Mooshin Xasaasi Ah Oo Kala Qeybiyay Golaha Guurtida Somaliland Oo Dib Loo Dhigay

 


Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Mooshin xasaasi ah oo kala qeybiyay Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, oo ay Golaha horkeeneen 19 Mudane oo ku saabsanaa in laga noqdo go’aankii Komishanka doorash-ooyinku ay ku laaleen diiwaan gelintii codbixiyeyaasha isla markaana ay ku dalbanayeen in xukuumadu ay fuliso go’aan hore guddi ka tirsan Aqalkaasi ay ka soo saartay dirirta Ceel-bardaalle, ayaa maanta la hakiyay.

Ka dib markii koox Mudaneyaal ahi ay sheegeen in gudo-galka mooshinkani uu si weyn u kala qeybinayo midnimadii iyo wada jirkii Golaha xiligan xasaasiga ah.

Fadhigii maanta oo Mudaneyaashu isu soo habar wacdeen ayaa waxa ka soo xaadiray 69 Mudane, waxaana Guddoominayay Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

Md.Axmed Xasan Saalax oo ka mid ahaa Mudaneyaashii ergada ka galay si loo hakiyo mooshinkan oo ay ka baqeen inuu khilaaf weyn oo hor leh ka abuuro Golaha, oo fadhigii maanta ka hadlay waxaanu yidhi “Shir-gudoonka iyo Mudaneyaasha Golaha Guurtidaba waxaan ku salaamayaa Salaanta Islaamka, intaasi ka bacdi shirgudoonka Golaha waxaan u soo jeedinayaa golahan wuxuu ahaa golihii qaranka u sareeyay ee marjaciisa ahaa ee marka khilaafaad Somaliland soo galo Golahihii ambiilka (Racfaanka) loo qaadan jiray, haddana waxaad moodaa inuu kala qeybsan yahay oo xisbiyadii ku milmay taassna looma baahna. Waxa loo baahan yahay si qaranku u badbaado in Golahani sidii uu ahaan jiray uu ahaado.”

“Tallada colaada nin walba lama geliyo, laakiin tallada nabada nin walba waa la geliyaa,waxaan shir-gudoonka aanu ka codsanaynaa in mooshinkii aanu soo dhignay ee aanu soo qornay dib naloogu dhigo, Goluhuna dibada ku soo heshiiyo, oo sidii uu Goluhu ku heshiin lahaa uu shir-gudoonku ka talliyo,”ayuu yidhi Md Axmed Xasan.

Md. C/raxmaan Axmed Aareeye, oo isna ka mid ahaa Xildhibaano is xil  qaa may oo doonaya in wada hadal lagu dhameeyo khilaafaad muddaba soo  jiit amayay oo uu dhaxeeya Mudaneyaasha Guurtida, ayaa sheegay in  hak inta mooshinkan ay iyagu dalbadeen isla markaana ay maalmaha soo socda Guddiyo ka saari doonaan Mudaneyaasha, waxaanu tilmaamay in dhawaan la soo af-jari doono khilaafaadka golaha ka aloosan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo  fadhig an gudoominayay ayaa sheegay inuu hakiyay mooshinkii ay 19 Mudane u  s oo gudbiyeen Golaha ee la xidhiidhay in laga noqdo go’aankii Komishanka  d oorashooyinku ay ku laaleen diiwaan gelintii Codbixiyeyaasha isla markaana la fuliyo Go’aamadii ay laba bilood ka hor ay Guddi ka tirsan Guurtidu ka soo saartay shaqaaqadii Ceel Bardaalle.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay Mudaneyaasha is xil qaamay ay fursad siinayaan ilaa Salaasada waxaanu u soo jeediyay inay warbixin dhammaystiran golaha horkeenaan.

 


Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office/Somaliland