Muj.Xasan Ciise Jaamac oo Xukuumadda ku Dhaliilay in ay ka Gaabisay ka hortaga Arinta Hubka Somaliya , Sheegayna in Wadahadallo u Socdaan Kulmiye

 



Xassan Ciise Jaamac oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Gurigiisu ayaa sheegay in dowlada Soo maaliland......

Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedkii ku hadhay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaa nka Dalka ee Xaqsoor ayaa ku eedeeyey Xukuumada Somaliland inay ka gaabisay dadaalka la rab ay inay u gasho ka hortagida in la qaado cunaqabateynta hubka ee saarneyd dalka Soomaaliya.

Xassan Ciise Jaamac oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Gurigiisu ayaa sheegay in dowlada Soom aaliland aysan wax talaabo ah qaadin intii ay socotay dadaalka beesha caalamka ugu jirtay qaadi sta cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya, wuxuuna yidhi“Dowlada Somaliland way ka gaabisay inay ka hortagto qaadista cunaqabateynta hubka ee saarnaa dalka Soomaaliya….dal jaarkaa ah oo weli kuu quudhi la’a inaad ictiraaf hesho…oo hogaamiyaashooda colaad marar bada n kuu muujiyeen inaad iska daawato intii laga qaadayey cunaqabateynta hubka waa arrin Qeyrul mas’uul ah, maanta ayey jaraa’idka kusoo qorayaan hadalo….” ayuu yidhi Hogaamiyaha urur siya sadeedka ee Xaqsoor.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa kale oo sheegay in inuu jiro wada-hadalo u socda xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, kaasi oo lagu soo afjarayo khilaafaadkii doorashada ka dhashay, isla-mark aana salka ku haya inay ku biiraan xisbiga Kulmiye ee xukuumaddu ka soo jeedo, isaga oo intaasi ku daray in labada dhinacba ay isku ogyihiin inaan Tafaasiil laga Bixin inta Heshiisku dhacayo.

Waxa kale oo uu ka hadlay Shaqaaqadii ka dhacday Xariirad isaga oo ku Tilmaamay in ay sababtay Boob uu Sheegay in uu ka Dhacay Doorashadii Golayaasha Deegaanka Dalka.

 

 

Timaacde News Desk
Hargeys,Somalilad