Midowga Yurub oo 50 Milyan oo Euro ugu
deeqay Somaliland
 




Hargeysa (TNN)- Wefti ka socda Waddamada qaadhaan bixiyeyaasha midowga yurub (EU)-d a ayaa maanta waxay kulan saacado qaatay la yeesheen xubno wasiirro ah oo uu hogaamin aayey Wasiirka qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda qorshaynta qaranka ayaa waxay weftigu ka ga dhawaaqeen shirkaa in ay Somaliland ku caawin doonan in ka badan 50 Milyon oo Euro, ta as oo loogu tallo galay horumarinta kaabayaasha waxbarashada, kalluumaysiga, macdanta, biyaha iyo beeraha.

Deeqdan ayaa lagaga dhawaaqay shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen xubno ka socday mi dowga yurub iyo Wasiirrada Qorshaynta qaranka, Arrimaha Dibadda, Cadaaladda, Kalluumay siga iyo khayraadka badda.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador Dawzi, ayaa shirka asi jaraa’id ka sheegay inay deeqdani gaar u tahay Somaliland isla markaana ay rajaynaya an inay wax ka tarto kobicinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo amniga Somaliland.

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Somaliya ayaa carabka ku adkeeyey in deeqdan ga adhaysa 50 Milyan ee Euro ay ka mid tahay mashaariicda waxqabad ee midawga yurub doon ayo in uu waxqabad kaga gaysto.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Maxam ed Cabdilaahi Cumar, ayaa uga mahad celiyey Weftigan Deeqdan ay ugu balan-qaadeen Som aliland

Deeqdan oo ah tii ugu baaxada weynayd ee midowga yurub siiyo Somaliland, ayaa ku timid dedaal dheer oo xukuumada Somaliland iyo Wasiirrada Qorshaynta Qaranka iyo Arrimaha Dib eddu , ay u galeen sidii loo heli lahaa gacan wax ku ool ah oo lagu dardar gelinayo horumarka dalku ku talaabsanayso maalinba maalinta ka danbaysa.

Ma aha markii ugu horaysay ee midawga yurub soo gaadhsiiyo Dawlada Somaliland deeq noo can ah.
 

Source: SO