Munaasibad Balaadhan Oo lagu Xusaayo Allaha U Naxariistee Dhamaan
Mujaahidiintii Dalkan u Soo Halgantay Oo Caawa lagu Qabtay Majliska
Axbaabta Xabiibka (Majlisul Tanbiih) Oo ku yaala Xaafada
Qudhac_dheer ee Magaalada Hargeysa
Hargeysa (TNN):-Xaflad baladhaan oo lagu Xusaayo Dhamaan
Mujaahidiintii Dalkan u soo Halgant ay ayaa Caawa lagu Qabtay
Majliska Axbaabta Xabiibka (Majlisul Tanbiih) oo ku yaala Xaafada
Qu dhac_dheer ee Magaalada Hargeysa Majliskan Caawa xaflada lagu
xusayay Mujaahidiinta ayaa waxa uu ahaa Majliskii ay iska abaabuli
jireen isla markaana ku kulmi jireen dhamaan Mujaahidiintii Waa
weynayd ee Dalka Xoreysay .Xuskan ayaa ah mid Sanad le ah oo Sanad Walba laga Xuso Majliska
Axbaabta Xabiibka (Majlisul Tanbiih
Majliskan ayaa waxa la aas aasay horaantii side tamaadkii iyadoo
ujeedada laga lahaa ay ahayd sidii Rajiimkii Ummadda Dulmiga iyo
Dhibaatada badan baday dalka looga xoreynlahaa .Sayid C/laahi Xaaji
Cilmi Nuur oo isagu Sheekha Halgankan iyo Barnaamijkan Diiniyan u
hagaayey ayaa Qolkamida Guriga uu Xaaskiisa iyo Caruurtiisu
deganaayeen Qolkamida Diinta iyo Halganka Dalka ugu deeqay si ay
Mujaahidiintan Hawsh wadaa ugu kulmaan uguna ducaystaan .
Mujaahidiinta Majliskan ku kulmi jirtey ayaa waxa kamid ahaa
Mujaahid Sayid C/laahi Xaaji Cilmi oo ahaa Sheekha Majliska,Mujaahid
Maxamed Cali , Mujaahid Maxamed Xaashi Lixle, Mujaahid Ibraahim
Koodbuur, Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne, Mujaahid C/qaadir Koosaar,
Mujaahid C/xakiim Sumuni, Mujaahid Harag-waafi, Mujaahid Xasan Kayd,
iyo Mujaahidiin kale oo tiro badan kuwaasoo aynaan halkan kaga
gayoonayn Xaadirintooda
Sida ay nooga warameen inta yare e kasii nool Mujaahidiintii iyo
Axbaabtii Majliskan ku kullmi jirtay oo aanu kula kulanay Majliska
ayaa waxa ay nooga warameen qisooyyin Cajiiba kuwaaso aynu odhan
karno waa mucjisooyin lagu cibro qaadan karo.Hadan mid iyo laba
kasoo qaato qisaskaa cajiibkaa, Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo kamid ahaa axbaabtii Majliskan
Fadhiisan jirtay ayaa waxa iiga waramay qiso layaable oo ka dhacday
Majliskan Habeenkii Mujaahid C/laahi Askar Lasoo Furanaayey isagoo
qisadaa ka waramaayana waxa uu yidhi “ Habeenkii lagalaayey
hawlgalkii C/laahi Koosaar lagusoo furanaayey ayaa waxa noosoo galay
Mujaahid Ibraahim Koosaar dabadeedna waxa uu dhegta usaaray Sheekhii
Majliska Sayid C/laahi Xaaji Cilmi hawsha ay galayaan iyo xiliga ay
baxayaan dabadeedna wuu iska fadhiistay waxoogaa yar kadib ayaa
Sheekhiina waa Sayid C/laahiye uu Baakid sigaar waraaqda hoose ka
goostay dabadeedna wax ugu qorey ibraahim Koodbuur ,inyar kadibna
waa uu naga baxay Mujaahid Ibraahim Koosaar sidiibaanu hawshii ku
galay kuna guuleytay , markaa Majliskani waxa uu ahaa Bar kulankii
ay ku kala shiidaal qaadan jiren dhamaan Mujaahidiintii waaweyneyd
ee dalkan xoreysay iyadoo ay ka warqabtay dawladii jirtay balse
mucjisada jirtey ay ahayd inaanay awood ulahayn inay soo faro-galiso
hawlihii halkan kasocday maxaayeelay iyadoo Mujaahidiinta la
daydayaayo oo ay wintidh ka yihiin dalkan ayey hadana halkan ku
qayilaayeen oo ku kulmaayeen waxan xasuustaa Mujaahid Lixle {AHUN)
oo la baadigoobaayo oo halkan nala fadhiista iyadoo kuwii ciidamada
haystay iyo basaasiintii ugu waaweynd ee dalkuba nala fadhiyaan
iyana iyadoo aanay wax ficila samayn Karin amaba aanay iskubadayi
Karin,” .
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa sidoo kale waxa uu iiga
waramay arimo kale oo wada mucjisooyina kuwaasoo dhamantood
Majliskan ka dhacay kuwaasoo ay kamid ahayd waqtigan Majliska
hawshani ka socotay ayaa waxa dalka oodhan ka mamnuuc ahaa ayaa
hadana habeen qudha aan laga waayi jiren Majliskan kaasoo uu kucaan
ahaaa Majliskani Kulanka Mujaahidiinta iyo Xuska iyo Weyneyn Ilaahay
iyadoo Majliskan uu saldhig u ahaa Salawaadka Rasuulka (CSW) oo ilaa
hada sidii saldhi ugu ah
Dhinaca kale waxa isna nooga waramay Taariikhda Majliskan Mujaahid
Dr. Axmed Cabdi Jaamac Agaasimihii hore ee Wasaarada Caafimaadka
Somaliland oo isna siqoto dheer uga waramay Taariikhda iyo Qisaska
Majliskan isagoo isla markaan xusay in Majliskani ahaa Bartii laga
unkay Halgankii hubaysnaa ee dalkan lagu xoreeyey isagoo
gabagabadiina uduceeyey Sheekhii Majliskan Sayid C/laahi Xaaji Cilmi
iyo dhamaanba Mujaahidiintii Dalkan usoo Halgantay.
Sidoo kale waxa isna waxka waydiiyey Sayid Cali Shaybe Jaamac oo ka
mid ahaa inamadii dhalinyarada ahaa ee xiligii Majliska la aasaasay
iyagu Gacan yarayaasha ka ahaa ayaa waxa ee u shaqayn jirey
Mujaahidiintii Majliska ku kulmi jirtey ayaa waxa hadaladiisii kamid
ahaa” Majliskan anigu waxan kamid ahaa inamadii dhalinyarada ahaa ee
biyaha iyo shaaha usoo dhigi jirey markaa hawlihii halkan ka socon
jirey may ahayn wax caqliga qofka binu aadamkii qiyaasi karo waxay
ahaayeeen arimo layaab badan oo mucjisooyin ah ,waxan xasuustaa
habeen askar Mujaahid Lixle Daydayeysaa noo yimaadeen isagoo nala
jooga dabadeedna ay na waydiiyeen isaga dabadeedna iyagoo nala
fadhiya oo isnala fadhiyo aanay hadana ka dhex garanayn ninkii
dhamaayeen ay doonayeene ay garanaayeen ee dee caanka ahaa aanay
hadan garanayn waxay noqotay mucjiso weyn dabadeedna iyagoo fadhiya
ayuu markii danbe aad yar iska baxay oo galay guri nagu xiga oo uu
deganaa iyadoo magaalada laga raadinaayo
Ugu danbayntii ayaa waxaanu wax ka waydiinay Taariikhda Majliskan
Sayid Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi Oo uu dhalay Sheekhii
Majliskan aasaasay islma markaana markii uu shahiiday Mujaahidkan
dhalay isagu xilkii Majliskan Axbaabta Xabiibka la wareegay ilaa
waqti xaadirkana xilkiisa haya ayaa waxa uu yidhi”Majliskan Sida ay
Odayaashii iga horeeyeyba sheegeen waxa loo aasaasay sidii bar kulan
uu ugu noqon lahaa Mujaahidiintii waaweynayd ee dalkan xoraysay
markaa xiligii Majliskan la aasaasay anigu waxan ahaa inan yar oo
halkan Majliska dhexdiisa ayaa uu Aabo Quraanka noogu dhigi jirey
markaa ani waxan ka xasuustaa hawlihii halkan ka socon jirey ,
waxaan habeen walba arki jirey askar iyo baabuur ciidan oo nagu
wareegaysa balse aan guriga gudaha usoo galayn kuwaasoo aad
dareemayso inay wax raadinayaan .
Dhinaca kale Sayid Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi oo sidaynu hore
u xusnay ah Masuulka hada ee Majliskan oo sidii ay ugu kulmaan
Axbaabta Xabiibka ilaahay isla markaana sidii ay uga socdaan
Wayneynta Ilaahay iyo Salawaadka Rasuulka oo ahaa ujeedadii ugu
weynayd ee loo aasaasay Majliskan ayaa waxa uu tibaaxay in Bulshada
reer Somaliland ay kaleexatay Ujeedadii loo halgamay ee loo
dagaalamay isagoo isla markaana tilmaamay in Saldhiga hadafka
Halganku ahaa sidii ummadda Shareecada Islaamka loogu xukumi lahaa
in loo dagaalamaayey balse aan loo dagalamin in Dimuqraadi iyo
Qabyaalad iyo Diin la’aan dalka lagu maamulo,Dhinaca kale ayaa Sayid
Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi waxa uu xusay in Halgankii SNM
waxa kaliya ee aynu ka haynaa yahay Calankeena Towxiidka leh ee synu
Caalamka Dheer nahay kaaso wax loo dhigaaba aanu jirin
Xuskan Caawa la sameeyey ayaa ah mid sanadle ah oo sanad walba
Habeenka 15KA RAMADAAN Majliskan lagu Sameeyey kaaso loogu duceeyo
Mujaahidiintii Qiimaha layd ee Majliskan Aas aastay iyo dhamaan
Mujaahidiintii dalka usoo shihiidayba
Xoghayaha Warfaafinta Jimciyatul Axbaab Miyir Cali Xuseen
miyircali@gmail.com
Hargeisa /Somaliland
|