MUDANE
RIYAALE OO HOR GEEYEY GOLAHA GUURTIDA IN
MUDADA LOO KORDHIYO IYO AMNIGA OO AAD LOO ADKEEYEY

Fadhigii aan caadiga ahayn ee golaha guurtida Somaliland oo uu
gudoominayey gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleeban
Maxamud Adam ayaa maanta laga hor akhriyay Codsi uu uu u soo
gudbiyay M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Riyale Kahin kaas
oo ay ku lifaaqnayd warbixintii Komishanka ee ahayd in aan la qaban
karin Doorashada wakhtigii Hore loogu cayimay iyo muddo kordhinta
iyo asbaabha kordhinta .
Fadhigan maanta oo ay ka soo xadireen 63 mudane kadib markii loo
qaybiyey qoraalkii uu madaxwaynuhu soo diray iyo waliba qoraalk ka
socday commissionka doorashooyink kaas oo ka hadlaaya dib u dhaca
waxa keenay Xoghaya Guud ee Golaha Guurtida Mudane C/laahi Ibraahim
(C/laahi Dheere )ayaa ka hor akhriyay Qoraal ka madaxweynaha oo u
qornaa sidan:
“Mudaneyaal, anigoo tixraacaya warqada ka soo baxday Komishanka
doorashooyinka Somaliland, kuna lifaaqan yihiin qorshaha
wakhtiyaysan ee hawl fulineed iyo go’aanka Guddiga komishanka
qaranka ee doorashooyinka, kaasi oo ay ku caddahay in doorashadii
madaxtooyadu ay dib uga dhacday wakhtigii hore loogu tallo-gashanaa
inay qabsoonto ayaan idiin soo gudbinayaa qoraalada halkan ku
lifaaqan.
Haddaba sida ku cad qodobka 8-aad ee xeerka lambarkiisu yahay
20/2001-da xeerka doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada,
wuxuu komishanku cayimayaa muddo u qabashada doorashooyinka si
waafaqsan dastuurka.
Sidaas darteed, waxaan idiin soo gudbinayaa Go’aanka Komishanka
doorashooyinka oo is fasiraya, si aad uga gudataan xilkiina
dastuuriga ee ku qeexan Qodobka 83-aad, isla markaana aad qiimaysaan
sida aynu ku gaadhi karno doorasho aan lahayn mad-madow iyo dib u
dhac dambe hadii alle yidhaahdo.”
Gudoomiyaha guurtida oo ka hadlaayay ujeedada qoraaladani ay
xabmbaarsan yihiin ayaa yidhi “Waxa Mudaneyaal la idiin qeybinayaa
wixii xeerar ah ama ha ahaado Madaxweynaha ama Komishinka
doorashooyinku soo gudbiyeen ha ahaado ee la cuskaday waxa ugu
horeeya xeerkii doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada,
komishinkana aasaaskiisu xeerkaasi ayuu ku jiraa kaas waa la idiin
soo gudbinayaa, waxa kale oo aan idiin soo gudbinaynaa xeerkii
diiwaan gelinta iyo lifaaqiisii oo wada socda.”
“Qodobka dastuurka ah ee 83-aad waxaan filayaa inaad dusha ka wada
haysaan dastuurkiina aad wada haysataan, marka arrimahan oo kale la
inoo soo gudbiyo wuxuu xeer hoosaadka Golaheenu dhigayaa inaynu
haysano 24 illaa 48 saacadood oo lagu dul fikiro, maanta iyo barito
soo akhridaan ka baaraan degtaan Sabtidana aynu iskugu nimaadno oo
hawsha nuxurkeedii uu inoo bilaabmo,”Sidaa waxaa ka hor yidhi golaha
guurtida hortooda oo ugu khudbadeeyey gudoomiyaha golaha gurtida
Somalilad Mudane Saleebaan Gaal
Mudane Riyaale ayaa waxa uu ka dalbaday golaha guurtida in dib loogu
dhigo maadama ay kaga dhamtahay xiligi uu hayey xukunka 6 April ayaa
waxa uu sheegay in goaanka dib u dhiga xiligii doorashooyinka ay
fuliyeen commissionka doorashooyink a oo loo igmaday waxanaan idiin
sheegayaa in qodobka 8-aad ee xeerka lambarkiisu yahay 20/2001-da
xeerka doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada, wuxuu
komishinku cayimayaa muddo u qabashada doorashooyinka si waafaqsan
dastuurka. Isla markan waxa uu Riyaale ka codsaday in ay eegaan
qodonka 83aad kana fikiraan sidii ay ama cidi ina gaadhsiin laahayd
doorasho xor ah oo xalaal ah.
Ka dib markii ay golaha akhriyen ayaa waxaa la isla qaatay in ay dib
arintan u eegideedi u jaleecan oo ay ka tashadan sidi ay wax odhan
lahaayeen.
Geesta kale Ciidamo Boolis ah oo aad u farabadan ayaa la soo dhoobay
Gudaha iyo Dibada Aqalka Odayaasha taas oo Mudanayaal ka keeneen
Guux uu horeeyo Gudoomiyaha Guurtida Mudane Saleeban Isaga oo
Gudoomiyuhu ka codsaday Ciidamada in ay ka baxaan Goobta haddii ay u
baahdaana ay iyagu u yeedhan doonaan ,fadhigan maanta waxa joogay
Xubno ka socday dawlda oo ay ka mid ahaayeen wasiiro iyo Xildhibaano
Wakiilada ah iyo dadweyne kale oo danaynaayay Arintan.
Guud ahaan waxa la rajaynayaa Golaha Guurtida oo ay maanta
horyaalaan qodobo xaasaasi ah oo masiirkii dalka lagu badbaadin
lahaa inay u helaan xal lagu qaboojiyo muranka iyo kala jiidashada
awooda siyaasadeed ee dalku ku jiro.
Togaherer
|