Miisaanka
Cadaaladda (scales of justice)
Waxa aaan halkan
donaya in aan ku falenqeeyo ama ka faaloodo dhacdooyin
isku xigay oo dhaw aan ka dhacay Somaliland. Hadaba
marka bel aan eegno xuduuda u dhaxaysa xuquuqda uu leey
ahay muwaandinka Somalilaannderka iyo dambiga uu ka gali
karo xornimada iyo gooni isu taga S omaliland.
Ninwal oo somalilaander ahi waxaa uu xaq u leeyahay in
uu dalkiisa ama dalal shishee ye ah kunoolaankaro
kana shaqaysankaro, haddii aanay shaqadiisaasi wax u
dhimayn xornimada iyo gooni isu taiga Somaalilaand.
Haddaba aan dib ugu soonoqdo nuxurkii dhacdooyinkii isku
xigay ee ka dhacay Somalilaand dhaw rkii bilood ee
ugu dambeeyey. Marka hore aan soo qaato Cisman Jama
Cismankaloon oo ahaa nin u dhashay Somalilaand, hase
ahaatee ahaa nin geed sare iyo geed hooseba u fuulay is
hortaaga gooni isutaaga iyo xornimada Somaliland. Xilal
culculusna ka qabtay Dawladihii kala dambeeye ee laga
dhisay dulka Somalia. Taasi waxa ay Cismaankaloon ku
cadeeynaysa in uu yahay dambiile u guntaday is hortaaga
xornimada dalkii uu u dhashay ee Somalilaand, yahana
dambiile aan la aam in Karin (Traitor). Inkasta oo
uu golaha wakiilada iyo golaha guurtiduba isku raaceen
oo ay ansixi yeen in ninka Somalilaanderka ah ee
ka gayb qaata shir ama maamul wax yeelaya xurnimada iyo
gonni isutaaga Somalilaand uu yahay dambiile ah
khaayimal wadan ah(Traitor), waajibkiisuna uu yahay
ninka caynkaas ah mark uu dalka cagaha soo dhigo in
xabsiga lagu hubsado maxkamadna si degdeg ah loo saaro.
Hase yeeshee ayada oo
ay taasi jirto ayaa Cismaan kaluun
isaga oo aan cidnaba waydiisan wax cafis uu aayar ka soo
degay mandaarkii Hargeysa duhur cad, shirarna u ku
qabtay Hargeysa dhe xdeeda. Oo aan laba cali is weydiin
sidii ay u dhacday.
Dhacdada laabaad ee ku xigtayna waa
Maxamuud Cabdillaahi Jaamac
(Sifir) oo isna ah nin u dhas hay
Somalilaand kana mid ahaa nimanka ugu kul kulul ee si
cad isgu dayey in u is hortaago xorni mada iyo
gooni isutaaga Somalilaand si badheedha ahna ugu
dhawaaqay in aanay waxba ka jrin gooni isutaaga
Somalilaand isaga oo ah Raisal-wassara ku xigeenka
Somalia, maantana ah xubin
ka tirsan Gudida isu keenka iyo
dib u abaabulka Somali-Weyn, ayaa isaga oo aan ka
bixn iskana ca silin xilkii uu u hayey Maamulka Sh.
Shariif ee Somalia, yaa inta uu soo codsaday cafis, uu
Madaxw eynaha Somalilaand Axmed Moxamed Maxamuud
Siilaanyana si deg deg ah uga aqbalay, una fidiy ay
cafis uu ku sooraaray Digreeto Madaxtuuyo. Taasina ay
siisay Sifir in uu ka soo dego Mandaar ka hargeysa.
Hadaba waxa is
weydiin lihi waxa weye, ma sharcigii labada Gole
ansixiyeen, ayaa la tirtiray, mise dadka ayaan u sinayn
sharciga oo qaarna wuu qabtaa qaarna ma qabto. Sidaa
waxaan u idhi wa xa jirtay in laba Suldaan oo ka mid ah
Salaadiinta beelaha Somaliland hore loogu xidhay
ka qayb gal ay ka qaybgaleen
shirkii Somali-Weyn ,ee lagu qabtay Dalka Jabuuti.
Hadaba haddii Salaadin ntii shirka ka qaybgashay
la xidhay, maxaa loo xidhi waayey kuwii xilalka kala
duwan ka qabtay da wladii shirka lagu aasaasay. Waa
arrin u bahan in si dhab ah loo hubsado. Waana arin u
baahan in dadweynaha reer Somalilaand ay Xukuumadu ka
qanciyo.
Author:
Cali Ahmed Sh. Musa |
|