Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nairobi oo diiday in ay ku laabtaan Baydhabo

 

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta u ah Dalka Kenya ayaa waxay sheegeen in aysan ku laabaneynin magaalada Baydhabo oo Xarun KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in sababta ay u diidayaan in ay ku laabtaan Magaalada Baydhabo ay tahay iyadoo sida ay yiraahdeen aysan magaaladaas ahayn mid ammaan ah oo la isku haleyn karo, isla markaana ay ka sii socon karaan kulamada Baarlamaanka.

Waxa ay dalbadeen Xildhibaannadan in doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waqti kooban ay ka harsan tahay loo wareejiyo dalal kale oo ammaanka ah, waxayna si gaar ah hoosta uga xariiqeen Dalka Kenya.

Hadalka ay sii daayeen Xildhibaanandan ayaa wuxuu u muuqdaa mid jawaab u ah hadal uu dhawaan Nairobi ka sheegay Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) xili uu la kulmayay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka, kaasi oo ahaa in Xildhibaannada Baarlamaanka ee Nairobi ku sugan ay Jimcaha ku laabtaan Baydhabo, si ay uga qeybgalaan Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay ka harsan tahay wax 20 maalmood ka yar.

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu u sheegay Xildhibaannadan in ammaanka Magaalada Baydhabo wax laga qaban doono, wuxuuna caddeeyay in arrintaas ay ku howlan yihiin Guddiyo Ammaanka qaabilsan oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Bay.

 



Hiiraan Online