Maxkamadda Sare Oo Go’aan Ka Gaadhay Dacwadii U Dhaxaysay Garabyada Isku Hayay Xisbiga UDUB
 

 


Maxkamada sare ee Somaliland ayaa go’aanka ay soo saartay ku xaqiijisay in Daahir Rayaale Kaahin

Hargeysa (TNN)-Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maanta soo saartay go’aan kama dambays ah ee dacwadii ka dhaxaysay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin.

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa go’aanka ay soo saartay ku xaqiijisay in Daahir Rayaale Kaahin uu yahay Guddoomiyaha rasmiga ah ee xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ilaa laga gaadhayo shirwaynaha xisbigaasi ku dooranayo hogaanka Xisbiga

Fadhiga Maxkamada sare ka yeelatay dacwada u dhaxaysa garabyada isku haya xisbiga UDUB ayaa waxa gudoominayey Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo ay weheli nayaan garsoorayaasha Maxkamada sare waxana ka soo xaadiray qaar ka mida masuuliyiinta xisbi ga UDUB ee uu khilaafku ka dhaxeeyey.


Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu maxkamada horteeda ka akhriyey dacwadaha u u dhaxeeye xisbiga Masuuliyiinta Xisbiga UDUB.


Ugu horayn Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo ka hadlaya go,a anka kamad danbaysta ah ee ay Maxkamadu ka soo saartay khilaafka u dhaxeeyey xisbiga UDUB iyo qodobada loo cuskadayba waxaa uu yidhi “Maxkamada sare ee Somaliland iyada oo asbaabaha ku xusan dacwada loo soo gudbiyey iyo qodobka 10aad xarafka B ee xeerka habka madaniga oo fasaxa ya in maxkamada sare ka garnaqdo go,aanada idaariga ah ee ka soo baxa hay’addaha maamul ee dawlada oo lala akhriyo qodobka 29-aad ee Xeerka wax ka bedelka iyo kaabista xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasiga ah ee jamhuuriyada somaliland iyo xeerka guud ee xisbiga Udub wa xay


Maxkamadu soo saartay xukunkan hoos ku qoran oo ah sidan :-


1. Waxay maxkamada Sare diiday asbaabta racfaanka racfaanlaha Axmed Yuusuf Yaasiin eek u taariikhaysan 21/04/2012 iyo dood afeedkii qareenka u doodayey.


2. Waxay ogolaatay jawaab celinta asbaabta racfaanka racfaansane gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo dood afeedkii qareenkiisa iyo jawaab celinta ku taariikhaysan 09/05/2012


3. Maxkamadu waxay ayiday go,aanka guddida diwaan gelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka ee sumadiisu tahay GDUAAS110/2012 kuna taariikhaysan 17/04/2012


4. Waxay ku kordhisay Maxkamadu in warqada sumadeedu tahay tixraac GXUDUB-001-2011 ee ku taariikhaysan 03/10/2011 iyada oo maxkamadu ku kordhisay in warqadaasi leedahay ku dhaqan sharci taas oo uu soo diray gudoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Rayeele Kaahin ujeedadeeduna ahayd soo xulista guddida xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Udub, guddidaas oo tiradoodu ahayd 35 xubnood oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka xisbiga Udub Axmed yuusuf Yaasiin waxay yeelanaysaa ku dhaqan sharci waxqabadyadii warqadaas ama igmashadaas lagu saleeyey ee ku soo baxay hadii la raacay oo lagu dhaqmay nuxurka iyo ujeedada warqadaas ku qornaa, wax ka bedelka iyo soo jeedinta xeerka xisbiga Udub waxa loo raacayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 1aad iyo 2aad ee xeerka guud ee xisbiga Udub, sidoo kale wax ka bedelka xeerku waxa uu ku ansaxayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 3aad ee shirweynaha xisbiga UDUB
5. Xukunkan waxa lagu dhawaaqay maanta oo ay bishu tahay 29/05/2012.

Go’aanka ay Maxkamada sare ka soo saartay khilaafka u dhaxeeyey hogaanka sare ee xisbiga UDUB ayaa noqonaysa go’aankii labaad ee ay ku kala xukumaan mid ka mida xisbiyada siyaasada ee Soma liland ka jira.
 

 


TimacadeNews Desk
Hargeysa Somaliland