Muj, Dhuxul Iyo Dhamacdii Uu Shuday: Qaybtii 2-aad.

 



Qaybtii 1-aad waxay inoogu guntanayd; ''Shaqooyin kale duwan ayaa uu soo qabtay oo kuwo gaar ah iyo kuwa dawladeedba lahaa, waxa uu noloshiisa u badanaa Somaliland iyo Djibouti, waxa uu ahaa nin gabyaa wayn ah oo aan jeclayn inuu is-muujiyo habase ahaatee lagu galaday maansayahan-nimo dhif iyo teel-teel ah oo dadka qaar uun Eebe ugu deeqo, waxa uu ahaa nin bashaashi ah oo aan qalo lahayn, waxa uu aad u jeclaa jaadka iyo shu'uuntiisa!

Qaybtii 2-aad iyo sheekadii, ''Mujaahid Dhuxul Iyo Dhamacdii Uu Shiday'';

... Astaamihii koobnaa ee aan maqaalkii hore ku yara bildhaamiyay ee uu lahaa Muj, Dhuxul ka-sokow waxa kale oo aan Dhuxul ka madhnayn, ee ku talaalayd dareenka Suufisamka iyo maamuusida Awliyada! Waxa uu saaxiib dhaw la ahaan jiray niman culimo ah oo saamayn wayn ku lahaa bulshada oo aad u ban-baxay, qaarkoodna waliba dadku ay bidi jireen karaamo, muraad-qumisna ugu tagi jireen.

Allah ha u naxariistee Dhuxul sanadku markuu ahaa 1980-kii ayuu ka soo dal-doorsaday oo uu ka soo hayaamay dalka Djibouti oo uu in door ah ku noolaa, waxana uu ku soo guryo-noqday Somaliland. Waqti yar dabdeedna waxa uu Dhuxul ka qayb galay olole is-badbaadin iyo is-difaacis ahaa oo ay dadka degaanka Gabiley ku nooli ku jireen xiliyadaas. Waxa isaga si gaar ah loogu qoondeeyay inuu qabto kaalin ka banaanaatay maamulka Jabhadii la odhan jiray Afraad ee ka aasaasnayd degaanka Gabilay, oo beryahaa hogaan la'i ku timid, ka dib markii laga xidhxidhay madaxdeedii.

Tab iyo xirfad askari-nimo, karti iyo hogaamin bilan, go'aan qaadasho miyir-qabta, dhiiranaan maaraysi leh, foojignaan iyo il-dheeri, dabacsanaan iyo dulqaad, intaas iyo in ka badan oo ahaa tayo-da qofeed ee uu lahaa muj, Dhuxul, ayuu kaga soocmay dad badan waana ta keentay in lagu sharfo inuu gadhka qabto hogaankii jabhadii Afraad, xilkaasoo isaga hortiina ay iskaga danbeeyeen laba mujaahid oo la kala odhan jiray muj, Maxamad Cali iyo muj Cabdi-kariim Cali Buux.

Dagaalka ay jabhadu ku jirto ee joogtada ah ka sokow, hawshii u horaysay ee hor taalay ee tijaabada kowaad u noqotay hogaamintii Dhuxul waxay ahayd, sidii jabhada Afraad looga badbaadin lahaa gacanta dawladii Soomaaliyeed ee xiligaa, oo maalmahaa xilka loo tiriyay Dhuxul bilowday, abaabul wajiyo badan leh oo ay ku baabiinaysay jabhadii Afraad. Qorshayaasha ay dawladu ugu talo-gashay inay kaga takhalusto Afraad oo qaarkood ay fulisayba Waxa ka mid ahaa, in madaxda iyo wiilasha jabhada ah la kala saaro, oo madaxda la xidhxidho wiilashana tabobar loo furo oo askar milatari ah laga dhigo.
Runtiina si caaqiibo leh ayuu muj, Dhuxul ugu guulaystay arintaasi oo isaga, odayaashii iyo wax-garadkii kale ee jabhada Afraad taageeri jiray waxay isla garteen in Jabhada laga raro xeryaheedii ku yaalay Soomaaliya (Somaliland) loona wareejiyo gudaha dalka Ethiopia, oo meel xadka dhawr Kilo Mitir uun ka durugsan saldhigyo cusub looga sameeyo. Taasi waxay keentay inaanay dawladii Soomaaliya sharci ahaan u awood sheegan karin jabhada, waayo? dee dalka ay dawladu xukuntoba jabhadu ma degana. Guul wayn ayaa halkaa uga soo hoyatay Mj Dhuxul iyo intii kale ee arintaa ka qayb-qaadatayba.

Jabhada Afraad waxa laga aasaasay degaamada hoos yimaada Gobolka Gabiley oo ay dhaqaale iyo arin-ba aad ugu tiirsanayd, isaga oo taasi ka duulaya hadaba waxa uu mujaahid Dhuxul iyo dadkii la shaqaynayay ay ka lib keeneen oo ay mar labaad hadana ku guulaysteen in jabhadii Afraad ay waajibaadyo aan hore qorshaheeda ugu jirin ay wax ka qabato, kuwaasoo ay ka mid ahaayen sugida amniga iyo adkaynta nabad-galyada ee degaamadaa ay Afraad deganayd. Hawshan waxa qaban jiray caadi ahaan Police-ka iyo waaxo ka tirsan wasaarada arimaha gudaha, ha yeeshee dagaaladii 1977-kii ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya dartood ayaa loo xidhay xarumihii Police-ka ee xadaka ku yaalay. Maamulkii Dhuxul ee jabhadii Afraad halkaaa wax wayn ayuu ka taray dadkuna aad ayuu ugu riyaaqay baahidaa ay dabooleen..

... La soco qaybta 3-aad.

Cali Cumar Xasan

F.G; Ka akhriso hoosta qaybtii 1-aad ee sheekada muj, Dhuxul.
http://waayeelnews.blogspot.co.uk/2012/03/muj-dhuxul-iyo-dhamacdii-uu-shiday.html