Mucaarid xun iyo
maamul xun tartankooda waxaa ku lunta danta
Guud
Qaybtii 3aad

Intaanan
gudda gelin ujeeda qaybtan, aan ka horeesiiyo hal hanbalyo iyo
hal iga afeefa. Hal waa iga hanbalyo oo waxaan doonaya in qiro oo
idhaa taageerayaasha Axsaabta mucaaridka, oo ah ilaha dhaqaalaha ee
labada xusbi ku tiirsan yihiin, gugiinu ha samaado, Waxaad gudateen
xil qaran oo muhiim ah. Ninka xusbi qaran waxtaray, waa nin qaranka
wax taray, maxaayeelay looma baahna in sedexda xusbi midkoodna
burburo.
Hadduu midkood burburo waa in
alif laga soo bilaabaa oo dib loo noqdaa. Waxaa kale oo aan idinku
hanbalyaynayaa waajibka kale ee aad gudatee n ee cashuur bixinta iyo
taageerada heerka qaran ah ee aad la wadaagt aan muwaadiniinta kale.
Hawl ayaad dawladda ka furateen oo si daban ayaad ugu hiiliseen, in
ay idiin ogaataa iyo in aanay ogeyni muhiim ma ah.
Halna waa iga afaafoo, maadaama aan dhaqaalihii xusbiyad ka hadlayo
xisaabo, tiro iyo cadad lacageed ayaa qaarkiin iga fili karaan. Taas
ayaan ka afeefanayaa. Tiro iyo cadad ma hayo, maxaa yeelay marka
horaba w ay hagoogan tahay oo xusbiyada ma jiraan xisaab qoran oo
waxaa soo gala iyo waxa ka baxaa waa suuq madaw oo aan habaysnayn.
Sidaa daraadeed raad raac ma laha oo waxaa saaran caad weyn.
Waxaa kale oo aanan qiyaasi
Karin oo gudcur mooga gooyaale ku jirta l acagta
UDUB iyo
dawladiisa. Wax kalaba iska daa,
kheyraadka bad iyo beri dan ha u
gelin, shirkadaha heshiisyo lala gelay
iska dhaafoo, bal eeg tan la wada arkayo ee ah
garoonkii carruurtu kubada ku cayaaraysa iyo
daaraha qaranka ee la xaraashayo,ee aan
la aqoon wax la kala siistay. Markaa in aan kor xaadsado danbaa
tidhi, aniguba diyaar ummaan aha yn.
Midigtii UDUB buu ku dhacay malabkii doocaan
Ninka meel barwaaqa ah oo aan adeegeedu istabeen oo qaniye wax ka
garoocdaa ee xadaa, sida wadamada qarbiga iyo carrabta, waa
danbiiley. Waxaase ka sii danbi weyn nin meel caydh madaw ah oo
yabyab oo taakulayn u baahan wax ka dayey ee fadhataystay.
Xusbiga talada haya ee UDUB kuma tiirsana qaraamaad laga soo ururiyo
taageerayaashiisa, marka laga reebo ganacsatada iyo nin maalqabeen
ah oo muraad gaar ah ka doonaya dawladda. Kuwaasoo, marna deymiya,
mararka qaarkoodna deeq buuran u fidiya. Weligaa arki meysid,
maqlina meysid lacag xusbiga UDUB loo ururiyo. Isagaaba jagooyin,
xilal barje, iyo gunno u qaybiya taageerayaashiisa, kuna baqamaala
bulshada awoodiisa dhaqaale. Halkaa waxaad ka arki kartaa in
taageerayaasha mucaaridka ah uu culays gaar ahi saaran yahay.
Kordhinta iyo doorasho qabsoomi weydaa dhib kuma hayso
taageerayaasha UDUB, laakiin taageerayaasha axsaabta mucaaridka ah
culays weyn oo dhaqaale ayay ku haysaa.
UDUB muxuu kaga maarmay in ay taageerayaashiisu dhismaha xusbigooda
qaadhaan u ururiyaan sii uu hawl maalmeedkiisa ugu fulliyo, oo ay
ugu badbaado hantida qaranku ee sida gaarka ah ee aan qarsoodiga
lahayn ugu dagaal gelayo?
Xusbiyada mucaaridka ah iyo taageerayaashoodu dhibkasta oo qaranka
soo foodsaarta muwaadiniinta way la wadaagaan, haddii dareen iyo
talo lagaga hortagayo iyo haddii muruq iyo maal lagaga hortagayaba.
Waxay la wadaagaan muwaadiniinta lex jeclada Somaliland loo hayo oo
aan loogu faani Karin. Bixinta cashuurta way ula siman yihiin oo
lagama dhaafo iyaguna ma diidaan. Waxaa kale oo muwaadiniinta kala
siman yihiin, kuwa taageera UDUB iyo kuwa kalaba Adeeg la’aanta,
biyo la’aanta iyo baad la’aanta dalka wada dhammaysay. Ma jiro gobol
gaar ugu faani karaa annaga ayaa adeegyadii asaasiga ahaa wax gaar
la nooga qabtay oo taa awgeed ku taageersan UDUB. Waxaa kale oo ay
kala siman yihiin aragtida siyaasadeed ee ka dhigtay in
guddoomiyayaasha xusbiyadu ku hurdaan dhabta guurtiyada dahsoon ee
beelaha, mid libaax isku sheegta iyo mid shabeel sheegataba, Midhkaa
waa laga siman yahay oo la iskugu faani maayo, marka laga reebo
xusbiga UCID oo aan tuhunsanahay in uu ku seexdo dhabta hooyooyinka
naxariista badan ee nabada jecel, qaafooyinka dumarka, carruurta,
dhallinyarada, dibjirka iyo intay deyrsi guurtida dahsoon ee beeluhu(
Guurti waa Golaha waxgaradka Ragga, Qaafo waa guurtida Golaha
waxgaradka haweenka).
Waxaa intaa soo dhan u sii dheer qaadhanka joogtada ah ee ay la
barbar taagan yihiin barbaarinta xusbiyada qaranka ee curdinka ah oo
ay waajib qaran ay tahay jiritaankoodu.
Waxaa rag isdhaafshey ee lagu kala badiya ma ah xoog, xiniinyo iyo
xoolo gaar oo aleeyahiin murashaxiintu. Annaa kaa bah roon ma ah.
Tiro iyo tayana ma ah. Alla ka cabsi iyo Cibaadeeysi ma ah.
Waxa rag isdhaafinayaa waa dhaqaale. Waa hantidii qaranka oo muruq
iyo maalba
uu xusbiga talada hayaa gaar isku siiyey, keligiina ku takrifal.
Xusbigii loo doortay hogaaminta Qaranku wuxuu u isticmaala danahiisa
gaar ka ah, kala firdhinta Axsaabta mucaaridka ah, iyo siduu u cimri
dheeraysan lahaa, hadduu gabo adeegii qaranka iyo haddii kalaba.
Waa caado Afriki iska leedahay oo ceeb ma ah, laakiin colaada ka
dhalata ayuunbaa Aakhirkana qarankaa naxashka loo saara. Mana qabo
KULMIYE iyo UCID ayaa ka duwanaan lahaa oo siduu UDUB yeelay si ka
duwan la imman lahaa.
Dadweynuhu iskuma raaco ka hortaga mashaqadaa. Ka daba tegna ma
yeelato? Karis xunna way ku wax beeshaa, kii ku horeeya, isaga oo
kursiga isku lulaya, ayaa iyada oo iswada weydey wiida loo ridaa.
Xusbiga UDUB, waa xusbigii ugu horeeyey ee doorasho guud oo
dimoqraadi oo ka dhacda Somaliland loogu igmadey hogaaminta qaranka.
Wuxuu nasiib u yeeshay in uu maamulo hantida qaranka Muruq iyo
maalba. Waxaa loo igmadey in ilaaliyo oo fuliyo distoorka iyo
xeerarka qaranku dhigtay. Waxaa loo doortay in uu ilaaliyo xuquuqda
muwaadiniinta mucaarid iyo muxaafidba. Waxaa loo igmadey in uu
barbaariyo oo hirgeliyo dimoqraadiyada, axsaabta qaranka iyo
dhammaan unugyada hay’adaha dawliga ah ee aasaasmay. In uu horseed u
noqdo axsaabta ka danbaysa ee maamulka kala wareegi karta.
Madaama ay Somaliland la timid, waxyaabo ay kaga duwan tahay
dhammaan dawladaha kale Afrika oo ay iswaafajisay dimoqraadiyadii
reer galbeedka iyo dimoqraadiyadii dhaqankooda iyo shuuradii
islaamka, waxaa laga rajo qabey in xusbigana jidkaa raaci doono.
Hasayeeshee, muddadii la doortay, iyo muddooyinkii ka danbeeyey ee
loo kordhiyey ee la yidhi kaydi badane ha loo gogol badiyo, waxaa
caddaatay in habayaraatee aanu la imman wax ka duwan, wixii qarankii
Somaliyeed ku rogmadey. Tabihii iyo xeeladihii Siyaad Barre ku
fashilmay ayuu miciin moodey. Markuu xilkii la wareegeyba waxaa
abuurmay Guul wadayaal aan shaadhkii cagaaraa xidhnayn, laakiin sita
shaadh marna beeelnimo lagu sibaaqaayo, marna xusbinimo lagu
sibaaqaayo.
Cuddudii Qaranka
Cuddudii qaranka ee ka koobnayd Ciidamada Qalabka sida, Ciidamada
Ammaanka, Ciidanka Nabsugida Qaranka, Cuddudii shaqaalihii
qaranka(Civil Servants) iyo cududii rayidka ee dhammaan adeeg qaran
haysey, oo ay ahayd in ay ka madax banaanaadaan siyaasada xusbiyada
waxay noqdeen qaar u adeega Xusbi keliya iyo qof keliya. Cudduda
Qaranka mashaharkooda laguma bixiyo qaadhaan gaar ah oo
taageerayaasha UDUB laga soo Ururiyey, Madaxweynuhuna Jeebkiisa kama
Masruufo. Mashaharkooda waxaa laga bixiyaa hantida qaranka, kaalmada
lagu helo magaca qaranka, Cashuurta laga ururiyo dadweynaha muxaafid
iyo mucaaridba. Sidaa daraadeed iyagu ma ah in ay xusbiyada la kala
saftaan. Waa in ay hawshooda ku ekaadaan, xusbigii doonaa ha ka
guuleystey hogaaminta eh.
Wasiirada qaranku waa wasiiro ka soo jeeda xusbiga talada haya, la
yaab ma aha in ay ku shaqeeyaan siyaasada xusbigooda, laakiin waxaa
la yaab ah in ay danta guud qaranka ay ka horeysiiyaan danta gaaban
ee xusbigooda.
Wasaaraduhu heer beeleed ma dhaafsana, mana ah wasaarado qaran.
Tusaale ahaan wasiirka wasaaradu arrimaha guduhu u malayn maayo in
uu arkay cadceeda bari ka soo baxda. Wasaaradiisu ma dhaafsiisana
Waqooyiga Hargeysa iyo gobolka Gebeley. Wuxuu socdaalo isdaba joog
ah ku tagaa magaalada Hargeysa iyo tuulooyinka Gobolka Gebiley. Mana
ah shidaalka ku khasirayo mid hawl qaran oo wasaaradeed, waa hawlo
xusbiyeed oo shaadirkii beesha huwan. Weligaa maqli meysid daanta
danbuluq ayuu soo booqday amma gaadhi wasaaradu leedhaya u talaabay.
Xuduudiisa way ka baxsan tahay oo wasiir kale ayay halkaasi u
suntanatahay. Ma waxaynu odhan karnaa wasaaradu xil uma hayso dalka
intiisa kale.
Tusaale kala Wasiirka Wasaarada hawlaha Guud wuxuu shidaal badan ku
kharash gareeyaa gobolka Oodweyne oo uu had iyo jeer ku laba noqdaa.
Wasaaradiisu dalka intiisa kale miyaanay shaqo ku lahayn. Xil
wasaaradeed ma jiro oo waxaa lagu jiraa hawl xusbiyeed huwan
shaadirkii reerka. Labada wasiir socdaaladooda wax gaar ah oo ay ugu
qabtaan gobolada ay suntadeen ma jiro, weliba dhaqaale ayaa looga
raadiyaa Xusbiga UDUB, Suuryo iyo culays dhaqaalana u sii dheer.
Labadan tusaale ayaan u soo qaatay ee waa sidaas oo miidhan
wasaaraduhu. Waxaa halkaa ka cad in aannu jirin adeeg dawladeed oo
kormeer loo tagaa wadanka oo dhan.
Waxay gaadh ka hayaan wasiiradu bal beeshii in ay ka xuubsiibatey
UDUB oo ay meel kale u diga rogatey iyo inkale. Miyaanay ka qurux
badnaateen in Gobolkasta wasaarad loo sameeyo, wiilkooda u durbaan
tunta.
Cuudkii Qaranka Bad iyo Beriba
Cuudkii Qaranka Bad iyo Beriba isaguna wuxuu gacanta u galay xusbiga
UDUB. Ummadda wuxuu mugdi ka galay habka Dawladda Somaliland ay u
maamusho Cuudkii ilaahay ku manaystay. Heshiisyada lala gala
dawladaha iyo shirkadaha danaynayaa kheyraadka badda iyo berrigu waa
qarsoodi oo xiitaa Golaha wakiilada waxba kalama socdo. Dekedii
Berbera ee la tartameysey dekeda Boosaaso iyo Dekedda Jabuuti way
shiiqday. Cuudkii laga dhoofin Jirey, xoolihii noolaa waxaa laga
doorbiday in bacdka giriyaad laga hayaamiyo. Xal kaa dhaama lama
waayin ee dana gaar ah ayaa sidaa loo yeelayaa, dad gaar ah iyo
xusbigaa lagu dhaqqalaynayaa. Doonyaha Jabuuti waxay tuban yihiin
Berbera iyo hareeraheeda, Kulluunkii ayay daabulayaan, dilaal way
bixiyaan oo kuma baaqdo, laakiin Ummaddii lahayd waxba kama soo
galaan. Marmarsiyaha ugu weyn oo lagu xalaashada in sidaa loo
maamulo waa aqoonsi la’aan, bay leeyihiin. Nin sidaa ku dhergey iyo
suuqaa madaw ictiraaf ma raadinayaa.
Awoodii Dawladeed
Awoodii dawladnimo ee heer degmo, heer Gobol iyo heer Qaran ahayd
dhammaan waxay gacanta u gashay oo aan cidina la wadaagin Xusbiga
UDUB oo hantidoodii uu loolanka ku galayaa. Waxay shidaal iyo
gaadiid leedahaayeen iyo golayaasha deegaanku waxay u adeegaan
ololaynta Xusbiga UDUB. Waxay xoojiyaan Muruq iyo maalba Xafiisyada
UDUB ee Gudaha dalkii iyo Dibadaha ka furan. Safiirada ay magacawdo,
axsaabta dhexhdhexaad umma ah, waa loo kala dhaw yahay. Axsaabta
mucaaridku malaha awood dhaqaale oo xafiisyadooda gudaha iyo
debedaba ay ku xoojiyaan. Gadiid iyo shidaalka qaranka iyagu waxba
kuma laha.
Cudduda Qurba joogta iyo reer Miyiga
Cududa qurba joogta iyo Cudud reer miyigu waa labada cudud ee dalka
u ah laf dhabarta dhaqaalaha, waa kuwa lacagta adag dalka soo geliya.
Cududa reer miyigu waa ta cad iyo caano magaalooyinka ka dhergisey,
dhuuniga la quuto, saraca iyo midhaha waa ta ku tacabta. Siday dalka
ugu lisaan looguma hanbeeyo. Waa cududa ilaa maanta Ceelna u qodnayn
ciddina u maqnayn, wax soo saarkoodiina UDUB ayaa gaar u yeeshay.
Cudduda qurba joogtu waa cududa ay Somaliland xagooda ka liici
weydey. Waa cudduda dadka masruufta. Waa cudduda dalka maalgelisa ee
shaqooyin abbuurta.
Cudduda qurbajoogtu iyada oo aan la kale reebeen muxaafid iyo
mucaarid, markay ka degaan madaarka Hargeysa dhammaantood waxaa laga
qaadaa cashuur lacag adag ah oo ku filan mashaharka cududa
shaqaalaha ee sida gaarka ah ugu adeegta xusbiga UDUB, ee diidey in
ay siyaasada axsaabta dhex ka ahaadaan amma dibada ka joogaan,
maadaama wax ummadda ka dhexeeya ay maamulayaan iyagana laga
masruufo. Masharkooda Ummadda ayaa bixisa ee ma bixiyo urur gaar ahi.
Intaas oo dhaqaale, cudud iyo awoodood markay uu xusbiga UDUB gaar
ah u adeegtey, waxaa fududaatay in la iska beel maro xeerarkii,
distoorkii qaranku u codeeyey. Waxaa fududaatay in lagu tunto
golayaashii sharci dejinta ee dadweynuhu soo doortay oo haatan ku
dhawba in ay hawlgab noqdaan. Waxaad moodaa in la suuxiyey oo irbad
lagu mudey.
Ururka xoogaa leh ma u malaynaysaa in ay ka madax banaanayaan
guddiga doorashooyinka iyo Guddiga anshaxa doorashooyinka. Anigu u
malayn mayo in wixii damal diley oo dameer leegi ay ka badbaadayaan,
oo ay samayn karaan doorasho bed qabta. Waxaa Golihii Wakiilada ee
dadweynuhu soo doortay ee aqlabiyadiisu mucaaridka ka soo jeeddey,
waxay muxaafid u wada noqdeen, wax sahlan ma ah.
Xusbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye
Xusbiga mucaaridka ah ee Kulmiye dhaqaalihiisu wuxuu ku tiirsan
yahay xubnaha taageerayaashiisa oo keliya. Naqdi intay dhan tahay ma
garan karo. Laakiin waxaan garan karaa in aanu awood dhaqaale kula
tartami Karin Xusbiga UDUB. Wuxuu ka dakhli badan yahay Xusbiga UCID.
Xusbiga Kulmiye Madaxdiisa waxaa ku badan ashkhaas magacoodu dheer
yahay oo ku soo caan baxay halgankii hubaysnaa iyo weliba
siyaasadihii Somaliland ee murugsanaa ee ka danbeeyey. Xubnahaa
magaca dheeri xusbiga dhib iyo dheefba way u leeyihiin. Dad ka dida
iyo kuwa ku raacba way leeyihiin. Waxay adeegsadaan siyaasada Guurti
dahsoon heerkay doontaba ha ahaatee jilib iyo beelba. Laakiin lama
yaqaan in dhaqaalaha ay magacooda iyo jilibadooda ku ururiyaan in
meel la iskugu geeyo iyo inkale. Sikastaba ahaatee taageerayaashoodu
waxay guteen wajib qaran, mase hayaan dakhli ay kula tartami karaan
xusbiga talada haya,iyo cudduda shaqaalaha ee isaga taageerta.
Xusbiga UCID
Waa xusbiga dhaqaalo ahaan ugu tamarta iyo taagta daran, haddana
cidhiidhi geliyey labada xusbiba. Guurtiyo dahsoon oo gaar ah oo
dhaqaale u ururisaa ma leh. Ganacsatadu umma soo joogsato oo waxay
ka baqaan guurtiyada dahsoon ee beelaha UDUB iyo KULMIYE iyo weliba
dawladda oo dano kaga xidhan yihiin. Madaxda xusbigani waa aqoon
yahano aan siyaasada aabahay goblanta hore ugu soo caan bixin,
laakiin garaakooda gaar ahaaneed iyo tabahooda cusub wata. Ma ah
hebeladii reeruhu hore u yaqaaneyn ee dagaallada sokeeyaha iyo dirir
qabiileyd ku caanbaxay. Sidaa daraadeed way adag tahay siday u soo
jiitaan dhaqaale buuran. Si kastaba ha ahaadaana wuxuu ku socdaa
qaadhaanka taageerayaashiisa, oo doonaya in la helo isbedel dhab ah.
Waxay doonayaan in laga gudbo hab dhaqankii siyaasadeed ee hore
innoo soo daashadey, iyo hebel hebel ku bedel.
Qaybta
4aad
Dimoqraadiyad dhaqaale iyo awoodbaa biisay ee Maxaa dan ah Maxaa
daran?
Nin faraskii qaranka keligii heensaystay iyo lugtan raacday faraskaa
ee luunku garawacay isqaniinee, tolow yaa u gar niqi doona?
Wuu Socdaa
Haamud Duale
huluuq@hotmail.com
|