Mudanayaasha Wakiilada Oo Dib U Celiyay Tallo Soo Jeedin Madaxwaynuhu U Gudbiyey Oo Kuraas Kooto Ah U Xidhaysay Haweenka Iyo Dadka La Hayb-sooco


 

 

Mudanayaasha Wakiilada ee ka qayb-galay dooda goluhu ka yeeshay tallo soo jeedintan ayaa ku dooday in dastuurka dalku aanu ogolayn in cid gaar ah kooto looga xidho hay’adaha qaran ka, sidaa daraadeedna ay muhiim tahay in dib loo celiyo.

Hargeysa (TNN)-Mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay ta llo soo jeedin Madaxwayne Axmed Siilaanyo hore ugu gudbiyey Guddida arimaha gudaha iyo di faaca Wakiilada, taasi oo ku talinaysay in kooto cayiman golayaasha Wakiilada, deegaanka iyo Guurtida looga sameeyo haweenka iyo dadka la hayb sooco.

Tallo- soo jeedintan Madaxwaynaha Somaliland u gudbiyey Golaha Wakiilada oo ay soo diyaari yeen guddi uu hore ugu saaray inay qiimayn ku soo sameeyaan baahida haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay u qabaan in kooto loo xidho, aya Mudanayaasha Wakiilada ee doodii sa ka qayb-galay guud ahaantood isku raaceen in dib loo celiyo.

Mudanayaasha Wakiilada ee ka qayb-galay dooda goluhu ka yeeshay tallo soo jeedintan ayaa ku dooday in dastuurka dalku aanu ogolayn in cid gaar ah kooto looga xidho hay’adaha qaran ka, sidaa daraadeedna ay muhiim tahay in dib loo celiyo.

Fadhiga Golaha Wakiilada oo uu guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Wakiilad a Md Baashe Maxamed Faarax isla-markaana dooda tallo soo jeedintani gilgilashay ayaa aakh irkii ku soo gabogabowday in dib loo celiyo.

Dhanka kale, qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka beelaha la hayb-sooco oo ku sugnaa barxa da hore ee golaha Wakiilada wakhtiga doodani socotay isla-markaana hore u saluugsanaa tirada xildhibaanada tallo soo jeedintani uga qorshaysay Golayaasha Wakiilada, Guurtida iyo deegaanada ayaa soo dhaweeyay in dib loo celiyo, iyagga oo sheegay in aanay markii horeba xaq ahayn.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa golaha Wakiilada Tallo soo jeedintan u gudbiyey 12-kii bishii March ee sanadkan, ka dib markii ay isaga u soo g udbiyeen Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yaha y ee ka qayb-galka siyaasada oo uu hore ugu saaray inay arintan daraasad ku soo sameeya an.

Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada oo muddo ku hawlanaa sidii ay tallo uga keeni lahaayeen hanaanka ugu macquulsan ee dadka laga tiradda badan yahay iyo haweenku siyaasada uga qayb-qaadan karaan isla-markaana maanta Mudanayaasha Wakiladu dib u celiyeen ayaa wakhtigaasi ku taliyey sidan:
 

 

Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland