Maxkamadda Sare Oo Shaacisay Tirada Dacwadaha La Xidhiidha Natiijadii Doorashada Ee Loo Soo Gudbiyay
 


Hargeysa (TNN):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegay in 23 dacwadood, oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd, ee golaha Wakiillada ay mudaysay Maxkamad da Sare dhagaysiga dacwadahooda, fadhigii koowaad ee lagu dhagaysanayana maanta la guddo-ga lay.

-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somalila nd garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan cabashooyinkii muras haxiintu u soo gudbiyeen Maxkamadda Sare, waxaanu sheegay in dacwadaha shalay la mudeeyay oo ay taariikhdu ahayd 22/06/2021, maantana si rasmi ah ay maxkamadu u gudo gashay dhagaysigoo da.

Ugu horayn guddoomiyuhu waxa uu warbixin kooban ka bixiyay ansixintii natiijada doorashada golay aasha deegaanka dalka oo shalay soo dhamaaday, taasi oo labadii todobaad ee u danbeeyay ay ans ixinayeen maxkamadaha gobolada dalku, maadaama ay iyagu awood u leeyihiin ansaxinta iyo ka garn aqida dacwadaha ka yimaada golayaasha deegaanka sida uu dhigayo qodobka 153-aad farqada 2aa d ee xeer lr 91/2020. Guddoomiyuhu waxa uu ku amaanay guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha maxkamadaha gobolada dalka, sida wanaagsan ee ay u guteen waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan, waxaanu xusay kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen maxkamadaha gobolada dalku dadaj inta ansixinta natiijada rasmiga ah iyo dhaarinta golayaasha deegaanka dalka. isagoo dhinaca kalena u hambalyeeyay mudanayaashii loo doortay 20-ka degmo doorasho iyo maayarada iyo ku-xigeenad oodii, waxaanu Alle uga rajeeyay in uu ku asturo xilka loo dhaariyay.

Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in khamiistii 17/06/2021 ay ku ekayd wakhtigii la qaba nayay cabashooyinka murashaxiinta Golaha Wakiilada, kuwaasi oo ay tiradoodud dhamayd 25 cabas ho oo 2 ka-mid ahi ka noqdeen, halka 23-kii cabasho ee kale loo gudbiyay Guddida Doorashooyinka Qaranka oo iyaguna 21/06/2021 ka soo jawaaay cabashadii ay Murashaxiintu kaga cabanayeen, wa xaanu sheegay in shalay loo mudeeyay maantana si rasmi ah loo bilaabayo dhagaysiga dacwadaha.

Mar uu guddoomiyuhu sharaxaad ka bixinayay cabashooyinka iyo sida ay u kala leeyihiin Xisbiyada Q aranka iyo gobolada dalku ayuu yidhi “25-kaa haddaan u kala sheego sida ay xisbi ahaan u kala leey ihiin iyo sida ay gobol ahaan u kala leeyihiin, Xisbiga Waddani 4 cabasho ayaa ka yimid, Xisbiga UCID waxa ka yimid 7, halka xisbiga Kulmiye ay ka yimaadeen 12 cabasho. Marka gobol ahaan loo eego, go bolka Awdal waxa ka yimid 6 cabasho, gobolka Sool waxa ka yimid 5 cabasho, gobolka Togdheer wax a ka yimid 4 cabasho, gobolka Sanaag waxa ka yimid 2 cabasho, gobolka Saaxil waxa ka yimid 1 cab asho halka gobolka Maroodi-jeexna ay ka yimaadeen 5 cabasho.”

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa tilmaamay in dharaaro kooban Maxkamadu ku soo af-jari doonto dacwadaha la xidhiidha natiijada hordhaca ah ee golaha Wakiilada JSL oo ay Maxkamad Sare ee Das tuuriga ah awood u leedahay sida uu dhigayo Qod. 152 faqrada 1aad ee Xer.Lr 91, 2020, taasi oo ay hore ugu soo gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxaanu xusay in marka ay soo af-jaraa n dacwadahan hadda soo gudbay, kadib ay Maxkamadda Sare sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawa aqi doonto natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, maalintaa ay ku dha waaqdo maxkamadu go’aamada doorashada laga bilaabo ilaa 30 maalmood gudahoodna, waxa Mada xweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu iskugu yeedhayaa golaha Wakiillada la doortay, sida uu dhigayo qodobka 44, faqradiisa koobaad Dastuurka JSL.

Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, hay’addaha dastuuriga ah ee qaranka dhammaantood, guddida doorashada qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo axsaabta qaranka sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen qabsoomida dooras hada iyo dhamaystirkeeda, waxaanu ku tilmaamay doorka ay ka qaateen in uu ahaa door shariif ah.

Wa bilaahi tawfiiq.