MIYAANU WAX MAQAL XOGHAYA UDUB MISE M/W EYNE KU-XIGEENKA AYAA QAR JAFFAAYA

 

Oday ayaa laga hayaa "Carr yaan inankaa arkin oo aan qoslin." Waxa aan uga socdaa Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB ee mar kasta oo uu dibnaha furo ku hadaaqa tabahii iyo xeeladahii u guntanaa ee uu Jabuuti kala yimi. Kuna jira difaac, dhego iyo indho toona lahayn.

Miyaanu ogayn aduunkan aynu ku noolahay inay ummadahu kala dhaqan yihiin,kala siyaasad yihiin,hab-dhaqanka xisbiyada aduunkuna kala duwanyihiin. Waxa ka muuqata Xogahayaha guud ee UDUB Mudane Jamac Yaasiin inaanu la jaan qaadin hab-dhaqanka xisbiyada qaranka ee dalkan Somaliland. Waxaanu adeegsanayaa tabcooyinkii uu kaga dhaqmi jiray Jabuuti oo aan JSL ka hana qaadi karin.

Jawaabta ay ka maqantahay miisan-siyaasadeed ee uu kula xambaaroo day Mudane Ahmed Mohamed H.Bidaar Suldan oo ahaa xubinta  komishan ka doorashooyinka ee damiirkiisa muslin-nimo,wadani-nimo siin waayay inuu ku milmo musuq-maasuqa iyo u adeegga xadista diiwaangelinta ee UDUB ku laaluushtay Gudoomiyaha komishanka Mudane Jamac Sweden ayaa waxay lid ku tahay caddaynta uu M/ku-xigeenku Mudane Ahmed Yusuf ku qiray shirkii jaraaid ee uu qabtay 7.709, inay jirto musuq-maasuq dalka ku baahay.

Mudane Ahmed Mohamed taas ayuun buu diiday inuu ku milmo,waana dhab oo caruurta ayaa ka war haysa inuu xisbiga UDUB waqti ku qaatay marmarsiiyo ah inuu  soo dersaayo qodobada anshaxa doorashada ay ka sugayaan komishanka ee labada xisbi mucaarid diyaarka u ahaayeen in lawada saxeexo. Bal arrinkaas uu sida xishmo laŽaanta ah u beeninayo miyaanu afkiisu ka xishoonayn ummada ka sugaysa hirgelinta qodobada xisbigoodu ku galgalanaayo ee uu xogahayaha ka yahay.Mise way-naan ogayne dalkani waa gobol Jabuuti ka tirsan!

Xoghayaha guud ee UDUB Mudane Jamac Yassiin waa haad geed uu fadhii sto  waayay oo isaga goosha laba dal.Eedaynta uu labada xisbi kula gurguuranayo ee uu leeyahay iyagaa caqabad ku ah hirgelinta doorasha du waa difaac aanu rasaas u haysan, waxaanu lid ku yahay caddaynta uu M/ku-xigeenka Mudane Ahmed Yusuf ku iftiimiyay shirka jaraaid ee uu lahaa "


Hargeysa (Ogaal)- “Muddada (Doorashada) muddo ha lagu daro, kollay waxa la odhanayaa Xukuumadda dalbatay oo anagaa ku eedaysane."


Haddaba Xoghayaha guud ee UDUB miyaanu ka war qabin madaxda  xisbig iisa ee dalkan hogaanka u haysaa hab-socodka siyaasadda ee ay ku  dhaq maan mise Jabuuti ayuu taarku ugu xidhanyahay,waxaanu fuliyaa arrimo iyo tabo dahsoon oo Ina-Geela u soo guntay.

Maanta waxa shacabka Somaliland ogyahay inuu xisbiga UDUB ku fashilmay:

1.Hirgelinta waqtigii doorashadu ku ekayd,4jeerna dib loo dhigay.
2.Shaqo abuur.
3.Kobcintii dhaqaalaha.
4.Darajada Ciidamada.
5.Fidinta maamulka dawlada.
6.Fidinta lacagta Somaliland.
7.Xaqiijinta ictiraafka.
 


Marka waxa la yaab leh oo is-weydiin mudan difaacan uu mar kasta ku jiro Xogahayaha guud ee UDUB Mudane Jamac Yassin miyaanu is-maqal mise M/ku-xigeenka ayaa qar jaffaaya.



Allahayaw dadkan iyo dalkan madax khayr qabta u door.



Hussein Badmah