Mudane  Qabille oo shaaca ka qaaday inuu iska casilay Goli hii Dhexe ee UCID, Faysal Cali Waraabena Ku eedeeyay Nin caadaystay inuu hubsiimo la’aan iskaga hadlo

 



“Saaxiibadayda Ku Dhawaaqay Ururka Wadani Aniga Oo Ku Hambalyaynaya Hadana Waxaan Cadaynayaa In Aanan Go’aankaasi La Qaadan”
Md Qabille

Hargeysa, October 11, 2011 (TNN) - Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Mudaneya asha Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Saaxil, kana soo baxay xisbiga UCID ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay golihii dhexe ee xisbiga UCID, isagoo guddoomiyah a xisbiga UCID Faysal Cali Waraabena ku eedeeyay nin hadalada uu ku hadlayo aan ka fiirsan, is la markaana hubsiimo la’aan iskaga hadla oo uu tilmaamay inay sabab u yihiin arrimaha kala dha ntaalay xisbigoodii.

Mudane Qabille ayaa sidoo kale sheegay in aanu wax go’aan ah ku lahayn urur siyaasadeedka Wadani ee todobaadkii hore lagu dhawaaqay, oo uu tilmaamay in fikirka aasaaskiisa ay u balan sanaayeen in kulan labaad ay iskaga yimaadaan, hase yeeshee waxa uu ku hambalyeeyay hog  aamiyeyaasha ururkaasi talaabada ay qaateen.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille waxa u sidaasi ku sheegay mar uu xalay Haatuf kula soo xid hiidhay khadka Telephone-ka isaga oo sheegay inuu ka soo laabtay shirkii beesha Saaxil dhaw aan ugu qabsoomay Tuulada Dubur ee degmada Sheekh.

Md Qabille oo ka hadlaya urur siyaasadeedka Wadani ee xafladii wanqalkiisa ka mid ahaa xildhib aanadii magacyadooda laga xaadiriyay inay ku dhawaaqeen ururkaasi, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi “Runtii saaxiibadayda ku dhawaaqay urur siyaasadeedka cusub ee Wadani kulan aanu ka wada yeelanay aasaaska ururkaasi oo aanu iskula soo qaadnay wuu jiray dhismihiisa iyo sharciyadiisa-ba, laakinse waxaanu u balanay inaanu kulan labaad iskaga nimaadno, hase yeeshee iyadoo aanan kulankii labaad yeelanin ayaan u baxay shirkii tuulada Dubu, waxaanse warbaahinta ku arkay magacaygii, waxaanse cadaynayaa iyadoo saaxiibadayda aanu muddada dheer soo wada shaqaynaynay aan ixtiraam u hayo, isla markaana aan ku hambalyeynayo uru rkaasi ay ku dhawaaqeen. Anaga oo aan wax go’aan ah iskula qaadan ayay ku dhaw aa qeen, sidaa darteed wax talo ah kumaan lahayn ku dhawaaqistiisa, waanse ku hambalyeynayaa lay gamana baran nin mawqifkiisu liic-liico, waxaanse anigu si rasmiya u cadaynayaa in golihii dhexe ee xisbiga UCID aan iska casilay, muadda xilka golahayaga u hadhayn oo shacabkii isoo doortay aan wakhtiga u huro”

Mudane Qabille oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Faysal Cali Waraabe waxa caado u ah inuu hubsiimo la’aan iskaga hadlo oo uu si degdeg ah iskaga jawaabo, waana arrimihii himillada xisbi ga kala dhantaalay, nasiib daro-na wali Ina Cali Waraabe kama waantoobin inuu ku hadlo hada lo aanu ka fiirsanin inta aanay dibnihiisa soo dhaafin, Faysal Cali Waraabe-se ceebtii maaha ee waa caadadii hubsiimo la’aantiisu”.
 

Source:Haatuf