Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Maanta Saacado kooban kaga faraxalatay Dacwad u dhaxaysa Daahir Rayaale iyo ku-xigeenkiisa UDUB

 

 



Dacwada UDUB oo ilaa duhurnimadii socotay kamay soo qayb gelin labada Hogaamiye ee isku haya talada Xisbiga ........


Hargeysa (TNN)-Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa maanta dhagaysatay Dacwad u dhaxaysa labada garab ee Xisbiga UDUB oo ay Dacwoodayaal ka yihiin Garabka Axmed Yuusuf Yaasiin.

Dhagaysiga Dacwada UDUB oo saaka ka bilaabantay Maxkamadda Sare ayaa Guddoomiyaha Maxk amadaasi iyo afar Garsoore oo ku wehelinayay markii ay dhagaysteen Dooda labada dhinac qare enadooda fadhigii Maxkamada la xidhay, ka dib markii guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil ku dhawaaqay inuu Xukun u diray oo ay Go’aan ka soo saari doonaan sida ugu dhakhso badan dacwadaasi.


Dacwada UDUB oo ilaa Duhurnimadii socotay kamay soo qayb gelin labada Hogaamiye ee isku ha ya talada Xisbiga oo kala h Guddoomiye Rayaale iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf, hase yeeshee waxa Hoolka Maxkamadda fadhiyay siyaasiyiinta labada Nin kala taageersan kuwaasoo ahaa saa  iibo isku dhaw wakhtigii ay talada hayeen balse imika aya Fiintu kala dhex miranayso.
Dooda labada Looyar ayaa ku qotontay qodobo ka mid ah awoodaha Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, kuwaasoo murankoodu ka kacay wakhtigii Rayaale dibed wareega ahaa ee uu Axmed Yuusuf Yaasiin talada sii hayay.


wakhtigaasoo go’aamo badan uu sii qaatay Axmed Yuusuf wallow badhkood uu u soo wakiishay Daahir Rayaale, hadana xiisadoodu waxay cirka isku laashay ama ka bilaabantay Musharaxnima dii loo Cumaamaday Jamaal Cali Xuseen.Inkasta oo la sugayo go’aanka Maxkamadda Sare hadana Natiijada ka soo bixi doonta waxay dadku ka saadaalinayaan inay u dhawaanayso go’aankii hore ee ay ka soo saartay khilaafkii UCID, kaasoo ku maxsuulkiisu noqday badbaadinta Xisbiga balse markii lagu dhawaaqay si toos ah u kala kaxeeyay hogaankii xisbiga.
 


Timacade News