Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale, Mujaa hid,Eng. Adan Muse Cilmi (Adan Shiine),oo tacsi u diray qoyskii & ehelkii marxuum,Suldaan Ibrahim Jaamac Samatar

 

London,UK (TNN) :- Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Adan M use C ilmi (Adan Shiine),ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii,ehelkii,qaraabadii,gacalkii,asxaabtii,madax dhaq ameedka, shacabka Gobolka Awdal & guud ahaan reer Somaliland,geerida ku timid,marxuum,Suldaan Ibrahim J aamac Samatar,oo xalay ku geeriyooday dalka Turkiga.

Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,wuxuu marxuumka Allah uga baryey, inuu danbi dhaaf u fidiyo,Jannatul Fardwasana ka waraabiyo, dhammaan shacabka Somalilandna samir & iimaan sa adiqa ka siiyo.

 



Timacade News Desk
London,UK