Mucaarid xun iyo
maamul xun tartankooda waxaa ku lunta danta
guud
Qaybtii labaad

Sadexda
xisbi Qaran waxba kuma kala duwana, barnaamijyadooduna way m idaysan
yihiin. Waana sababta aanu isdhaliilkooda iyo isku faankoodu u
buu rayn, waa sababta ismaandhaafkoodu iyo hadalkoodu marwalba ugu
meega arsan yahay kursiga hogaaminta dalka. UCID ayaa waxoogaa ka
yara duwan.
Xisbiga taladaha haya oo haysta fursadii uu wax ku qaban lahaa ee uu
ku faani lahaa,waxaa uga fudud dhaliisha axsaabta mucaaridka ah.
Taageera yaashiisuna waxay ku tartamaan aflagaadada Kulmiye.oo ay is
hoga tusaal eeyaan, Taageerayaasha Kulmiyana waa sidoo kale
waxay ku tasbiixsadaan wax ka sheega Haaruun.
Haddaba, kala duwanaanshahooda
iyo isku midnimadooda ku raagi mayne, waxaan carrabka ku dhufan laba
arrimood oo saamayn weyn ku leh ismaan dhaafka iyo muranka
joogtada ah. Labadaa soo kala ah hab dhaqanka siya asadeed iyo
aduun waxay isdheer yihiin.
Bal maxay isdheer yihiin arrin iyo adduun?
Bal aan ku horayno ta hab dhaqanka qaab siyaasadeedkooda.. Sida aynu
w ada ognahay sadexda Guddoomiye Xisbi, islamarkaana ah
masharixiinta Ma daxweynimada, lama odhan karo jagooyinka
waxay ku yimaadeen hab too san, tartan xalaal ah iyo doorasho
xisbigooda dhexdiisa ka dhacday. Sidii shirweynayaashii
golayaashooda dhexe ka muuqatey iyo ku tumashadda xeer
hoosaayadoodii, tabaha la adeegsanayey qaar geed lagu soo
gabana yo iyo qaar loo badheedhayaba way lahaayeen. Murankii ka
dhashayna kulmiye wuu gilgiley, UDUB-na awooda talada dalku, ee uu
gacanta ku hayo ayaa asturtaye, tii ka dhacaday waxay shaabahaysa
tii Xusbigii Hantiwa daaga kacaanka Somaliyeed ee uu
hogaaminayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre, UCID-na haddii uu jiri
lahaa qabiil gaar u sheegta amma isbidaya in uu yahay xusbigoodii,
is xagxagashadu iyo kala firfirdhadkoodu intaad maqasheen wuu ka
badan lahaa.
Qaab siyaasadeedkooda guud iyo faraqa u dhexeeya intaanan
gelin,waxaan doonayaa in bal sharaxaad ka bixiyo Guurtida Dahsoon oo
saamayn weyn ku leh hab dhaqanka siyaasadeed ee sadexda xisbi qaran.
Guurtida Dahsoon
Guurtida Dahsooni waa Golaha Guurtida beelkasta, kuwaas oo magaca
bee sha ku taliya. Waa xusbi aan barnaamij iyo hadaf lahayn oo
hawshoodu ay ka mid tahay in ay beesha u qawlala maroojaan hal qof.
Waa xusbi ka shaq eeya in beeshu qof keliya u adeegto, laakiin
aanay xujo ahayn in qofkaasi isaguna beesha si gaar ah ugu adeego.
Axdi qarameedka iyo shuruucda dal ka meela kama soo galaan.
Guurtida dahsooni waa Golaha Guurtida Beesha, waa awooda ninkay
beeshu u igmanayso tartanka siyaasada soo saarta, ciddii kala ee
barbar carrartan takoorta. Guurtida dahsooni waxay awood u leedahay
in ay beeshu ku amarto dhaqaale, cod, iyo sarwaxan ay la garab
taagnaato ninkay soo cugatay.
Guurtida dahsoon ee beelaha lama
soo doorto iyaguna afti kama qaadan xu bnaha beesha go’aamada
ay gaadhayaan ee beesha saameeya. Tirado oda lama yaqaan ,
tayadoodana la isma weydiiyo. Xeer diidani ma jiro, xeer og
olina ma jiro. laakiin waxay salka ku hayaan dhaqan qoto dheer oo
guun ah oo soo jireen ah oo ilaa hadda la loodin kari laayahay.
Siyaasiga ay xulaan xusbigu galo, waa xusbigii beeshooda. Buruudka
iyo asraarta ay u adeegs adaan in ay beesha marba meel ugu
jaheeyaan, oo ay ku raacdo lama yaq aan, hasayeeshee kama madhna
soofaynta qabkii qabyaalada.
Qaarkood ayaa shuraakooba oo u
sharaakooba in ree hebelna meesha loo dhiibo ree hebelna laga soo
horjeesto, Guurtida dahsooni kama hadlaan qofaf, karti, hufnaan,
adeeg, barnaamij iyo xusbi toona. Waxay ku hadlaan af heer beeleed
ah . Guurtida dahsooni Siyaasiga ay takooran si kasta oo uu culus
yahay, wuxuu noqdaa haad geed waayey. Waayo tiisuna ma ogola, kuwa
kalana meeli ugama banana.
Awooda guurtida dahsooni, beelaha way ku kala xoog badan tahay.
Beelaha qaarbkood waa hore ayay daciiftay. Waxay haatan ku jiraan
xilli kala guur oo ay ka gudbayaan nidaamkii Golihii Guurtida Beesha,
mid kalena weli may gaadhin, meel dhexe ayay heehaabayaan.
Siyaasiyiintooduna waa nin iyo meeshii ka dirir, la iskuma joojo.
Xusbi gaar ahna culays kuma yeeshaan. Markaad sheekooyinkooda u
fiirsatana beelaha noocaas ah waxay u dhaw yihiin Xusbiga UCID, ee
agoonka ka ah Guurti beeleed.
Nidaamkan guurtida dahsoon ee masiirka siyaasiga gacanta ku hayaa,
wa xaa jirta dhallinyaro badan oo ka loox tuurtay oo aan u
hogaansaneyn xeer arkeedii iyo dhaqankeedii, kana doorbiday
distoorka qaranka,. Waxay u ark aan in uu yahay nidaam faashil
ah,oo aanu qofku xor u ahayn fikirkiisa.
Waxaa kale oo jira siyaasiyiin
curdin ah oo guurtida beeshu deyrisey oo do onaya in ay
iyaguna la’aanteed meelmaraan, si kastaba ha u adkaatee. Kooxahani
maalin walba way isa soo tarayaan tiro iyo tayaba oo guurti beeleed
ma kala dab qaataan.
Labada Xusbi ee waaweyn
Haddaba aan u soo noqdo majarahaygiiye, KULMIYE iyo UDUB waxaa loo
ya qaan labada xusbi ee waaweyn. Wax kale lama waaweyna eh, waxaa
sal u ah guurtida dahsoon ee beelaha, ee aan kor kaga soo sheekeeyey,
haba sii kala badsadaane. Waxay awood baaxad leh,oo arrin iyo
adduunba leh, ka helaan Guurtida dahsoon. Ceeb ma ah, waa caado
Somali leedahay, oo cidina gaar cidkale ugu eedaynmayso, waxse ay
daciifisay habkii beelnimo looga guuri lahaa ee xusbinimo loogu
gudbi lahaa. Waxaa daciiftay dhismihii xusbinimo, ee UDUB iyo
KULMIYE. Waxay noqdeen mid ay ku bahoobaan beelo wada muxaafuid ah
iyo mid ay ku bahoobaan beelo wada mucaarid ah. Beel wada muxaafid
ah iyo beel wada mucaarid, garaad iyo mabda’, iyo lexjeclo qaran
midna’ iskuma raacine, waa abtirsiimo iyo u hiilinta gar iyo
gardarraba, qofkii guurtida dahsooni soo abaabushey ee ay farta ugu
fiiqday,
Labada Murashax ee Kulmiye iyo UDUB waxaa barbar taagan Golaha
Guu rtida Beesha ee dahsoon iyo golayaasha dhexe ee xusbiyada
naafoobey ee maqaarsaarka ah. Magac mooyee haybadii xusbinimo mar
hore ayay kala dhaqaaqeen.
Labadub xullashadii guurtida dahsoon iyo xullistii Golaha dhexe ee
xusbigooda durdur ayay ku soo dhaafeen, midkoodna hal diidan lama
arag, ninkii dudayna yeelkii, samadiidna loo qaad.
Xusbiga UCID waa dhexroor
Xusbiga UCID isaga xaalkiisu waa muunada gooniya. Inkasta oo isagaba
cul ayska ay ku hayaan haba dhaqanka guurtiyada dahsooni oo uu
mararka qa arkood, gorada laalaadsho, haddana wuxuu horseed u
yahay xusbinimo, marka la barbardhigo labada kale. Asaaskii u
horeeyeyba hogaamiyaha UCID guurtada beeshiisa iyo beelnimo ugumuu
waqlalin, aqoonsina kama raadsan, Xubnihiisuna waa barbaartii loox
tuurtay ee dooneysa in qofku fikradiisa xor u ahaado ee aanu noqon
qof u hogaansan hugun beeleed. Beelahooda waxay ka qoran yihiin
falaago aan fasax ka haysan guurtidii dahsoonayd ee beesha. Waa
xubno ku bahoobey xusbinimo iyo aragti siyaasadeed. Waa xusbi
halgankiisu yahay in beelinimo iyo guurti dahsoon laga gudbo oo
xusbinimo loo diga rogto. Halgankiisa Guurti beeleed oo dhan baa la
col ah, labada xusbiba way ka soo horjeedaan, waayo awoodoodii
habdhaqanka siyaasadeed ee ay adeegsadaan ayuu lid ku yahay, doorkii
guurtiyada dahsoon ayuu ka abraarayaa. Wuxuu wiiqay awooda guurtida
dahsooniku ku leedahay xusbiyada. Waa xusbi isbedel dhab ah
raadinaya.
Faysal Cali Warabe ha iska gebi dhacleeyee, dhaxalkuu ka tegayaa
waxa we eyi, in uu xusbigiisu guuleystey oo uu ka mid noqday
sedexda xusbi qaran, isaga oo aan adeegsan, nidaamka faadhiidka ah
tizedamiao@yahoo.co.ukee guurtida dahsoon, muujiyeyna in laga gudbi
karo, oo laga maarmi karo.
In uu hogaaminta ku guuleystaana muhiim ma ah, laakiin in arrin iyo
nidaam kii hore dhaama la raadiyo ayaa muhiim ah, oo uu horseed u
noqdo xusbinimo. Beelo isku foogan iyo kuwa isku muuqda iyo kuwa
wadajira oo kuwa kale iska kaashanay, xusbiga UCID gudihiisa iyo
dibadiisa midna ka dareemi meysid, lagumana xanto. Waa dhexroor, ku
dhiiradey in laga gudbo aqligii lixdankii..
Eed loo waayi mayo xusbiga UCID oo nin ku dooday tolnimada iyo
fikirka siy aasadeed ha la kala saaro, guurtii beeleedii ka
horyimid, kabtii ma yeela san nadahan , Waa waxa Maxamed
Xaashi iyo Gaboose la gaaf wareegayaan, ee hadba doc iskugu
qaadayaan. Waxmay galabsanine, ee guurti beeleed oo dhanbaa, isku
kaashatay oo gaashaanka u daruuraysa.
Ninka isbedel doon sheegtay ee Kulmiye ka tegey, UDUB-na u galay
amma UDUB ka tegey ee Kulmiye u gudbay amma candho dhexe kuududsaday,
isbedel doon ma ah. Labada xusbiba, guurti dahsoon ayaa soo
dooyaysa taye oo maal iyo muruqba la agjoogta eh, bal xagguu ka
dhaafi.
Qormada danbe waxaan kaga hadli doonaa Tartamayaasha habkan ku soo
baxay markay arrintoodu dhex timaad Golaha Guurtida ee Qranka,
Golaha wakiilada ee Qaranka , Komishanka qaranka, Waxay ka fashin ma
wixii ay ka soo heleen Guurtida dahsoon iyo Golaha Xusbiyadooda.?
Hadday ka waay aan qaadan waa ma ku dhacaa.? Ma u jajabnaan
karaan distoorka Qaranka, mise in laleexleexiyo ayay ka jecel yihiin?
Wuu socdaa
|