Mujaahid Cali-Gurey laguma xidhi karo ra'yigiisa iyo aragtidii sa, afweyne wuxu mujku ula dagaalamay inu xoriyatul qawl iyo dimuqradeydu inu helo

 

 



Baryahan ba waxa dalkeeni hooyo ka jirey xaalado runtii an wanaagsaneyn o muwaadinta iyo qaranka ba lagu waxyeeleynayo islamarkan mijo xaabinayo qarannimadeena, mudadii aynu gooni isu taaga somaliland ku dhawaaqney waxa runtii dalkeena ka hirgalay o ilaahey loogu mahad naq aa dimuqradeyd iyo xoriyatul qawlka o sidii la doonayay uga hirgalay nidaameydii dalkeen so mara ee kala danbeyay.

Haddaba maanta waxad mooda dawladan Kulmiye e u madaxweyaha ka yahay mudane Siilaana yo in ay dib inoogu celineyso xaaladihii qariban ee shacabkeena iyo xoriyatul qawlka lagu cabu dhin jiray kuwaaso aynu mudo ka so doogney, maanta maaha maalin dadka afkooda xanjo lagu dhajin karo, waan xaaladihii ama ayaamihi adka ee aynu kasoo dagaalaney in leyna cabudhiyo o la yidhaahdo wax ma sheegi kartan mana cabiri kartan ra'yigiina iwm. Maaha in madaxdhaqmey da iyo muwaadinta ba lagu dabogalo waxbaad tidhi iwm laguna xidho hadal iwm, runtii dimuqra diyadu wax ay ina fareyso inu qofku hadali karo ra'yigiisan cabiri karo xorna u yahay.

Kuwa maanta leh mujaahid Cali-Gurey muxu u hadalaya ee u ra'yigiisa u cabiraya - waxanu idin sheegaynaa in ad baal marsantihiin dimuqradeydii iyo xoriyatul qawlkii iyo shuruucdii dalkan lagu xoreyay ee lagu heshiiyay, waad la socoteen sababaha inagu kalifay in aynu dagaal hubeysan ku qaadno afweyne waxa nambar wan ka aheyd xoriyatul qawl la'aantii iyo cabudhintii shacabkee na la cabudhiyay. Maanta laga yeeli maayo dawladan jirta iyo kuwa soo socda ba cabudhin iyo cago juleyin iyo wax la mid ah.

Anigoo ku hadalaya magaceyga iyo inta ila dareen ah ee shacabka somaliland ah waxanu taliska maamulka kulmiye u sheegayna in an muj Cali Gurey iyo kuwa la midka ah ba an ra'yigood xorta ee ey cabirabayaan an lagu xidhi karin loona cago jugleyn karin. Waxan qoraalkeygan uga digaya maamulkan maanta jira in anu noqon mid huriya dab islamarkan abuura xaalado colaado sokeeye o runtii dalkan nabadgalyadiisa iyo horumarkiisa dhibaateeya ah dibu dhacna inoo horseeda, mid na wa iga talo bal dib u yara xusuusta oo cajalada dib u yar celiya ama dib u yar dhegeysta wixi ad ku hadli jirteen e warbaahinta Raadiyow HORYAAL u adeegsan jirteen iyo fagaarayaasha.


Wa bilaahi Tawfiq
 

 

 


Omar Darood Hassan
Norway