Munaasibad
Loogu Wanqalay Xaaji Saalax & Dardarta Diiwaan
Gelinta
Wasiirka Wasaarada Maaliyada
Cawil Cali Ducaale ayaa maanta ugu baaqay dadweynaha Degmada Xaaji
Saalax inay diiwaan gelinta tahay fursada ugu danbaysa ee ay
haystaan Muwaadiniinta, isla markaana ay abuuraan jawi lagu
dhaqaajin lahaa Maamulada Deegaanadooda.
Wasiirka waxaa hadalkan maanta kaga dhawaaqay munaasibad balaadhan
oo loogu talo galay Walqasha Degmada Xaaji Saalax oo 125 KM dhinaca
Koonfureed ka xigta Magaalada Burco halkaasi oo isaga iyo Koox
Wasiiro iyo Xildhibaano ay ka qayb qaateen kulanka Degmada.
Degmada Xaaji Saalax oo horey uga tirsanayd Degmada Burco ayaa waxay
ka mid ahayd Degmooyinka ay xukuumada Somaliland ku soo kordhisay
Degmooyinka Dalka, kaasi oo ay ku muransanaayeen xuduudaheeda
Gobalka Togdheer iyo Oodweyne.
Wasiirka Maaliyada waxaa uu warkiisa ku sheegay in Degmooyinka Dalka
ay ku jiraan tartan lana sugayo mid waliba natiijada ay la timaado.
“ Diiwaan gelinta qofka aan ka qayb galin waxaa uu dafiray
Muwaadinimadiisa” ayuu Yidhi.
Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Siciid Sulub Maxamed
oo isaguna ka mid ahaa Masuuliyiinta ka qayb galay munaasibadii ayaa
soo dhoweeyey inay dadweynuhu ku tashadeen siday u samayn lahaayeen
horumar ku saabsan Degmadooda.
Wasiirkani waxaa uu ka dalbaday dadweynaha Xaaji Saalax in
Sarartooda Degmo ay ku xidhnaan doonto hadba tirada ay la yimaadaan
iyo weliba mawqifka Xisbi ee ay qaataan.
“ Aniga iyo Wasiiro kale waxaanu soo hoynay Gobal iyo Sadex Degmo
gunaafyada na qiima ridaya ka ilaaliya libtayada” ayuu yidhi.
Sidoo kalena Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga C/xaliim Maxamed
ayaa isaguna Talaabo hore loo qaaday ku tilmaamay inay degmooyinka
cusubina ay halgamaan sdiay u xajisan lahaayeen Kaalintooda, aan
hore loo shaacin balse daboolayd.
Munaasibada Walqasha oo ay si weyn uga hadleen Xildhibaano ka mida
Golaha Baarlamaanka Cuqaal iyo Duqayda Deegaanka waxay sees u tahay
siday Deegaanada Togdheer ay u kala jiidanayaan goobaha la geynayo
diiwaan gelinta iyo weliba soohdimaha deegaanada.
“Walqal u dhac, oo Alla Bari u dhac, oo Diiwaan gelin u dhac”
Waxa ay ka mid ahayd hadaladii Chief Caaqil Maxamed Daahir Cabdi oo
ka hadlay jawiga Munaasibada Xaaji Saalax.
Dooda ku saabsan Walqasha Xaaji Saalax ayaa iyaduna waxay ka
dhalatay muran ku saabsan ilaa iyo 10 Tuulo oo bulshada deegaanka
Galbeedka Burco ay ku kala qaybsan tahay xuduudaha ay yeelan doonto
Degmooyinka Burco iyo Degmada Oodweyne, tuulooyinkaasi oo kala ah
Bali-Lamare, Boodhley, Jameecaad Caynaanshe, Goraya-ooda, Ceeg,
Bali-obsiiye, Cali Faarax, iyo Xaaji Saalax.
Yusuf Ibraahim Warsame (Ilka Case)
Burco , Somaliland
Email:
xagaa67@hotmail.com
|