Mujaahid Cali Maxamed (Cali Guray)ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu ka baxay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE

 

Mujaahid Cali Maxamed (Cali Guray) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta miisaanka leh ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE iyo Mujaahidintii SNM, ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu ka baxay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, waxaanu tilmaamay in uu naftiisa kala shawrayo xisbigii uu ku biiri lahaa
Md. Cali Guray, war-saxaafadeed dheer oo uu shirkaasi jaraa’id ka akhriyay ayaa wuxuu u qornaa sidan:-


"Markaan xaaladda siyaasadda iyo marxalada xasaasiga ah ee wakhtigan eego, gaar ahaan mawqifka xisbiga kulmiye ee dib u dhigista doorashada Madaxtooyada iyo sida guud ahaan arrimaha Kulmiye loo waday in muddo ah eegay, waxaan ugu dambayntii go’aansaday in aan ka baxo xisbiga kulmiye, laga bilaabo maanta oo Khamiis ah taarikhduna tahay 19 bisha 3-aad 2009-ka. Sababaha igu kalifay inaan ka baxo kulmiye in aan halkan faahfaahin badan kaga bixiyo ujeedadaydu maaha, balse ujeedadaydu waa inaan wax ka iftiimiyo ayaan u arkaa inay tahay lagama maarmaan.

KULMIYE waxa uu fursad u haystay in uu noqdo ama uu noqon karo Xisbi isbedal doon ah oo mug weyn oo wada qaadi kara dhamaan is bedal doonka Somaliland, haddii ay Beelo yihiin, haddii ay Kooxo yihiin iyo haddii ay shaqsiyaad noqdaanba.

Wakhtiyada qaarkood Riyadaasi waxay ahayd mid rumoobi karaysay, laakiin tala-xumo dhinaca xisbiga ah ayaa sabab u noqotay inay rumoobi waydo oo sidii Xubnada ay gudho haddii ay run tahay in KULMIYE yahay xisbi dimuquraadi ah oo la ogol yahay in taladiisa la rog rogo, waxa iyana run kale ah, in KULMIYE talooyinkiisa la rogrogaa ay yihiin kuwo go’aamadoodu ay meel sii yaalaan, waxaana sii dhiga in gaar ah, oo goor gaar ah, meel gaar ah si gaar ah wax gaar ah isugu timi.

Illaa wakhti ku siman u diyaar garawgii doorashadii Golaha Wakiillada, go’aamada xisbigu qaataa waxay mar walba ahaayeen kuwo lagu jabo ama laga noqdo marka gidaarka madaxa lagu soo dhufto, inta goor ee diidnay iyo yeeli mayno ay horeysay ee haddana haye iyo yeelay ay ku xigtay waa la og-yahay, waxay taasi ku dhacdaa tala-xumada aan sheegayo iyo cidda talada saxda ah keenta oo afka lagaga dhufto.

Tala-xumaddu waxa ay sharciyawdaa oo go’aan Xisbi ay noqotaa marka laysku maandhaafo, murankana laysku mari-waayo ee ugu dambaynta Guddoomiyaha Xisbiga laftiisu shaabbadda ugu dhufto intii tala-xumada wadatay, inta goor ee ay taasi dhacday tiro iyo xad malaha, sidaas ayaanay tala-xumada Xisbigu u tahay mid garab og oo uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Siilaanyo u yahay garab. waxa ay soomaalidu tidhaahdaa mayd maxaa ugu dambeeyay? iyo kaa imika la sii sido. Annigu waxaan aaminsan nahay in aanay jirin wado kale oo doorasho loo mari karo oo aan ahayn tii aynu haynay ee ahayd wada-tashiga Komishanka iyo Xisbiyada, xataa haddii ay dib u dhacyo yimaadaan.

Waxa la keenay talo kale oo odhanaysa mar haddii ay doorashadii dib u dhacday Daahir Rayaale waxa uu inoo galay dabin, wada-tashiga Komishanka iyo Xisbiyadana wakhti iskaga lumin mayno xilkana waxa ka dhaw in labada Gole kulan wada-jir ah yeeshaan xilkana ka qaadaana Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo cid kale ay u dhiibaan, inta ra'yigaa qaba ee uu ka yimi waxa ka mid ah rag aan KULMIYE-ba ahayn oo iyagu arrinka ku wada doorasho la’aan, Xisbiyo la’aan, Komishan la’aan iyo Xukuumad la’aan, si loo wada sinmo oo la’aan laysugu wada yimaaddo.

Markaa Annigu waxaan leeyahay la’aan uma socdo, ee ciddii ku socotaa ha raacdo." Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali.

KULMIYE iyo dadku waxa ay ka cawdaan dawlad xumo, marka uu KULMIYE yahay Xisbi siyaasi ah, waa inuu la imanayaa wax dhaama waxa laga cabanayo, Annigu waan waday oo waday oo wadaya……….., waxaan ka wadi waayay waxa KULMIYE dadka ugu baaqayaa inuu yahay Abaar ka guur oo Abaar u guur, sida aan u arko Abaar Abaar loogama guuro, waayo waxa la korodhsanayaa waa geeddi, eeddiguna waa socod, daal, qaxar iyo dhibaato, waxa loogu badheedhaa in guriga laga guurayo la dego Guri ka roon. Sidaa daraadeed, KULMIYE marka aynu dib u eegno, wax ay xisbiyada kale ku kala tagan yihiin ma jiro, cid waliba warqad wanaagsan oo kanaan qabanayaa iyo kanaan qabanayaa waa la qori karaa, laakiin Innaga Somaliland ahaan nin kasta oo Madaxweyne doonaya rakaabkiisa ayaa la eegaa.

Axmed-Siilaanyo waxaanu ugu taagi waynay, waar dadkan aad meesha ku soo ururisay ee aad horumuudkii xisbiga ka dhigtay ee talooyinkan lagu jabayo meesha keenaya ka daa, waxa ku jira dadkuna ay wada yaqaanaan kuwii uu Cabdiraxmaan-Tuur nacay, ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal nacay ee Daahir Rayaale nacay, ayaa maanta KULMIYE hormuudka koobaad ka ah,haddii ay musuqmaasuq xukuumadda wax kaga sheegi karaan ma jiro, waayo nin walba waa la yaqaanaa oo shalay ayuu soo maray.

Ragga maanta ay talada KULMIYE ka go’do waxa ka mid ah rag aan waayo-aragnimo siyaasadeed iyo maamul midna lahayn, meel ay ka yimaadeen aanaan garanayn, bulshada meel ay kaga jireen aanaan garanayn, uqaba Xisbiga inay iyagu leeyihiin, dadka kalena ay yihiin dad iyaga uun taageersan, ragoodii waaweynaa ee ka midka ahaa kuwaa aan sheegayo ee ka siyaasisanaa ee ka waaya-aragsanaa nin walba geed cidla ah ayaa lagu xidhay, dabadeedna waxa xagga hore la soo mariyiay inamo yar-yar oo afka buuraya oo u qaba inay maanta Madaxweynayaal yihiin, kuwaasi markay barri dawlad noqdaan ee ay noqdaan innamadan doobyaya ee SNM sheegayana ee libaaxyada lagu sheegayaa, oo illaa iyo qaaxo ahaa kuwii ummadda tobonka goor soo jabiyay markuu Axmed Siilaanyo isku xeeray iyo qolo la yidhaahdo marka go’aan la soo gaadho qoladii dibada joogtay ee lacagta bixinaysay ayaa xanaaqaysa, kuwaasoo aanaan Annagu garanaynba.


Markay istaagtay in dib loo guurro, anniga waxay illa noqotay in xisbigan halka loo wado ama uu u socdo aanan ku qanacsanayn, in haddii talada uu qabto halka uu gaynayo aanan ku qanacsanayn, in aanan waxba la wadaagi karayn, in badan oo KULMIYE ah ayaa rayigan ila qabta, laakiin mushkiladu waxa ay tahay inta in gaar ahi wax gaar ah goynayso halka ay gaynayso haloo daayo.

Waxaan kaga baxayaa eray kaftan ah, waayo waxa la yidhi reer Magaalku kaftanka ayuu runta isugu sheegaa. qoladan xagga barriga ee aanu Xisbiga ku nahay Shuraakada Illaahay hortii waxaan odhanayaa waad ciyaargud xun-tihiin, rag iyo dumar, carruur iyo cirroole waxaanu diyaar u ahayn oo illaahay nagu ogyahay inaanu taageerno oo aanaan waxba ka hagran oo si fiican uga tuno, laakiin dhibaatadoodi waxay noqotay, kol waxay dhabqinayaan sacabkii, kola way ka darayaan oo waxay odhanayaan golihiiba hala baabi’iyo, haddii golahaba la baabiyo oo saaxad lagu ciyaaraba la waayo dee si ciyaartu ciyaar u noqonayso anigu garan mayo."

Cali Guray, oo ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE wuxuu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay nabad gelyadooda ilaashadaan isla markaana aan laga leexin qorshaha doorashooyinka.

 

 


SDWO