Md Qabille Oo Sheegay in Ku Dhaqan La’aanta Xeerka Saxaa fadu Yahay Sharci Jabin, Socdaalka Ra’iisalwasaaraha Ke ny ana Ku Tilmaamay Fursad Dahabiya Oo S/land Muddo Dheer Sugaysay
 


“Xukuumadu Waa Inay Joojiso Cabudhinta Saxaafada, Ma Jiro Xeer Saxaafadeed Oo Golaha Hor Yaala, Xeer Ilaaliyaha Guudna Ha Sheego Sharciyada Uu U Cuskaday Joojinta Ruqsada Saxaafada”
Md Qabille
 


Hargeysa (TNN) - Md Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah guddiga joogtada golaha wakiilada Somalilan d ayaa sheegay in socdaalka Ra’iisalwasaaraha Kenya Raile Odinga ku iman doono dalka ay taariikh weyn iyo fursad qaaliya u tahay qadiyada gooni isku taaga Somaliland, hogaamiyayaasha dawladaha dariska ahna ugu baaqay inay iyaguna qaataan mawqifka cad ee hogaamiyayaasha Kenya ay iska taageen aqoonsiga Somaliland.

Md Qabille waxa uu xukuumada Somaliland uga digay fal kasta oo ka dhan ah xeerka Saxaafada ee dhaq an galka ah iyo madaxbanaanida xoriyatul qawlka, waxaanu sidoo kale dhaliil uga jeediyay amarka xeer ilaaliyaha guud ee qaranku Xasan Axmed Aadan ku joojiyay diiwaangalinta warbaahinta cusub iyo dariiqada uu u maray, tilmaamayna in amar kasta oo ka hor imanaya xeerka saxaafada ay tahay sharci daro.

Md Qabille waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay wargayska Haatuf xogwaran khaasa kula yeeshay xarun ta golaha wakiilada, ayaa sidoo kale ka hadlay dhaawacyada laga keenay Somalia ee lagu daway anayo Cusbitaalada Hargeysa, oo qaar ka mid ah lagu xidhay saldhiga Bilayska ee Madaarka Hargeysa.

Ugu horayn isaga oo ka hadlaya dareenada ka soo yeedhay Ra’iisal wasaaraha Kenya todobaadkan iyo socdaalkiisa la filayo inuu dalka ku yimaado, waxa uu yidhi “Socdaalka Ra’iisal wasaaraha Kenya ku iman doono dalka waa mid taariikhiya, waana mid qaaliya oo na xusuusinaysa 26-kii June 1960kii, ta labaad waa halyaygii ugu horeeyay ee hogaamiyayaasha dalalka Afrikaanka oo dareen sokeeyenimo oo aan habrasho lahayn uga badheedhay qadiyada Somaliland, oo ah fursad Somaliland muddo dheer ka sugaysay Africa iyo caalamkaba, waa mid baal dahaba ka gali doonta taariikhda geeska Africa iyo mandaqadaba, waa fursad wax ka taraysa xidhiidhka qaarada Africa, xidhiidhkooda iyo wadajirkoodu waxay shacbiga Somaliland ku baraarugeen inaanay Afrika ka dhamaan hogaamiyayaasha danaynaya taageerada madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland, sidaa darteed waxaan ra’iisal wasaare Odinga iyo dawlada Kenya waanu soo dhawaynaynaa mawqifka cad ee ay ka istaageen Somaliland, dawladaha kale ee darisyada la ah Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa inay iyaguna ka badheedhaan mawqifka ay ka istaageen hogaamiyayaasha Kenya”

Xuldhibaan Maxamed Faarax Qabille oo aanu wax ka waydiinay amarka xeer ilaaliyaha guud ee qaranku ku joojiyay ruqsada diwaangalinta warbaahinta cusub iyo xeerka cusub ee la sheegay in saxaafada madaxabanaan lagu cabudhinayo ee qaar ka mid ah xildhibaanada wakiiladu ay dabada ka riixayaan, waxa uu yidhi “Xeerka anshaxa saxaafadu waa xeer dhaqan gal ah, wax kasta oo ka hor imanaya xeerk aasina waa sharci jabin, xeer ilaaliyaha guudna ilaa hada ma hayno sharciyada uu u cuskaday joojinta diiwaangalinta saxaafada cusub, waxaanan u arkaa inuu dariiq qaldan u maray qoraalka uu madaxwey naha ee wasiirka madaxtooyada uu u sii mariyay, hay’adaha dawladu waajibaad shaqo oo kala duwan ayay leeyihiin wixii saxaafada ku saabsana meel uu ka soo galo wasiirka madaxtooyadu ma jirto, ta kale xeerkaas wax kasta oo hor imanaya madaxbanaanida saxaafda iyo xoriyayul qawlka waa sharci jabin, sidaa darteed xukuumada waxaan ugu baaqayaa inay joojiso cabudhinta saxaafda iyo cabashada muddooyinkandambe isasoo taraysa”

Md Qabille oo ka hadlaya dhaawacyada Somalia laga keenayo ee barhayan dambe ka soo dagaya Mada arka Hargeysa iyo xubnihii lagu xidhxidhay saldhiga madaarka doraad oo taliyaha bilaysku sheegay indi yaaradii siday dib loogu celin doono, waxa uu yidhi “Guddigayaga joogtada masuul kasta oo arrinkaasi khuseeyo waanu u yeedhi doonaa waxna waanu ka waydiin doonaa”

 

Source:Haatuf