Mudane Madaxweyne Axmedow ma adigaa yidhi Hubaal ayaa wax iga sheegtay mise waa caadadii Wasiir Xirsi!

 


Nin Somalilander ah ayaa laga hayaa ,Allaylehe inteedaan ku sugay.? Ma maanta ayaa Madaxw eyne Axmed-Siiraanyo u adeegsaday xukunka Hubaal xeerkii ciqaabta ee Somaliya,kuna saxee an-yahay Adam C.Cusman , lana dejiyay 1962.

Ma anigaa riyoonaya oo u qaba dalkan Jamhuuriyada Somaliland inuu leeyahay dastuur u gaar ah,sharciyo iyo xeerar u gaar ah,yahay-na dal madaxbanaan mise qoon qarsoon ayaa dalkan ka taliya.


Wax badan ayaynu ka maqalay madaxweyne Axmed-siiraanyo isagoo leh ,Cadaalada ayaanu sugi doonaa.? Tolow ma waxa uu u jeeday xabaal ayaanu ku ridi doonaa cadaalada marka dhib anayaashii wargeyska Hubaal mar labaad madaxtooyadu u adeegsatay boliska,xeer ilaaliyaha guud iyo garsooraha maxkamada gobolka M/Jeex ayagoo ku eedaynaya Madaxweyne Axmed-Siiraanyo,wakiilka ganacsiga itoobiya iyo niilka ayay hubaal wax ka qortay.

Waa yaabe miyaanu Madaxweyne Axmed-siiraanyo ahayn musharaxii shalay ay saxaafadu u badheedhay hiilkiisa? Maxaa maanta isbedelay ee ay saxaafadu ku mutaysatay abaal-darrada la gashay xabsiyada dalka.Sawtuu khudbad kasta oo uu ummada u jeediyo ku darsanaayay ?waxaanu dhiiri gelin doonaa saxaafada madaxa-banaan?.

Mar kasta oo aan dib u raaco ballan-qaadyadii,khudbadahii Madaxweyne Axmed-Siiraanyo iyo talaabooyinka cadaalad darrada ah ee ay dawladiisu ku hayso saxaafada madaxabanaan waxa an talo ku daayaa ma jiro wax u dhaxeeya dhaqamadii keli-taliyahii Afweyne iyo dhaqamada M adaxwene Axmed-siiraanyo ku hogaaminayo dalka,waxaanu heeryada ka rogay inuu yahay la ba nin ama cid kale metesho.Waxanse madaxweynaha leeyahay ?ogow dhirta waxa jira geed lagama garaacaan ah.? Nabad aan ku ledo,waxaan doonana aan falo ogow waa tii adiga iyo anig uba ka halganaye.

Markaan jaleeco falalka wasiir Xirsi oo hadal hayntiisu ku badantahay shacabkana waxa igu soo dhacda inuu wasiirku ku hawlan-yahay olole u gaar ah oo ku jihaysan siduu u fuuli lahaa kursiga uu maanta ku fadhiyo Madaxweyne Axmed-siiraanyo.Hadaan yara saro waxa muuqata mar lab aad inuu Kulmiye isu diyaarinayo hogaanka dalka,Xirsi-na uu dheelaayo waalo-da ay geel-jirahu ardaaga ku cayaaraan.

Bal u fiirso tabaha uu ugu dhameeyay tartamayaal ka soo baxa degaan ka uu Xirsi ka soo jeedo ee uu keli mudh ka soo yidhi.Wasiir Xirsi waxa uu haatana ku hawlan-yahay shaxdii uu ugu dha mayn lahaa tartame ka soo baxa degaanka waqooyiga Hargeysa oo ahaa codadkii ugu badnaa ee Kulmiye ku soo baxay.Waana arrinka maanta dabada haya wada-tashiga ay wadaan degaan ka waqooyiga Hargeysa.Waa sida uu filayo-e waxa u muuqata Xirsi inuu keli ku noqdo tartanka madaxweyne ee Kulmiye filaayo doorka labaad inuu ku guulaysto hogaanka dalka.

Sidaa darteed ayaan u arkay xukunka xaqdarrada ah ee ay dawladu kula kacday wargeyska Hubaal inuu garsooraha maxkamada gobolka M/Jeex fuliyay amar kaga yimi dhinaca Wasiir Xirsi loona soo mariyay Xeer-ilaaliyaha guud.Waayo,waxaynu ogsoonahay mar kasta oo ay dawladu danay-nayso dacwad in loo dhiibo garsoore Cusmaan oo ka mid ah 12ban garsoore oo ka hawl gala maxkamada gobolka M/Jeex.Weliba marka uu garsoore Cusmaan waday xukunka xaqdarr ada ah ee uu ku riday Hubaal waxa ku socday dacwad,waxaana la balansanaa gudida cadaala da.Waxa loo xushay garsoore dacwadi ku socoto waa dhako qaawan.

Waxa aan ku soo afjarayaa fariin aan u dirayo Madaxweyne Axmed-Siiraanyo,waxaanan leeya hay madaxweyne kaama qabato saxaafadii ku garab gashay ee si badheedh ah kuugu hiilisay inaad maanta ku xidh-xidho wax baa layga qoray ee waa inaad dhibanayaasha hubaal iyo war gayskaba si dhakhso ah ugu soo celisaa xoriyadoodii oo aad fulisaa odhaah-daadii ahayd ?

Waanu ka soo horjeednaa cabudhida saxaafada madaxa banaan.Markaa Mudane Madaxweyne ma adigaa yidhi Hubaal ayaa wax iga qortay ? mise waa caadadii wasiir Xirsi.

 

 



Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL