Milicsiga jaraa-idka Yurub iyo waxay qoreen
 

 

1-Subject: Milicsiga jaraa-idka Yurub iyo waxay qoreen.


Volkskrant ( war-sidaha dadwaynaha): Oo ka mid ah jaraa-idada loogu akhriska badan yahay dalka Holland, ayaa si aad ah u qaadaaa dhigay midawga yurub iyo wareejinta xilka gudoomiyenimo, ee dhawaantan lala kala wareegay, waxay faaladeeda ku dheeraadeen kana sheekeeyeen madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Zargozy iyo intii uu hayay jagada Gudomiye-nimada midawga Yurub oo ahayd 6- bilood kuna dhamaatay 31-12-2008-dii, jaraaidku isaga oo si ka bogasho leh u faahfaahinaya waxqabadka madaxweynaha Faransiiska Nicolas Zargozy wuxu ku tilmaamay in uu yahay, nin hawl kar ah oon ka daalin baylahda uu u xayto, daacad ah isku soo jiid jiid iyo isku soo dhawayn ku dhameeya arimaha, badheedha iyo go' aan qaadhasho hufan leh iyo weliba isaga oo ay yidhaahdeen waa nin Arin keenis iyo qaadasho labadaba lagu manaystay. Waxa uu soo qaaday jaraa-idku oo uu weliba carabka ku adkeeyay in intii madaxwenaha faransiisku hayay Jagada Gudoomiyenimo ee midawga Yurub, inuu kiciyay magacii Yurub oo weliba uu xoojiyay dheg-samaantii ay Yurub ku dhex lahayd Aduunweynaha, taasina ay ka dhigtay madaxweynaha nin mudan in la qiro amaantuu mudan yahay..

Waxyaabaha lixdii bilood ee uu Gudoominayay Hogaanka Yurub la soo darsay ee uu sida caaqiibada leh uga soo mudhay waxa ka mid ah,-

- Dhaqaalaha aduunka ee hada dhaawaca wayni soo gaadhay Caalamka badankiisa, oo uu u tafaxaytay inaanu Yurub ( dalalka iaku lacagata ah ee yuuroda qaata) saamayn wayn ku yeelan, taasi oo talaabooyin iyo talooyin uu qaaday ka badbaadiyeen dadka iyo dalalka reer Yurub inaanay qalbijab iyo werwer wayn ku dhicin, oo uu u calool adaygay.

- Dhexdhexaadin uu ka galay dalka Ruushka iyo dalka Joorjiya oo ay ka dhex alloosantay xaalad shaqaaqo oo mararka qaarkood la iskula tagay gacanta, waxa uu ku soo dabaalay arintaa murugtayna in si caqli ku jiro lagu raadiyo xalka, halkaasna waxa uu ku guulaystay inaanay sii fidin colaadii, waxana la aodhan karaa waa uu ku gullaystay inuu bakhtiiyo hollacii ka baxayay.

- Dalka Eerland, oo uu isna ka galay Olol wayn oo ah inay ku soo biiraan bahda Yurub ee isku lacagta ah, taasi oo hadhaw saamayn wayn ku yeelan doonta qaab dhismeedka hogaaminta Yurub iyo xaaladaha dhaqalaha labadaba, iyana meel fiican ayuu gaadhsiiyay hawsheedii intaanu ka dhamaan xiligiisii.

Arimahaasi waa arimaha ay aadka ugu amaaneen Jaraa-idkani madaxweynaha dalka Faransiiska, mudane Nicolas Zargozy, oo durba muujiyay inuu daba socdo madaxweynayaashiii hore ee dalka Fransiiska ee ruugcadaayada ahaa sida, Charles de Gulle, Francois Mitterraand iyo Jaques Chirace I W M.

.............................................o.....................................................................
.
2- Spits, Jaraa-idka magaciisa la yidhaahdo ( Spits ) ayaa isna waxa uu soo qoray sheeko aad ii soo jiidatay qof ahaan, oo ah Tigidh Bakhti-yaa nasiib ah oo qof bukaan ahi uu abaal marin ahaan u siiyay, kalkaaliyaashiisii caafimaad oo ka shaqeeya Cusbitaal ku yaal dalka Holland magaalada Alkmaar, Tigidhkaasi oo markii bakhtiyaa nasiibkii la ciyaaray ee la sheegay cidii wax ku guulaysatay, ka mid noqday tigidhadii cawada yeeshay oo helay lacag dhan, 25, 000 ( shan iyo labaatan kun) oo lacagta yuurooda ah, waxase isla amarkiiba diiday in lacagtaa ay calfadaan kalkaaliyayaasha caafimaadka Cusbitaalka Alkmaar, ururka iskutaga kalkaaliyayaasha iyo daryeelika bukaanka, oo sheegay inay tahay wax ka soo horjeeda waxay ugu yeedheen '''beroepscode'' , xeerka shaqada, taasi oo ah inaanay shaqaalaha caafimaadku haba yaraatee wax hanati ah ka qaadan bukaanka, jaadkay doontaba ha ahaatee, hadii ay ka qaataan waxuun haba ayaraatee, waxay noqonaysaa shaqaalahii oo la iibsaday '' laaluush qaatay !!~. Xataa deeqda ayaan la ogolayn, Bal maxaad Afrika u malayn iyo meeshii Somaliland, ma aka dhici baad u malayn taasi ?? !!.

........................................0..............................................................................

3- Waxa iyana war-isgaadhsisinta beryahan hadhaysay Dagaalka aan garta iyo dawga-toona ahayn ee dhanka ka raran ee ka dhacaya Gaasa ( faalastiin), hadaba barnaamij la yidhaa NOVA, oo dhgacdooyinka cusub lagu faaleeyo oo aadna loogu lafoguro, oo warka 10-ka habeenimo ka danbeeya ee Tv-Nederland 3, ayaa waxa ka mid ahaa martidii lagu soo casuumay Habeen hore inay ka qayb qaataan malahoodana ka dhiibtaan, nin ka mid ahaa siyaasiyinta ugu culus ee dhawaanahan soo martay Yurub, oo ahaan jiray was, arim, dibada ee Holland iyo weliba isutaga Yurub, aadna loo tixgaliyo oo magacaiisa la yidhaa Hans van den Broek, siyaasigaasi oo si adag u weeraray falalka aan arxanka lahayn ee ka dhacaya Gaza, sheegayna in Caalamku eedeeda leeyahay, isaga oo sii raaciyay in Israa-iil ay isku halayn qabto oo ay ogtahay inaan cidi waxba ku samaynayn, haday waxay doonto samayso, waa sida uu isagu yidhiye..
 

 

 

 


Cali Cumar Xasan