Mowqifka Dalalka Geeska Afrika ka Taagan Yihiin Qaabka Somaliland
uga Qaybgalayso Shirka London

“Waxaannu isla eegnay mowqifyada laga qabo shirka arrimaha
Soomaaliya lagaga hadlayo ee bi shan ka dhacaya magaalada London oo
si gaar ah loogu martiqaaday Jamhuuriyadda Somaliland”
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland
Hargeysa (TNN)- Dalalka ku yaal
mandaqadda Geeska Afrika, ayaa soo bandhigay mawqifkooda la
xidhiidha shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee dabayaaqada
bishan ka dhici doona mag aalada London iyo qaabka Jamhuuriyadda
Somaliland uga qaybgelayso shirkaas.
Wadammada Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti,
ayaa xukuumadda Madaxwe yne Siilaanyo u caddeeyey aragtiyahooda ku
saabsan qaabka dawladda Ingiriisku shirka London ugu casuuntay
Somaliland oo ah in aanay qayb ka ahayn khariidada nabadda (Roadmap)
ee xasil loonida loogu raadinayo dalka colaadaha iyo dhibaatooyinku
ragaadiyeen ee Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
oo ka soo laabtay shalay socdaal diblomaasiyadeed oo uu ku soo maray
dalalka Itoobiya iyo Kenya, ayaa Jamhuuriya u xa qiijiyey in
waddamada jaarku soo dhaweeyeen ka qaybgalka Somaliland ee shirka
London iyo sifa ha dawladda Ingiriisku u martiqaaday oo ah in aanay
la meeqaam ahayn dhinacyada Soomaaliya ee shirka loo qabanayo.
Wasiirka Khaarajigu waxa uu sheegay in socdaal diblomaasiyadeed oo
wefti Madaxweyne Siilaan yo hoggaaminayey ku soo mareen dhowaan
dalalka Itoobiya iyo Jabuuti uu ahaa mid la doonayey in qaddiyadda
Somaliland lagaga dhaadhiciyo dalalka jaarka iyo sidii loo ogaan
lahaa mowqifka wa ddamada Geeska Afrika ka qabaan shirka arrimaha
Soomaaliya lagaga hadlayo ee 23ka February 2012 ka dhici doona
magaalada London, waxaannu xusay in booqasho arrintaas la xidhiidha
uu ku tagay magaalada Nairobi, isla markaana kulamo la yeeshay
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Mr. Moses Wetangula iyo wasiirka
dawladdaas u qaabilsan arrimaha bariga Afrika.
“Ujeeddada socdaalkayagu wuxuu ahaa socdaal diblomaasiyadeed si
aannu u ogaano afkaaraha dalalka jaarku ka qabaan shirka London iyo
sidii Somaliland qaddiyaddeeda uga dhaadhicin lahayd waddamada
dariska ka hor inta aan la tagin shirka London, waxaanan ka mid ahaa
weftigii madax weynuhu hoggaaminayey ee booqashada ku tagay dalalka
Itoobiya iyo Jabuuti, iyadoo aan anig una u sii dhaafay dhinaca
waddanka Kenya.
Waxaan la kulmay wasiirrada arimaha dibedda waddamada gobolka, gaar
ahaan Itoobiya iyo Ken ya, waxaanuna isla eegnay mowqifyada laga
qabo shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee bishan ka dhacaya
magaalada London oo si gaar ah loogu martiqaaday Jamhuuriyadda
Somalila nd,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Mar la weydiiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda aragtida dalalka jaarku
ka qabaan shirka London iyo waxa ka soo baxay kulamada uu la yeeshay
masuuliyiinta waddamada uu booqashada diblomaasi yadeed ku soo maray,
waxa uu ku jawaabay; “Mowqifka dalalka jaarku ka qabaan shirka
London waxa weeye in shirkaasi yahay fursad qaali ah oo wax lagaga
qabanayo dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya, aad bayna dalalka
jaarku u xiisaynayaan shirka London, waxayna u arkaan ta llaabo
xagga fiican loo qaaday oo wax lagaga qabanayo murugga siyaasadeed
ee hadheeyey Soomaaliya, mustaqbalkana nabad lagaga dhalin karo
Soomaaliya, iyagoo dalalka dariska ah arka in lala qaybsanayo
dedaalka nabadda loogu raadinayo Soomaaliya oo weliba ay arrintan
soo farogelisay dawlad weyn oo dhaqaale iyo imkaaniyaad xooggan u
haysa sidii wax looga qaban lahaa mushkiladaha muddada soo taxnaa ee
Soomaaliya.
Waxa kaloo socdaalkayaga nooga soo baxay in waddamada jaarku ay soo
dhawaynayaan sifaha dawladda Ingiriisku u martiqaaday Somaliland iyo
qaabka aynu shirka London uga qaybgalayna ba, waxayna dalalka jaarku
u arkaan ka qaybgalka Somaliland ee shirka London siyaasad bisil oo
dhinaca fiican u socota, wasiirrada iyo diblomaasiyiinta aannu la
kulanayna waxay nagu hambaly eeyeey mowqifka Somaliland ka qaadatay
inay ka qaybgasho shirka London, iyagoo u arka in So maliland wax
badan ka gaysan karto dedaalka dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo
beesha caalamk uba ugu jiraan sidii xal loogu heli lahaa
dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya,” ayuu hadal kiisa ku soo
xidhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
source:Jam
|