Mudaharaadkii Ugu balaadhnaa ee abid ka dhaca Borama iyo Dadwayne

 

Dadweynaha gadoodsan oo Calankii Soomaaliya lulaya kuna  dhawaaqa ya Somaliland dooni mayno:-



Borama (longlivesomaliland News)- Tan iyo saaka subaxdii waxaa  muda haraad balaadhani ka dhacayaa Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Bo rama.

Mudaharaadkaasi oo rabshado watay ayaa la sheegayaa in khasaare ay ugaysteen dadwaynihii Gadoodsanaa meelo ka mid ah Xarumaha Dawlada sida Baanka iyo Xarunta Maamulka Gobolka Awdal.

Mudaharaadkaasi oo lagaga soo horjeedo Dagaalada ka dhacaya  Dee ganadii dirirtu ka dhacday ee Ceelbardaale iyo falalkii lagu qafaashay dadka iyo baabuurta iskaga kala goosha borama iyo Gabiley dhexdooda ee lagu laayay afar ka mid ah dadkii baabuurti saarnaa, iyada dadku aad uxamaasadaysanyihiin dareenkoodana ku muujinayaa shiid iyo rabshado,

Dhinaca kale ciidamada amaanka ee Gobolka Awdal ayaa adeegsanaya rasaas ay kukala dareerinayaan dad waynaha Gadoodsan oo kala xidhay dhamaan isu socodka baabuurta iyo dadwayha ee magaalada borama iyada ay meheradaha Ganacsiga badankoodu saaka xidhanyihiin.

Dadwaynaha Gadoodsan ee ka mudaharaadaya arintaasi ayaa ku  dhaw aaqaya ereyo lidi ku ah qaranimada Somaliland oo ay ka mid yihiin  “Somaliland dooni mayno, Dawlada riyaale doonimayno, eyo ereyo kale oo farabadan

Waxaa kale oo ay dadwaynahaasi lulayaan Calanka buluuga ah ee somaliya.

Mudaharaadkan oo aan la garanayn cid soo abaabushay ayaa saaka la kowsaday Rabshado horel iyo sawaxanka dadwaynaha rasaasta  ciidan ku udeegsanayo kala dareerinta dadwaynaha.

Mudaharaadkan oo kiciyay Shucuurtii dadwaynaha ayaa waxa uu abuuri karaa rabshado hor leh oo ka dhasha Gobolka Awdal iyada oo dagaalkii Shaqaaqada keenay ee Ceelbaradaale-na ka socodo deegaamadaasi, hubka waawayna la isku adeegsanayo ilaa saaka, dadkuna  u dhagtaag ayaan halka uu marayo dagaalkaasi.


Ilaa hada lama sheegin khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay  mudahar aadkaasi iyo dagaaladii saaka ka dhacay deegaanada ruqi iyo boodhka.


 


LongliveSomaliland News Desk
Boorama  Somaliland