Mid Ka Mid Ah Dhalinyarada Somaliland Oo Madaxw ey naha
Ugu Baaqay In Uu Hormuud Ka Noqdo Sidii Af-Ka Somaliga
Loo Horumarin Lahaa
Isbedelkii Dalka ka dhacay waxyaabo badan oo horumar leh
waa laga sameeyey ....................
Axmed Maxamed Shaqalle oo ka mid ah
dhalinyarada
Somaliland ayaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda haatan talada Dalka haysa ugu baaqay in ay ka qayb qaadato
Horumarinta Afka Somaliga.
Axmed Maxamed Shaqalle oo habeenkii xalay ka hadlayey
Munaasibad lagu soo bandhigayey Buug la m agac baxay
Darka Maada ayaa sheegay in Isbedelkii Dalka ka dhacay
aanu saameyn buuxda oo horum ar leh ku yeelan Horumarinta
Hidaha iyo Dhaqanka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa
“Madaxweynaha waxaan ugu baaqayaa in uu ku dedaalo sidii
uu u horumarin lahaa Afsomaliga oo markii hore
Hormuudk iisa aynu ahayn balse markii loo dedaali waayey
ay imika Jabuuti haysato.
Isbedelkii Dalka ka dhacay waxyaabo badan oo horumar leh
waa laga sameeyey oo meelo badan wuu saameeyey, laakiin
dhinicii Dhaqanka iyo Horumarinta Afsomaliga weli looma
soo jeedsan, waxaanaynu leenahay Wasaaradda Hidaha,
Dhaqanka iyo Ciyaaraha oo loo baahan yahay in ay kaalin
weyn ka qaad ato sidii ay Af Somaliga u hir gelin lahayd,
waxaanan Xukuumadda ugu baaqayaa in ay u soo jeedsato
sidii ay Af Somaliga iyo Hidaha iyo Dhaqanka u Horumarin
lahayd.”
|