Meherkii Qaranka Iyo Midhihii Halganka ......Daawo Sawirro Badan
Hargeysa,27 November 2011
(TNN)-Waxa maanta magaaladda Hargeysa lagu qabtay Meher il-ya rtu is-qabatay
oo midaysay Akhyaar Hawl iyo Halgan dheer u soo martay Somaliland,
hal-doorka siyaasiyiinta Dalka oo isugu jiray Siyaasi, Guurti,
Xildhibaan iyo masuuliyiin kala duwan oo xilal kala duwan ka haya
Midhihii Halganka oo ay Ubaxii ka beermay qoys
yagleeleen.
Madasha kulankaasi ka dhacay waxay ahayd mid ka mid ah Hoolalka
waaweyn ee Huteelka Maan-soor ee
Hargeysa Hoodaale 1 kaasoo bar
kulan u noqday dhamaan inta magac iyo muuq is-bidae ek u nool
Somaliland. Hadafka loo soo Ururayna waxa uu ahaa Maamuusida Meherka
Ubad Aabay aashood ku suntan yihiin Halgankii SNM ee Dalka lagu
xoreeyay oo kala ah Boqor Mustafe Maxam ed Aadan (Mujaahid
Gacma-dheere) iyo Hodan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.
Meherkan oo ahaa mid lagu Xer-geeyay waayo waayo iyo xusuuso dadka
intooda badani ay iloob een ama aanay garanaynba intii Kacaantay
dabadeed oo aynu odhan karno Qoyska loo kulmay la ftooda ayaa ka mid
ah intii hano-qaaday ayaa lagu furay Farxad, Qosol, Xusuus iyo
Indho-doogsi, waxaana intii aan loo holan isku-hibayntooda
Sooyaalkii Taariikheed ee Qoyska la Aasaasay Aab ayaashood soo mareen
ka sheekeeyay Oday Maxamed Cabdi Arabay, C/raxmaan Aw Cali Faarax
iyo Oday X Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe.
May ahayn mid lagu soo koobi karo Qoraal hase yeeshee waxay
Odayaashaasi Qoyska la yagleela y iyo Somaliland-ba u soo jeediyeen
in uu Meherkani ka mid yahay Guulihii ka dhashay Waayihii q adhaadhaa
ee la soo maray isla markaana loo baahan yahay in la wada ilaashado.
Sh Maxamed Sh Cumar Dirir oo ka mid ah Culimada magaca ku leh
Somaliland oo Madasha Boqorku fadhiyay ka muuqday sida dhaqanka
Somaliyeed yahay oo marka la isku yimaado ay isku arkaan Odayada
labada dhinac iyo Markhaatiyayaashu ayaa Kitaabkii ula kala baxay
waxaanu Meher isk ugu jiiday Boqor Mustafe
iyo Boqord Hodan iyadoo
intii goob-jooga u ahayd munaasibadaasina Du co ku xoojisay
Waxaan la Hilmaami Karin oo madasha dhaayahooda ku daawanayay
Labeentii Dhalinyarada Som aliland ee aan odhan karno waxay ahaayeen
inta ay isku Filka yihiin boqorka iyo boqorada xaflad da loo qabtay
oo looga baahan yahay inay inta ka danbaysa u jeexaan Guur xalaal
ah. Si mustaqb al fiican ay u helaan.
Isku soo duuboo madasha Meherku ka dhacay waxa lagu soo af-meeray
dhaqan aan hore loo ar ag gaar ahaana waxa caado noqotay Odayada
labada dhinac inay kala yaacaan marka Meherku dhamaado ee Gabaatiga
iyo yaradka la kala qaato hase yeeshee waxay ahayd mid aad moodo Ul
iyo Diirkeed in la isku ahaa oo mar kaliya la soo wada dareeray.
Axmed Maxamed Shaqalle
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|