Mucaaridka
Djibouti Oo Xukuumadda Somaliland Ka Dalbaday Inay Ka Joojiso Faro-Gelinta
Ay Ku Hayso Arrimaha Dalkooda

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Djibouti,
DPD,
Maxamed Daa’uud Shi xim ayaa si adag u cambaareeyay hadal
dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Duulista Hawada Somaliland,
Cali Maxamed Warran-cadde, waxaanu ka
dalb aday xukuumadda Somaliland iyo wasiirka Duulistaba inaanay soo
fara-gelin arrimaha gudaha ee dalkooda Djibouti.
Sidaana waxa laga sheegay War-saxaafadeed uu khadka Internet-ka
Haatuf noogu soo diray Gudoomiyaha Xisbiga Horumarinta Djibouti,
Maxamed Daa’uud Shixim.
“Waxaynu ognahay in gooni-isu-taagga Somaliland uu kaga go’ay dalkii
Somalia ay ka timid dabkii uu kala kulmay Taliskii Siyaad Barre,
iyadoo aanu ogsoonahay in shacbiga Somaliland dhib noocyo badan ah
uu u geystay taliskaas Siyaad Barre. Waxa kale oo aanu ognahay in
guud ahaan deganaanshaha Geeska Afrika iyo gaar ahaanba Somalia, ay
ku xidhan tahay aqoonsiga qadiyaddooda madax banaanida (Somaliland),
isla markaana waxaanu mar walba u bandhignaa qadiyadooda markasta oo
fursad aanu u helno inaanu la kulano diblomaasiyiinta iyo
shakhsiyaadka muhiimka ah ee dalalka kala duwan dunida kala duwan,
iyadoo aanay naga codsan xukuumadda Somaliland” ayuu yidhi war-saxaafadeedkiisa
ku yidhi gudoomiyaha xisbiga Horumarinta Djibouti.
Hase yeeshee waxa uu Maxamed Daa’uud Shixim sheegay inay layaab ku
noqotay hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiirka Duulista Hawada
Somaliland, Cali Maxamed Warran-cadde, kaas oo uu wasiirku ku
ammaanay in dadka reer Djibouti ogolaadaan in distoorkooda lagu daro
in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle mar saddexaad la soo dooran
karo, waxaanu gudoomiyaha Mucaaridka Djibouti yidhi: “Waxaa layaab
nagu noqotay war aanu ka akhrinay Haatuf iyo Golisnews, kaas oo uu
wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Cali Maxamed Warrancadde meel
fagaare ah uga sheegay in loo baahan yahay in wax ka-bedel lagu
sameeyo dastuurta Djibouti si uu Ismaaciil Cumar Geelle mar
saddexaad isugu soo taago jagada Madaxweynaha. ”
Mr. Shixim waxa uu u soo jeediyay wasiirka Duulista Somaliland inuu
fara-gelinta ka daayo arrimaha gudaha dalkooda Djibouti, kaas oo uu
ku tilmaamay mid hadda ku sugan xaalad aan wax badan ka duwan
xaaladii reer Somaliland ku sugnaayeen xilligii uu ka talin jiray
keligii taliyihiin Siyaad Barre, waxaanu yidhi: “Maanta, xaaladda
nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka reer Djibouti wax badan kama
duwan xaaladii ay reer Somaliland ku sugnaayeen markii Siyaad Barre
ka talinayey Somalia. Wasiirka oo inta badan booqda Djibouti waxay
ahayd inuu ka warhayo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalkayaga
Djibouti iyo sidoo kale qiimaha uu distoorku dal ugu fadhiyo isagoo
barbar dhigaya dalkiisa Somaliland. Sidaas darteed waxaanu u aragnaa
hadalkan ka soo baxay wasiirka Duulista Somaliland mid meel-ka-dhac
ku ah dadka reer Djibouti oo ah kuwo aan helin dawlad ay iskood u
doorteen, isla markaana saboolnimadu ku sii fidayso, iyadoo aynu
ogsoonahay ilaha dhaqaaluhu inay muhiim u yihiin dalkasta. Sidoo
kale, ma doonayno walaalladayada reer Somaliland in lagu hoggaamiyo
macluumaad khaldan. ”
Ugu dambayntii waxa uu gudoomiyaha xisbiga Horumarinta Djibouti,
Maxamed Daa’uud Shixim ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay ka
dayso fara-gelinta arrimaha gudaha Djibouti, waxaanu yidhi: “Sidaas
darteed, waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland, annagoo
ixtiraamayna inaanu muddannahay inay joojiso faro-gelinta
arrimahayaga gudaha ee Jamhuuriyadda Djibouti. ”
Haatuf
|