Midowga Yurub oo soo saaray Shuruudo caqa bad ku noqon kara hindisaha Komishanka

 

Nuxurka qoraal xambaarsan dalab iyo talooyin loo jeediyay Komishanka & Xisbiyada Nairobi:- Midowga reer Yurub oo Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo geedi-socodka Dimoqraadiyada, ayaa shaaca qaaday in aanay soo fasixi doonin dhaqaalaha ay ugu talogaleen doorashada Madaxtooyada ilaa Komishanka doorashooyinka ay ka helaan xisaab-celin sugan oo la xidhiidha qaabkii ay u isticmaaleen kharashkii ay ahayd in Xukuumaddu ku kabto lacagihii ku baxay Diiwaangelinta.

Sida lagu sheegay qoraal uu soosaaray Guddoomiyaha guddiga Midawga Yurub u qaabilsan hawlaha Dimoqraadiyadaynta Mr Richard Hands oo uu lagu socodsiiyay Komishanka doorashooyinka, isla markaana ogaysiin la siiyay Madaxweyne Rayaale iyo hogaamiyeyaasha axsaabta, waxa sidoo kale lagu caddeeyay in aanay sii-dayn doonin dhaqaalaha ay ugu talogaleen doorashada inta ay Komishanka iyo axsaabtu heshiis midaysan ka gaadhayaan jadwalka cusub ee doorashada, iyadoo la raacayo heshiiskii ay hore u gaadheen 9 June 2008.

Qoraalkaas oo ku taariikhaysan 02.3.2009 oo uu nuqul ka mid ah Wargeyska Ogaal helay, waxa uu u dhignaa sidan; "Wadahadaladii aynu 17 February 2009 ku yeelanay Hargeysa, Guddiga hagida Dimoqraadiyadayntu (Dimocratization Steering Committee) waxay soo dhawaynayaan bilaabitaanka dhowaan ee hawshii Server-ka ee Komishanka. Imika waxaanu ku qanacsanahay in hawshani soosaari doonto liiska codeeyayaasha doorashada Madaxtooyada, iyadoo loo raacayo Xeerka wada-shaqaynta (Code of Conduct) dhinacyada ay khusayso ee la saxeexay 10 February.

Deeqbixiyeyaashu waxay intaa ku sii darayaan saxeexa wax-ka-bedelka heshiiskii MoU (Isfaham) ee u dhexeeyay Komishanka iyo hay'adda Interpeace ee 25 February 2009, waananu ku qanacnay. Qodobada heshiiskani waxay ka tarjumayaan shuruudihii Deeqbixiyeyaashu ay hore ugu dhigeen ee la xidhiidhay hab-maamul xisaabeedka dawladda iyo kharashkii Deeqbixiyeyaasha ee doorashooyinka, habka alaabooyinku ku imanayaan, habka loo marayo adeegayaasha dheeraadka ah iyo ololaha wacyigelinta dadweynaha. Ku dhaqanka adag ee arrimahaas iyo waxyaabihii hore ee guud ahaan hawshan, waxaanu ku waajahaynaa dabo-gal adag iyo la-xisaabtan toosan.Si kasta oo ay tahayba, waxaanu eegaynaa annagoo ka welwelsan in waxa ka soo horjeeda waxyaabihii naloo caddeeyay xilligii aanu ku gudo jirnay booqashadayadii February 17 ee Somaliland, sida wadahadaladii u dhexeeyay axsaabta iyo Komishanka si loo gaadho isfaham siyaasaddeed oo la xidhiidha maalinta doorashada, qayb-qaybinta goobaha codbixinta iyo liiska codeeyayaasha kama dambaynta codka bixin doona, kuwaasoo aan dhamaantood laga gaadhin horumar la taaban karo.

Waxaanu u soo jeedinaynaa dhamaan xisbiyada siyaasadda iyo Komishanka doorashooyinku inay galaan wadahadalada lagama maarmaanka ah, si loo hubiyo in dib u eegista jadwal-hawleedka doorashooyinka nidaam isfahamna looga gaadho, isla markaana laga ansixiyo Golaha Guurtida, iyadoo loo eegayo heshiiskii la gaadhay bishii June 2008. Xaqiiqdii waa u muhiim in isfahamkan oo u baahan heshiiska saddexda xisbi iyo Komishankaba la gaadho, si Deeqbixiyeyaashu u soo daayaan dhaqaalaha loogu talogalay doorashada Madaxtooyada.Waxa intaa dheer, sidii aanu hore ugu cadaynay qoraaladayadii 22 October iyo 11 December ee 2008 iyo wada xidhiidhkeenii aan rasmiga ahayn ee ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub ee 10 November 2008 iyo socdaalka weftigii ugu dambeeyay ee 17 February 2009, soo-daynta kharashka Deeqbixiyeyaasha ee doorashooyinka waxa shardi u ah helitaanka xisaab-celin dhamaystiran oo la xidhiidha isticmaalka Komishanka ee kharashkii Xukuumaddu ku daraysay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

Waxaanu idin xasuusinaynaa ilaa hadda in aanaan helin xisaab-celintaa, marka ay sidaa tahayna, wax dhaqaale ah ma ogolaanayno in aanu bixino.
Waxa kale oo aanu doonaynaa in aanu qoraalkan idinkula socodsiino waxa ka dhalan kara khaladaadkii soo baxay xilligii ay socotay Diiwaangelintu, waxayna Deeqbixiyeyaashu sameeyeen guddi madaxbanaan oo baadhitaan ku sameeya taas, sidii aanu idiinku sheegnay kulankeenii 17 February 2009.

Ugu dambayntii, waxaanu jeclaan lahayn in aanu dib ugu adkayno masuuliyiinta Somaliland inay masuuliyadooda tahay sidii ay uga hadli lahaayeen jilicsanaanta suurtogalka ah ee ku iman karta hanaanka doorashada in la mu'aamaradayn karo ama rabshadayn karo, waana in markaa la qaadaa talaabooyinka ku haboon oo ay waajib tahay inay si cad u horumarinayaan hanaankan (doorashada) oo la jaanqaada bilawga hawshan."
 

 



Wargeyska Ogaal