Mujaahid Cali Guray Oo Gaashaanka Ku dhuftay Heshiis Dhexmaray Cadami Iyo Siilaanyo

 

Mujaahid Cali Guray oo katirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa markii ugu horaysay si cad uga horyimid heshiish shalay dhexmaray garab uu hogaaminayay Ahmed Xaaji Cali Cadami iyo Ahmed Siilaanyo oo heshiish kagaadhay khilaaf mudo kadhex taagnaa.

Qodobada heshiiska ay labada garab gaadheen oo ay kujirtay in lasameeyo Raisal wasaare ayaa khilaaf kale kadhex abuuray xisbiga Kulmiye, kadib markii Mujaahid Cali Guray iyo koox kale oo katirsan Xisbigu ay kabexeen shir ay kulaayeen xarunta dhexe ee xisbiga.

Saxaafada oo kula lulantay Mujaahid Cali Guray barxada hore ee xafiiska Kulmiye wakhti uu dibada ugasoo baxay shirka dhexmaray Cadami iyo Silaanyo ayaa diiday qaabka loodhigay heshiishka waxaanu kutilmaamay mid aan la aqbali karin, waxaana hadaladiisii kamid ahaa " Qaabka heshiiska loodhigay waan kasoo horjeedaa, heshiis cadna maaha, mana taageersani Raisal wasaaraha lasheegay,Khasaaraheedu waxa uu gaadhayaa cida dee Xisbiga ku Sharaxan ee Madaxwaynaha ku doonaysa, waayo Dadka Xaqooda hadii aanad cadaynayn iyaguna Xaqooda waxay u leeyihiin inay siday doonayaan yeelaan anigu tan danbaan u arkaa in Xisbiga lagu dooranayo oo uu Xisbigu ku Guuleysanayo oo lagu adkaanayaan u arkaa." ayuu Yidhi Mujaahid Cali Guray.

Dhinaca kale waxa xisbig Kulmiye dibada kajooga Garab culus oo uu hogaamiyo Mujaahid C/raxman Aw Cali Farax, ayna kamid yihiin Dr. Ahmed Xuseen Ciise, Mujaahid Dhagaweyne, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi, Dr. Dixood,iyo in kabdan 63 xubnood oo golaha dhexe iyo gudida gulinta ah, kuwaasi oo ilaa hada ayna muuqan kusoo laabasho xisbig ah.

Waxa sidoo kale dhawaan xisba Kulmiye isaga baxay Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada oo kamid ahaa garabkii kabiyo diiday shirkii Burco Mr. C/laahi Ibraahim Xaaji Xasan oo kubiiray Xisbiga Talada Haya ee UDUB.

Dhamaanba khilaafaadka ayaas kusoo beegmay xili loodiyaar garoobaya doorashooyinka fooda inagusoo haya, sidoo kalena ay bilaabmatay diwaan galinta codbixiyayaasha doorashooyinka.

 

 


SN