Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka badbaaday isku-day dil

 



Saddexdan nin ayaa Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ku soo weeraray huteelka Lake Asal oo ku yaala xaafadda shacabka ee Magaalada Hargeysa, .........

Hargeisa (TNN):-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mu jaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka badbaaday isku-day dil, ka dib markii saddex nin oo hubaysani qori madaxa kaga qabteen

Saddexdan nin ayaa Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ku soo weeraray huteelka Lake Asal oo ku yaala xaafadda shacabka ee Magaalada Hargeysa, nimankan ayaa markii ay qoriga ka ga qabteen madaxa,

waxaa nasiib wanaag ka biday xabadii dhuunta taalay, taas oo keentay inay marlabaad cab eeyaan qoriga, hasayeeshe intii uu cabaynaayay ninka qoriga hayay uu ka cararay Muj: Ma xamed Kaahin isla-markaana xagga dambe ka maray dad huteelka fadhiyey, taasi oo keenta y in nin ka mid ahaa dadkii halkaasi fadhiyey uu isaguna rasaas kor uga rido baaskoolad uu sitay, taasi oo keentay in saddexda nin ee weeraray Mujaahidku ay huteelka ka baxaan. Wararka Qaar ayaa Timaanya in Nimanka Weerarka Gaystay ka mid yihiin Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga kulmiye sida ay SHeegeen Dadka mida Goobjoogayaashii Hotelka.

Inkasta oo aan Sidhaba loocadayn Karin Hadana waxa Habeenada Dagaal iyo Dil layskugu hanjabo uu Dhexmarayay Xubaha Sarsare ee Xisbiga Kulmiye.
 

 

Timacade News Desk
Hargeisa,Somaliland