Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Adan Muse Cilmi (Adan Shiine),oo hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane,Mujaahid,Muse Biixi Cabdi,xisbiyada Qaranka,Komishanka,labada Gole Qaran iyo shacabka Somaliland.

 


London, February 3, 2021- (TNN): – Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Ad an Muse Cilmi (Adan Shiine),ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane,Mujaa hid,Muse Biixi Cabdi,Komishanka Doorashooyinka Qaranka,Xisbiyada Qaranka,Golaha Wakiilada ,Golaha Guurtida & shacabk a Somaliland,guusha ay ka gaadheen Diiwaan gelinta cod bixiyaasha iyo go'aanka ay isku waafaqeen wakhtiga Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golaha degaanku,ay ka qabsoomi doonaan geyigeena Somaliland.Ex-Mayor,Mujaahid,Eng. Adan Shiine, wuxuu Allah awooda leh uga mahad celiyey,Nabadda uu Somaliland ku arsaaqay,oo ah buu yidhi ,ta aynu maanta halka ay nu joogno inoo suurta galisay.

Ex-Mayor,Mujaahid,Eng. Adan Shiine," Waa maalin taariikhiya,waa maalin ay aad ugu diirsadeen inta jecel wanaaga iyo  jirit anka Somaliland, ee naftoodii iyo maalkoodiiba u soo huray Gobanimada aynu maanta ku naaloonayno.Waa maalin ku sunta n geedi socodka Dimuqraadiyada ee Jamhuuriyada Somaliland ka hana qaaday,waxaanay ka nixisay,dhinbiil dab ahna ku no qotay,Cadawga gudaha iyo ka dibada,ee neceb jiritaanka,Qaranimada & horumarka Somaliland.

Waxaan aad ugu diirsaday khudbadii taariikhiga ahayd,ee madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,mudane,Mujaahid,Muse Biixi Cabdi,uu ka jeediyey xuska 27-aad ee aasaska Ciidanka Qaranka Somaliland,ee fariimaha is barkan  xanbaarsanayd, ee  uu ku  hoga tusaaleeyey inaynu nahay Qaran isku tashaday,dhalasho iyo dhiigba wadaaga,cidnabana aan gacmaha u hoors anayn,aan ahayn Allaha kownkan abuuray,ee isaga ay wax walba gacantiisa ku jiraan.

Anigoo fursadan ka faaiidaysanaya ,waxaan Hambalyo u dirayaa Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland,oo u dabaal degay xuskii 27-aad ee aasaaskoodii,muujiyeyna inay yihiin Ciidan aan Cadawgu marnaba soo haybsan karin,ahna kuwa ha been & maalin heeganka ugu jiran inay sugaan, oo ilaaliyaan Nabada,Karaamada & Qaranimada Somaliland....Guuleysta wal aalayaal meel aad joogtaanba."

Ugu danbewyntii ,Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Adan Muse Cilmi (Ada n Shiine),waxaa uu u duceeyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane,Mujaahid,Muse Biixi Cabdi,waxaanu Allah awood leh uga baryey,inuu xilka uu Rabbi u dooray,ku asturo,u fududeeyo,ku garab galo,kuna guuleeyo Aqoonsiga Somalila nd,dalka iyo shacabkana uga tago dhaxal lagu xasuusto,oo aan abid ka duugoobin.






Timacade News Network (TNN)