Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo Maanta Galay Fasax Laba Bilood ah

 

Hargeysa(Longlivesomaliland News)Mudanayaasha Golaha Guurtida  Somalil and ayaa Maanta Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay in ay galaan Fasax laba  bi lood ah. Go’aankan ay gaadheen ayaa ahaa codsi uu u soo jeediyay  Guddo omiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aaden oo isagu guddoominayay fadhigii maanta ee Golaha.

Mudanayaasha maanta ka soo xaadiray oo ay tiradoodu dhammayd 57  xu bnood, ayaa 55 mudane oo ka mid ah ay wada jir u ansixiyeen in ay galaan fasaxa labada bilood ah, waxa diiday hal mudane gudddoomiyuhuna ma  co dayn. Sidaasi ayaanu go’aankaasi ku dhaqan galay.

Ka hor intii aanu guddoomiyuhu u soo jeedin go’aankaasi waxa uu halkaasi mudanayaasha uga jeediyay ayuu ku sheegay in kala qaybsanaantii  mudan ayaasha ee salka ku haysay khilaafkii siyaasiga ahaa ee waddanka ka jiray in loo baahan yahay in uu imika wixii ka danbeeya uu goluhu ka xoreebo.

Waxa uuna tilmaamay in la isa saamaxo oo ay mudanayaashu isku laab  xaa dhnaadaan. Waxa uu guddoomiyuhu mudanayaasha u fidiyay casuumad ay iskugu iman doonaan oo ay isku saamaxi doonaan.

Mudanayaasha Guurtida ayaa iyagu fasaxan hore u gali lahaa, hasa  ahaat ee, Khilaafkii Siyaasiga ahaa ee Imika la xaliyay darteed ayay  mudanayaas hu fasaxaasi u gali waayeen.

Waxa iyaguna maalintii shallay ahayd fasax laba bilood ah galay  mudanaya asha Golaha Wakiilada Somaliland. Sidoo kale iyaguna waxa ay  Mudanayaa sha Wakiiladu bishii hore ayay fasax gali lahaayeen hasa ahaatee, taasi  wa xa u saamixi waayay Khilaafkii siyaasiga ahaa ee Wadanka ka jiray.

 



Mustafe Future

Longlivesomaliland News Reporter
mccfuture@hotmail.com
Hargeysa Office