Mooge Festival Julaay 22-26, 2009 Ka warran Maxamed Moogee Liibaan!

 

Maxamed Mooge Liibaan (AHN) waxa uu ahaa abwaan, aqoonyahan, bare, muf aker miyuusig yahan, halgame, indheergarad iyo in kale oo badan. Waxa uu ahaa bulshaawi asxaab badan.


Haddaba adigu aqoon ma u lahayd Maxamed Mooge Liibaan? Jid ma la martay, jidiin ma la cuntay, jabad se ma la degtay?


Weli sheeko ma is weydaarsateen? Kaftan ma idin dhexmaray? Xusuus gaar ah oo aad ka sheegi karto kartidiisii, suugaantiisii iyo farshaxannimadiisii qof haya ma tahay? Wax ma ka ogtahay dabeecaddiisii, haddaad ku taqaannay iin bini’aadmi, waxa dhibi jiray, waxa uu u riyaaqi jirey.

Ma haysaa maqal ama muuqaal uu Maxamed Mooge Liibaan ka hadlayo, ama isaga lagaga hadlayo? Sawir uu ku jiro ama aad kula jirto miyaad haysaa?
Haddii aad u malaynayso in aad noloshii, halabuurkii, kartidii iyo hadafkii Maxamed aad wax ka hayso, sheeko kooban ka dhiiban karto ama si uun wax uga tilmaami karto; wuxuu ururka Kayd ee hiddaha iyo farshaxanka Soomaalidu soo bandhigayaa xaflad loogu magacdaray Mooge oo 22-26 Julaay 2009 ka dhici doonta magaalada Hargeysa.


Hadda ba waxa aannu marti kaaga nahay in aad nooga warranto Maxamed Mooge Liibaan. Haddii xitaa maalin kaftan gaaban uu idin dhexmaray ha nagaga masuugin, bulshada na ha kaga masuugin.


Ka warran Maxamed Mooge Liibaan oo ku soo hagaaji warkaaga

ayan_mahamoud@kayd.org ama ayaan_ashour@yahoo.co.uk
Warbixin faahfaahsan ah ka eeg: www.kayd.org

 

 

 

Ayan Mahamoud
Managing Director
UK Tel: 0044(0)7903712949,
Somaliland 002522 4022737
Email: ayan_mahamoud@kayd.org