Miyaanay ismaqal Kuwan ku hanjaba Mujaahidiinta Kulmiye

 


Muwaadiniyiinta Somaliland meel kastooy joogaan ramadaan kariim.

Hadaan isu arko inaan keliday dalkan soo xoreeyay waxaan xaqirayaa dhamaan mujaahidiintii u soo halgantay xoraynta dalka inta nool iyo inta nafdoodii ku waydayba.

Dadka qaar ayaa markay fikradahooda xisbiyada ka tarjumayaan ku hanjaba xubnaha Kulmiye waa raggii dalka xoreeyay.Tolow dalkan miyaanay cid kalaba u soo halgamin,tolow goormuu Kulmiye gaar u yeeshay ururkii dib u xoraynta dalka ee SNM!

Aragtida fayaw waa wax ay ka xishooto inay mar kasta ugu hanjabto muwaadiniyiinta iyo mujaahidiinta SNM ee aan ka tirsanayn xisbiga Kulmiye.Miyaanay inna tixgelinayn muwaadiniyiinta iyo mujaahidiinta SNM ee aan ka tirsanayn Kulmiye aragtida ay ka qabaan kooxda mujaahidiinta ku loolamaysa hogaanka Kulmiye.

Waxaan raggaa hanjabaadda qaawan la soo booda xasuusinayaa kooxda maanta muranku ka dhex aloosmay ee Kulmiye ay ku taarikhaysanyihiin dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.Waa raggii ku caan baxay amar ku taalaynta dagaal oogidda sokeeye.Taariikhdu ma lunto,hadii ay se idinka
idiinku jirin taariikhda ogaada shacabka badidiisu inay buugaagta ugu jirto.Ayadoo sidaa ay tahay ayay mujaahidiinta kale ee SNM iyo muwaadiniyiinta
aragtida fayaw qabaa ka xishoodaan wax ka sheegga odayaashaa maanta ku dhaadanaysaan ee hogaanka Kulmiye ku muransan.

Markaynu dib ugu laabano halgankii dheeraa ee dalka lagu xoreeyayna ogaada inay taariikhdaasina qorantahay, carqaladihii ururka SNM soo marayna way taariikhaysanyihin ee yaan gaar shaal dusha laysaga saarin.

Waxaan u arkaa dalka inay nabad laysku raacay ee aan cid gaar ahi gooni u saxeexin,Somaliland-na ahayn xero cidii la doono laga saarayo.Cidii doontaana qasab ku hogaamin doonto.Xisbiyada waxa loo sameeyay im loo sinnaado hogaaminta dalka,doorasho xalaal ahna lagu kala hadho.Laguna qanco cidii ku soo baxda.

Marka xisbiyada loo ololaynaayana halaga fogaado eedaynta shaqsiga ah ee hogaamiyaasha lagu talax tegayo,waxaana haboon in lagu ekaado xisbi kastaaba isbedelka uu ku talo galay in la soo bandhigo,ka hogaanka hayana lala xisaabtamo waxqabadkiisii iyo dib u dhaca uu dalka ku ooday.

Hadaba miyaanay ismaqal kuwan ku hanjaba mujaahidiinta Kulmiye waa kuwii dalka u soo halgamay! Miyaanay ogayn mujaahidiinta kale inay xubnahaas aragti kale ka qabaan.

 



Ramadaan kariim.


Hussein Badmah