Mid Waxaan Leeyahay Beel Weynta Bariga Burco,Midna Aan Idha ahdo Hadhwanaagnew Midkalena waxan ujeedinayaa Ina Ga boobe iyo haatuf Midna waxan usheegayaa Dhalinyarada Maqaalada faraha ka Qortay
 

Marka Hore Waxan Salaan Qiime Badan Hawada Umarinayaa Dhamaanba Bulshoweynta Reer Somaliland Meel Kastoo Ay Joogaanba Sidoo Kale waxan hambalyaynayaa dhamaanba saxaafada maxaliga ah ee Samaanta umadooda Kashaqaysa iyo Hawlwadeenadaba Waxaanan ilaahay inooga baryayaa  dhamaan teenba in ilaahay Bisha Ramadaan Fadligeeda ina siiyo

Intaas Kadib Waxan Maanta Qalinka Uholaday Inaan Wax Kaidhaahdo Arrin Fool Xun Oo Maalmahanba Aan Ku Arkayay Saxaafada Qaarkood In Lasii Wad Wadana Aan Kuquruxbadnayn Oo Ubaahan In Lasoo Afjaro Haddaba Aniga Oo Fikirkayga kucabiraya
Mid waxaan Leeyahay Beelweynta Bariga Burco, Midna Aan Idhaahdo Hadhwaag iyo hawlwadeenadiisa midna waxaan ujeedinayaa Ina Gaboobe Iyo Haatuf

1.Beelweynta Sharafta Badan Ee Bariga Burco Waxan Leeyahay Waxad Tihiin Dad Qaran Ah OO  Gobani mo badan Kaalinta Aad Dalka Horimarkiisa Iyo waxtarkiisa Iyo Difaaciisaba Kaga Jirtaana waa Kaalin  A ad Uweyn oo Aanan Kusoo Koobi Karin Qoraal Iyo Hadal Midna Walaalayaal Oo Ilmaadeerayaal Anigoo Ogsoon in 99% Aanu Kaxunahay Aflagaadada Iyo Weerarka Cadaanka Ah ee Uu Idinkula Kacay  Werge yska Haatuf Iyo Mulkiilihiisa Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyadoo Uu idiin Geystay Wax Uu Diidayo Damiirka  Fa yoobi, Waxan Idin Leeyahay Gob Xurmo Ayaa Deeqda Eh Gefkaa Iyo Afxumadaa Laga Tirsaday Yuusf Cabdi Gaboobe Iyo Haatuf Xaal Ayaanu Idinka Siinay Waxaanan Idin Leeyahay Reer Waliba  Waaleeyah ay Nin Xun OO Magac Xumo Iyo Fadeexad Usoo Hooyee Tolow Halanaga Raali Ahaado  Arrintaana Xaal Ayaanu Kabixinaye Halkaa Halagu Joojiyo


2 ,Bahda Hadhwanaag Waxan leeyahay waxad Kaalin wax Ku Ool Ah oo Lahilmaami Karin Kaga Jirtaan Horumarka Qarankeena Curdinka Ah Waana Mid Ay Bulshoweynta Somaliland Idoiin Ogtahay Balse Waxan Idiin Soo Jeedinayaa Inaad Dib U Eegtaan Qaybta Maqaalada Akhristayaashu Kusoo Qoraan OO Marar Badan Ay Wax Kusoo Qoraan Dad Aanay Masuuliyadi Kamuuqan OO Kusoo Qara Waxaan  Munaa sibku ahayn Bulshada, Sida Qabiilaysi, Gobolaysi Iyo Shakhsi Weerar Kuwaas oo Dhaawici Kara Wada Noolaanshaha Bulshada Somaliland Sidaas Darteed waxan Saaxiibayaal oo Walaalayaal Idinka  Codsan ayaa Inaad Shaandhaysaan Maqaalada Ay Dadku Idiin Soo Gudbiyaan Oo Aad Umada Usoo Gudbiseen Wixii Waxtar Uleh Ee wax Usoo Kordhin Kara Wixii Bulshada Wax Yeelaya Ee Kala Fogaynayana Aad Meesha Kasaartaan oo Aydaan soo qorin Waxanan aad idiinka Rajaynayaa Inaad talaabo Fiican Qaadi Doontaan

3,Wargeyska Haatuf Iyo Godoomiyihiisa Yuusuf Gaboobe waxad Ahaydeen Wargeys Aad Uda,weyn Oo kamid Ah Saxaafada Ugu Guunsan Somaliland Mararka Qaarna waxaaba Jirtay In Haatuf Dadku Ugu Jeclaayeen Wargeysyada Madaxa banaan Ee Caasimada Somaliland Kasoo Baxa waxa Laidinka Filayay Inaad Waayo Aragnimo Kushaqaysaan Ood Kawaantawdaan Wax Kasta Oo Bulshoweynta Somaliland Dhibsanayso Balse Maydaan Galin Kaalnitii Ay Dadweynuhu Idinka Filayeene waxan Idin Leeyahay Dib Isugu Noqda OO Hoos U eega waxaad Samayseen Waxaad Ku Kacdeen Wax Aan Qaranimada Ufiicnayn Oo Aan Shaksiyadiina Ufiicnayn Bulshada Aad Kasoo Jeedeena Ceeb yaad Usoo Hoyseen

Haddii Aad wax Dhaliilaysaan dalku dawlad iyo Madaxweyne ayuu Leeyahaye waxa Aad Qabiilooyin Iyo Shakhsiyaad Uafaro Galisaan Waa Xaaraan waxanad Ogaataan Hadaad Kawaantoobi weydaan waxaad Kujirtaan In Dhamaan Bulshada Reer Somaliland Ay Dhinac Idiinka Soo Wada Jeedsan doonto


Sidoo Kale Dhalinyarada Maqaalada Tirada Badan soo Qora waxan Kula Talinayaa Inay Had iyo jeer Ka Hadlaan Wax Umadooda Faaiiido Uleh oo Horumar Leh balse Aanay wakhtigooda Kulmin Wax  Bulshado oda Dhaawacaya Iyo Kala Fogayn Ugaysan Kara

Waxan Qoraalkayga kusoo gunaanadayaa Qof Kasta oo Muwaadin Reer Somaliland Ah Masuuliyad Ayaa Saaran Waxaynu Nahay qaran Curdin Ah oo Aan Wali Aduunyada Aqoonsi Kahelin Waxaynu  Kufaanaan a Waa Nabadgelyo Iyo Horumarka Aynu Samaysaynay Dhamaanteen Waa Inaynu Ilaalinaa Wada  Jirke ena Iyo Midnimadeena Gaar Haan Saxaafada Somaliland waxan Leeyahay Hanoqonina Saxaafadii  RWA NDA ee 1994kii sababtay Xasuuqii Kadhacay wadankaase Garta Masuuliyada Idin Saaran


F.G. Gob Xurmo Ayaa Deeqa


 

 

 

 

Axmed Aw Cabdilaahi Khaliif
Finland
Khaliiff05@hotmail.com