Meel cadaadis la isku saaro in Argagixisada la sii daayo ma arag

 


 

Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Murashaxa  jaga da Madaxweynenimo ee xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qoraal uu soosaaray Madaxweyne Rayaale.

Madaxweynaha Somaliland oo Isniintii doraad soosaaray qoraal kooban oo ku qornaa luqadaha Soomaaliga iyo afka Ingiriisiga, waxa uu ku sheegay in socdaalkiisii u  dambe eyay oo uu ku tegay dalal ka tirsan qaaradda Yurub, culays lagu saaray inuu sii daayo maxaabiis falal Argagixiso u xukuman oo ku jira jeelasha dalka.

Hase yeeshee, guddoomiyaha xisbiga UCID oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka  waydiiy ay aragtida xisbigiisa ee la xidhiidha qoraalkaas, waxa uu sheegay in qoraalkaasi  yah ay mid macquuliyaadka ka fog, isla markaana aanay suurtogal ahayn in cadaadis lagu saaro sii daynta dad falal Argagixiso loo haysto. "Anigu markii aan arkay qoraalkaa  w aan fahmi waayey, waayo maan arag madaxweyne yidhaahda adduunka ayaa igu  kha sbay inaan sii daayo Argagixiso," ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID. "Waan maqli jiray Madaxweyne leh adduunkaa culays igu saaray inaan Argagixisada wax ka qabto, sida imika Yemen oo kale culayska lagu saaray inay wax ka qabtaan Argagixisada  dhul kooda. Laakiin, arrintaasi aniga maankayga way gali wayday, markaa ilama aha wax s uurtagal ah inay dawladaha adduunku yidhaahdaan siidaa Argagixisada. Waa laga  ya abaa dawladaha adduunku inay qof xuquuqdiisa meel lagaga dhacay ay dawladaha  cu lays ku saaraan, laakiin Argagixiso meel culays la isku saaro in la siidaayo maan arag.

Markaa arrintaa aad iyo aad uma fahamsani, markaa waxaanu jecelnahay inuu intaa in ka badan sii faahfaahiyo oo uu umadda u sheego," ayuu raaciyay.

Guddoomiyaha oo la waydiiyay sida uu u arko xilliga lagu beegay qoraalkaa aan  nuxur kiisa la fahmin ee Madaxweynuhu soosaaray, waxa Madaxweyne Rayaale ka codsaday inuu umadda u iftiimiyo warsaxaafadeedkaas aan ujeedadiisu cadayn. "Xilligii kastaba maaha wax ku fiican, waxanina wax caqli gal ah maaha, wax ku kalifay Madaxweyna hana inuu warsaxaafadeed noocaas ah soo saaro anigu garan maayo, waxaanan Mad axweynaha ka codsanaynaa inuu intaa in ka badan dadka u sheego," ayuu yidhi Mur ashaxa xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Source: Wargeyska Ogaal