Maydadka Askar Xilligii Dawladdii Siyaad Barre La Laayay Oo Lasoo Saaray Iyaga Oo Darajooyinkoodi Sita

 


Hargeysa (TNN) :-Warshadda caanaha Hargeysa agagaarkeedu waxa ay ka mid ahayd goobaha x abaal wadareedyada waxaana ku jira dad aad u tiro badan la xasuuqay wakhtigii rajiimkii Siyaad B arre.

Shalay iyadoo lagu guda jiro mashruucii biya balaadhinta Hargeysa oo dhulka la qodayo si loogu aa so beebabka biyaha waxa ay cagaftu soo saartay xabaal wadareed qofkii u horeeyey ee ka soo ba xayna waxa uu noqday mid ka mid ah askartii ciidamada qalabka siday oo dirayskii iyo darajadiiba xidhan, askarigan oo ka kid ahaa dadkii sida arxan darrada ah hayb ahaanta loo laayey. Xafiiska da bagalka xasuuqa ayaa la wareegay goobtaas si lafaha dadkaas si sharaf leh dib loogu aaso goobo ku haboon.

Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood gacan ka xaq daran ayaa dishay oo waa shuhado.

Waxa qoray Khadar Barud