Maxamed Haybe oo ka mid ah macalliimnta aqoonta badan ee Somalilanders-kaa ayaa waxa si qoto dheer uga waramay waxbarashada carruurta reer Somaliland iyo guud ahaan caruurta Soomaalidaa ee ku dhaqan Boqortooyada Ingiriiska. Waxa uu sheegay in ay ku jiraan dhinaca dugsiyada kaalinta ugu hooseysa intooda badani, ta as oo uu ku sababeeyay xaafadaha ay deggaan oo badiba iskuulladu yihiin kuwo aad u liita oo ay ku yar yihiin dugsiyada tayada leh sida kuwa naxwaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Sidoo kale tacliinta sare ma jiraan buu yidhi, tiro badan oo  Soomalilan ders ah amma Soomaali-ba ah oo fursad u hesha in ay galaan jaamacadaha  tayadoo du sarreyso, weliba u dheer yihiin iyagoo 50% in ka badan ay sannadka koowaad ama 2aad ka tagaan jaamacadaha iyagoon dhammaystiran.



Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Bulxan, ayaa waxa uu isagu si  dul mar ah uga warramay waxqabadka jaamacadda oo uu sheegay inay sannadka soo socda toban jirsan doonto, waxaannu ku dheeraaday waxyaabihii uu bartay tan iyo intii uu Somaliland dib ugu soo laabtay, taasoo ku tilmaamay mid ka adag  shahaad ada badan ee uu sito (degree), waxaannu xusey sababaha ku dhaliyay inuu dalkiisa hooyo dib ugu laabta, kuwaasoo ku macneeyay in ay yihiin sidii uu aqoontiisa  dadkiis a iyo dalkiisa uga faa’iideysan lahaayeen.

Waxa uu sheegay in xukuumadda lacag aan badnayn si silic ah ay kaga helaan,  hase yeeshee kharash ilaa $400.00 US dollar ah laga qaado ardayda sannadkiiba, isagoo intaa ku daray in sannadkan ay Jaamacadda Hargeysa ka soo qallin-jabiyeen 15 dha khtar oo imtixaannada ay ka qaadeen dhakhaatiir ka socota dalka Brittan (Kings Coll ege).

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu difaacay Jaamacadaha dalka oo uu sheegay in loo b aahan yahay maadaama ay jiraan arday badan oo dugsiyada sare sannad walba ka soo qallin-jabinaysaa, isla markaana cilmiga iyo aqoonta dadka la galiyaal tahay  ha nti.

Ugu dambayn, waxa uu Dr Bulxan ugu baaqay ka qaybgalayaasha qurba-joogga reer Somaliland in ay kafaalo qaadaan oo gunnada jaamacadda ka bixiyaan carruurta  ma saakiinta ah ee aan awooddin. Waxaannu ka digey in haddii aan loo gargaarin  carru urta darbi-jiifka ah ee ku dayacan suuqyada Somaliland aanay la yaab noqon doonin inay Siyaad Barre oo kale dalka ku noqdaan.



Dr Siciid Axmed Xasan oo ah Guddoomiyaha Jamacadda Gollis, ayaa isna ka xog-war ramay waxqabadka jaamacadooda iyo kaalinta ay kaga jirto kor-u-qaadidda tacliinta sare ee dalka iyo qaybaha ka kooban tahay sida beeraha iyo Engineering-ka iyo tababarro gaar ah oo ay siiyeen ciidanka booliska. Dr. Siciid waxa uu ku dheeraaday kheyraadka dalkeena Ilaahay ku mannaystay oo uu ku tilmaamay meelaha dunida ugu hodonsan, haseyeeshee aan dadka intiisa badani ogsooneyn.

Isna waxa halkaa ka hadlay oo warbixin kooban ka bixiyay Jaamacada Burco Yassin Jama Suldan oo muddo dhawr bilood ah si tabaruc ah jaamacada ugusoo shaqeeyay. Suldan wuxu ka waramay qaybaha ay jaamacadu ka koobantahay iyo habka ay u shaqayso iyo waliba baahideeda.

Warbixinadaas ka dib, waxa kulankan lagusoo bandhigay dood gun-dhigeeddu ahaa muhiimadda tacliintu ummadaha u leedahay iyo doorka ay ka qaadato horumarka iyo dhisidda qaranka. Waxa doodaas ka qayb qaatay Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Sheekh Xasan Maygag Samatar, Jawaahir Abdalle Faarax, Luul Farax iyo Suad Carmiye.



Ugu dambayn waxay carruurta reer Somaliland ee West London ku soo bandhigeen kulankaas ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka.



Wa bilaahi tawfiiq,



Maamulka West London Somaliland Community